Posts

Showing posts from April 28, 2024

Xifaaltanka iyo Colaadda Bilaashka ah ee Shaqaalaha Isku xirfadda ah ee kala Shirkadaha ah!

Image
Soomaalida dhexdeeda, shaqaalaha isku xirfadda ahi, iyo kuwa ka kala shaqeeya shirkadaha isku adeega bixiya, ama goobaha kale ee isku shaqada qabta waa kuwa ugu badan ee isximaya, ficiltama, is isxaasida ee isku erya, aadna aan iskugu calool xaadhnayn. Tusaale aan bixiyo, laba qof oo shaqaale ah ayaa ka kala shaqeeya laba shirkadood oo isku adeeg bixiya, ama Laba Dugsi oo isku wax dhiga. Labadaas qof lagama yaabo inay si wacan u wada sheekaystaan, oo arrimo badan isla qaadaa dhigaan! Xataa haddii ay labada is fahmaan, aad iskuma caloolfurna! Marmar haddii ay isfahmi lahaayeen oo isdhexgeli lahaayeen waxa xaddidaya labadooda shaqo, oo fakaaga u dhexeeyaa waa in ay labada goobood oo tartamaya ka kala shaqeeyaan. Sababaha arrintaas keenay wax badanyihiin, waxa ugu mudan labada qof oo ka kala cabsanaya in haddii shirkaddu aragto hebel oo la fadhiya ama la taagan ba hebel/heblaayo oo shirkad heblaayo ka shaqaysa inuu sir u gudbinayo oo arrimaha shirkadda/shaqadan khuseeya u sheegayo! Xataa