Posts

Showing posts from September 15, 2024

Bandhiga Buugta Goday 2024

Image
Hordhac Sannadkan 2024 waxa markii 1aad magaalada Goday ka dhacay bandhig buug. Taariikh wayn iyo horumar ayay u tahay dadwaynaha magaalada Goday iyo cidkasta oo bandhigaa goobjoog u ahayd. Anigu shakhsiyan markii aad ayaan fursad u helay ka qaybgalka bandhiga Caalamiga ah ee Goday ( Goday International Book Fair). Bandhiga waxa cinwaan ama ladh looga dhigay ‘ Wax BARO, waxna BEERO.’   Waa halkudheg wayn oo ururinaya laba arrimood oo muhiim ah: Waxbarasho iyo shaqo. Waa laba qodob oo Bini’aadanka u muhiima, kaalin wayna ugu jira. Bandhigu wuxuu ka qabsoomay Xarunta Dhallinyarada Goday, iyo Hoolka Hotelka Shabeelle. Buugta waxa lagu iibinayay oo loo sharraxay Xarunta Dhallinyarada, halka doodaha iyo bandhigyada lagu qabanayay Hoolka Hotelka Shabeelle. Bandhiga waxa soo qabanqaabiyay dhallinyaro kala duwan ka soo jeeda magaalada Goday. Iyaga ayaa isxilqaamay oo u badheedhay inay markii 1aad bandhig sidaa u wayn ku qabtaan deegaannadan oo aan hore loogu qaban jirin bandhigyada.