Posts

Showing posts from March 11, 2018

SIRTA CUSBOONEYSIINTA IYO HAL’ABUURKA

Image
                                                     1-      Maalinkasta oo cadceeddi soo booddo/baxdo waxbaa cusub. Adigu waxa aad isku daydaa in aad sidaas oo kale noqoto, maalinkasta oo cadceedi soo baxdo aad adiguna cusboonaato. Dib-u-cusbooneysiintu waa sirta nolosha. 2-    Iskudey in aad fahanto adduunka aqoon cilmiyeysan; maaha kaliya in aad ku kaaftoonto hadallada warbaahinta iyo saxaafadda oo qudha. Akhri buugta miisaanka culus, iyo fekradaha shilis/xoogga badan leh. Waayo, isbeddelku waaka halaagaya ogeysiiska maalinlaha ah ee isku eeg’eeg. 3-    Akhri fekrada waaweyn, waayo, dhacdo kasta oo weyn waxaa ka danbeysa fekrad weyn. Dhacdadii shaacbaxa Camlaaqigii Shiine, waxaa ka danbeeyay fekrado. In uu Galbeedku xoog lahaado illaa maanta, waxaa ka dambeeya fekrado. Shaacbixiddii Ilbaxnimadii Islaamka ee Taariikhd weynayd waxaa ka danbeeyay fekrado. La nooloow maalinlaha. 4-    Nolosha aamin. Qofka aan nolosha aaminsanayni wuxuu ku noolaan nolol bilaa mawqif ah. Aam