Posts

Showing posts from July 24, 2022

Maxay Noloshu I Bartay?

Image
    1-       Noloshu waxa ay I bartay in dadka qaar ka cabsadaan wax cusub oo ay jecelyihiin waxa tegay/tagtadii, ayna nacaan inay wax la yimaaddaan oo ikhtiraacaan. Sidaas darteed ma jiro wax cusub oo ku soo kordhaa. Sidaas darteed qaarkood waxa ay isku dayaan inay soo koobiyeeyaan afkaaro dad kale leeyihiin, ka dibna ay yidhaahdaan ‘ Aragti cusub ayaan haysannaaye miyaanad ujeedin?’ 2-     Noloshu waxa ay I bartay in dadka qaar ka cabsadaan Ducaadda la jecelyahay, iyo mufarikiinta haya aragtiyo cusub oo aragtiyahoodu muhiimka yihiin; sidaas darteed waxa ay dadkaas la galaan dagaallo ay ku jabayaan oo khasaare laxaadlihi ka soo gaadho. Balse, dadku waxa ay ducaaddaas iyo dadka kalmadda xaqa ah faafinaya ka korodhsadaan wacyi iyo jaceyl. 3-      Noloshu waxa ay I bartay in hadalka miisaaman ee isku dheellitiran in la yidhaahdaa ay waajib tahay, waayo hadalku waa ka abuura dhabnimada waaqica. Hadalkuna waa natiijo ka dhalatay aragti. Quraanka markii la soo dejiyay hadalkii u h