Posts

Showing posts from September 1, 2019

10 Sano oo Buuxa Ayaan Waxbaranayay! ( Semtenber, 2009-Semtenber 2019)

Image
Sawir muujinaya tobankaa sano isbeddelka dhacay. Ogosto 2018 ayaan ku galay Jaamacadda Cammuud oo aan dhigto. Hordhac Waxa aan si kooban uga warrami doonaa 10 sano oo aan waxbaranayay waxa iska kay baddelay, iyo waxa aan bartay. Qoraalku wuxuu xoogga saari doonaa xagga waxbarashada, dhinacyada kale ee NOLOSHA MIYIGA khuseeya qoraallo kale ayaan kaga warrami. Se kani waa 10kaa sano ee aan waxbaranayay xaaladda aan ku sugnaa, iyo wixii ka horreeyay 10kaa sano sidii aan ahaa ( 2009-2019). Bes. WARBIXIN KOOBAN Aniga oo dhex fadhiya lo’dii aan muddada badan eegi jiray, iyo beertii aan ku eegi jiray. Miyi qarfo ah oo noloshu aad ugu adegtahay ayaan ku dhashay. Dhakhtar iyo meel la mid ah kuma dhalan, oo ma sixi karo maalinta aan dhashay iyo bisha aan dhashay. Qoys xoolodhaqato beerallay ah ayaan ka dhashay. Ishinka kalageddisan ayay dhaqdaan, beero dhawr ah oo deegaanno aan kala dheerayn ku yaallanna waannu qodannaa. Qoys ahaan waxa aannu asal u leenahay waa xool