SIRTA CUSBOONEYSIINTA IYO HAL’ABUURKA


                                                

1-     Maalinkasta oo cadceeddi soo booddo/baxdo waxbaa cusub. Adigu waxa aad isku daydaa in aad sidaas oo kale noqoto, maalinkasta oo cadceedi soo baxdo aad adiguna cusboonaato. Dib-u-cusbooneysiintu waa sirta nolosha.
2-   Iskudey in aad fahanto adduunka aqoon cilmiyeysan; maaha kaliya in aad ku kaaftoonto hadallada warbaahinta iyo saxaafadda oo qudha. Akhri buugta miisaanka culus, iyo fekradaha shilis/xoogga badan leh. Waayo, isbeddelku waaka halaagaya ogeysiiska maalinlaha ah ee isku eeg’eeg.
3-   Akhri fekrada waaweyn, waayo, dhacdo kasta oo weyn waxaa ka danbeysa fekrad weyn. Dhacdadii shaacbaxa Camlaaqigii Shiine, waxaa ka danbeeyay fekrado. In uu Galbeedku xoog lahaado illaa maanta, waxaa ka dambeeya fekrado. Shaacbixiddii Ilbaxnimadii Islaamka ee Taariikhd weynayd waxaa ka danbeeyay fekrado. La nooloow maalinlaha.
4-   Nolosha aamin. Qofka aan nolosha aaminsanayni wuxuu ku noolaan nolol bilaa mawqif ah. Aaminnaaddu waa labo jaad: A) Mid laga dhaxlo cid kale, taasina waa mid qabow oo aan nolol sameyn. B) Iyo aaminaad lagu doorto baadhid iyo fahan, oo loo dhaqdhaqaaqo. Taasina waa farqigii u dhexeeyey samirkii Bilaal uu ku samrey Cadaabta, iyo cabsidii Muslimiinta qaar ay ka cabsadeen u babacdhigga noloshii waqtigaasi.
5-    Fekradaha aynigaa si deggan ula dood; ulana dhaqan si mawdduuci ah. Ka qaado/faa’ideyso fekradaha [wixii faa’ido kuu leh] dhiirrigelinta cadawgaaga; waayo, ilaahay ma abuurin shar badhaxtiran. Gudaha sharkasta waxaa ku jira kheyr. Kheyrkastana sharbaa ka danbeeya. Noloshu xaaladdeeduba waa salbabakh (ficiltan) iyo isdifaacid.
6-   Si joogto ah ugu noqnoqo fekradahaaga; waayo, fekradaha bini-aadanku way horumaraan, wayna baaba’aan. Wixii Waxyi saxiix ah la xidhiidha, waxaa waajib ah in aan gaws-danbeedka ku qabsanno. Wixii dadaal ku yimaaddana/ka soo burqada, wuxuu aqbalanayaa in si joogto ah loogu noqnoqdo. Feker lamataabtaan (Muqaddas) ahi ma jiro. Balse, haka tanaasulin fekradahaaga bilaa dib-u-eegis. Dib-u-eegistana haka cabsan. Waa waddada ugu muhiimsan ee horumarka fekradaha e.
7-    Dadka waaweyn kula nooloow wax’akhris iyo saaxiibtinnimo. Waxaanad isku daydaa in aad akhrido taariikhnololeedka hormuudkii qorayasha, mufakeriinta, iyo siyaasiyiinta. Sababtuna waxaa weeyi  [in aad ogaato] khibraddooda iyo guushooda [ku qoran[ buugtaasi. Waxa aan akhriyey xasuusaha Cabdiwahaab Al-Masayri, waxaanan ka helay wax aanan ka helin buugtiisa oo ah: cabqari mufaker ah. Waxa kale oo aan akhriyey xasuusaha Ruujiya Al-Jaaruudi, waxaanan ku arkey samirka qoraaga iyo halgankiisii aan joogsiga laheyn. Waxaa jira boqollaal indheergarad iyo siyaasiyiin ah oo diwaangeliyey taariikhnololoodkoodii, haka joogsan akhrintooda, wheel iyagaa ugu kheyrroone.
8-   Isku dey in aad naftaad ula fadhiisato maalinle, fadhiyadaana ku fur kitaabka Ilaahay, adiga oo dhiganaya ama akhrisanaya. Si fiican u fiirfiiri, balse, ka digtoonoow in aad Kitaabka Ilaahay uku akhrido caqlitaariikheed ama caqli bilaa manhaj ah. Waxba ka faa’ideysan maysid aan ajar aheyn. Waana weynaan bilaa shiki ah. Waxa aan tijaabo ku arkey: Akhrinta deggan, adiga oo haysta waraaqad iyo qalin si aad u diwaangashato, ee Kitaabka sharafta lihi FAA’IDO ayey u tahay nolosha cilmiyeed iyo camaleeda.
9-   U nooloow si isku dheellitiran ee xiisahaaga. Waayo, farxaddu waxa ay ku timaad isku dheellitirka. Ha illoobin noloshaada gaar ahaaneed. Caafimaadku waa raasamaal muhiim ah, cun cunto faa’ido leh, maaha ta aad jeceshahay. Sii waqti gaar ah raaxadda jidhka iyo nafta. Qoysku waa dhalasho aamin ah; ha kala fogaan ehelkaaga nolol raaxo iyo ruux leh. Asxaabtaada caawi, unoqo rafiiq, oo booqo, garo dhibaatooyinkooda, la wadaag dhibaatooyinka qaar. Ha noqon qofk ‘Aniga~ أناني’ah.  La nooloow humuumta Muslimiinta meelkasta. Balse,ka taxaddir in aad akhrido [qoraallada] faafaya maanta ee dhaqanka quusta. Nolosha waddankaaga mid wanaag ka fisha ahow. Haka mid noqon kuwa wax qaada ee aan waxba bixin.
10-                       Waxaa innala jooga cid ka cabsanasa waajihidda, agteennana waxaa ah cid ka daashey waajihidda. Kuwa hore waxay yuururaan bilaa waxqabad. Kuwa danbana waxay yuururaan bilaa raad. Wax bilaabiddu badhtankey taal. Hadafyadaada ugu dhaqaaq si cilmi iyo degganaan leh. Balse, ka digtoonoow, deegaannada wax niyadjebiya, iyo fekradaha wax laaya (Sumeeya, dila, gummaada). Adigu waxa aad tahay sida aad u fekerto. Sidaa daraadeed waxaa waajib ah in aad wanaag ka filato fekerkaaga.

Waa TOBAN qodob oo dhammeystiran, waxa aan u hibeeyey walaalladeyda dacwadda iyo fekerka leh. Qaata wixii aad u aragtaan munaasib; ka taga wixii daciifnimo bini-aadan ku jirto. Waayi, caqliyadiinu way waaweynyihiin. KALMADAHAASI waxa ay ka soo baxeen qalbi ka jecel carruurta ummaddiisa.
        
                  W/Q: Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir

                         W/T: Cabdirasaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?