SIDEE SHAQO LOO HELAA?
Shaqadu waa hawl u baahan xirfad, dadaal, waqti, farsamo iyo maanhag togan. Qofku xilliga uu shaqadoonka yahay waxa caawinaya waxyaabo badan, waxyaabaha caawinaya waxa ka mid ah in qofku yahay qof diyaarsan oo isagu marka hore u taagan inuu shaqo helo, markuu helana inuu shaqada qaban karo. Se qofka aan diyaarka ahayn fursad kastaa way dhaafaysaa.
Halkan waxa aan ku soo koobayaa farsamooyin aan isleeyahay qofka shaqodoonka way anfacayaan. Tabahaasi ma aha kuwo mala’awaal ah ama aan anigu iska samaystay, balse waa kuwo la tijaabiyay oo dad badan ku guulaysteen.
Ila eeg dhawrkan qodob:
1- Diyaarsanaan: Marka hore diyaar ahoow, waxa aad u diyaargarawdaa in haddii saacaddaa ama isla berri lagu soo Waco oo hawl laguugu yeedho in aad qabatid. Se haddii aanad isla saacaddan diyaar ahayn, shaqo diyaar uma tihid. Waayo, haddii hawl diyaara laguugu yeedho oo aanad waqtigaas qaban karayn, way ku dhaafaysaa, sidaasna waxa kugu dhaaftay fursad. Fursaddu marka ay timaaddo sugid malaha, isla marka ay ka timaad haddii laga faa’idaysan waayo way ku daysay. Waxyaabaha diyaarsanaanta ka mid noqon kara waxa ka mid ah diyaarinta CV yada, shahaadooyinka IWM. Waa in CV-gu kuu diyaarsanaadaa, oo intaad si wacan u habaysid haysataa. Markaa waa muhiim in aad diyaar ahaatid markasta.
2- Soo bandhig kartidaada: Waxa aad isku daydaa in aad muujisid aqoontaada, xirfaddaada iyo waxyaabaha aad ku fiicantahay. Meelaha aad ku soo bandhigi kartid waxa ka mid ah in aad ka qaybgashid meelaha dad waynuhu iskugu yimaaddo, iyo in aad si joogto ah ula socotid baraha bulshada.
3- Xidhiidh Tayo leh samee: Waxa aad xidhiidh la samaysaa shirkadaha, shakhsiyaadka iyo goobaha aad isleedahay waxbaad la qaban kartaa oo xirfaddaadu way anfici kartaa. La ballan oo la fadhiiso, una soo bandhig kartidaada, oo u sharrax. Waxa aan kuu hubaa in aad halkaas ka heli doontid fursad.
4- La soco fursadaha shaqo ee goobaha cusub: Waxa jira goobo cusub sida haayado, shirkado ama goobo kale oo cusub oo la bilaabo ama la furo. Goobuhu marka ay cusubyihiin waa fursad oo waxa aad ka heli kartaa fursad, waayo goobtu markay cusubtahay waxa ka bannaan boosas. Isha ku hay goobaha cusub.
5- Cidna ha isku hallayn: Dadka qaarkood waxa ay isku halleeyaan ehelka, qaraabad iyo qabiilka. Dadkaas oo ay moodayaan inay shaqo gayn doonaan, se aakhirka gunta ayay soo taabtaan oo waxa ay ogaadaan in ayna dadkaa uu isku hallaynayaa waxba u hayn. Markaa ogsoonoow ma jirto cid kaa fekeraysa oo fadhiga shaqo kuugu keenaysaa. Shaqo waxa aad ku heli adoo dadaala.
Guntii iyo gebagabadii shaqo waad heli, insha Allah. Kaliya waxa lagaa rabaa dadaal, diyaarsanaan, xirfad iyo in aad noqotid qof isagu shaqo u heellan.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
Jeenaweri, 2025
Comments
Post a Comment