10 Sano oo Buuxa Ayaan Waxbaranayay! ( Semtenber, 2009-Semtenber 2019)




Sawir muujinaya tobankaa sano isbeddelka dhacay. Ogosto 2018 ayaan ku galay Jaamacadda Cammuud oo aan dhigto.
Hordhac
Waxa aan si kooban uga warrami doonaa 10 sano oo aan waxbaranayay waxa iska kay baddelay, iyo waxa aan bartay. Qoraalku wuxuu xoogga saari doonaa xagga waxbarashada, dhinacyada kale ee NOLOSHA MIYIGA khuseeya qoraallo kale ayaan kaga warrami. Se kani waa 10kaa sano ee aan waxbaranayay xaaladda aan ku sugnaa, iyo wixii ka horreeyay 10kaa sano sidii aan ahaa ( 2009-2019). Bes.

WARBIXIN KOOBAN


Aniga oo dhex fadhiya lo’dii aan muddada badan eegi jiray, iyo beertii aan ku eegi jiray.

Miyi qarfo ah oo noloshu aad ugu adegtahay ayaan ku dhashay. Dhakhtar iyo meel la mid ah kuma dhalan, oo ma sixi karo maalinta aan dhashay iyo bisha aan dhashay. Qoys xoolodhaqato beerallay ah ayaan ka dhashay. Ishinka kalageddisan ayay dhaqdaan, beero dhawr ah oo deegaanno aan kala dheerayn ku yaallanna waannu qodannaa. Qoys ahaan waxa aannu asal u leenahay waa xoolahaa, iyo beerahaa. Khibrad wanaagsan oo aannu kaga shaqaysanno waannu u leenahay.

Sida ilmo Miyi u barbaaro ee u kacaamo ayaan u barbaaray. Indhaha waxa aan ku kala qaaday bulsho aan waxbarashada aqoon badan u lahayn, fursadna u helin se aad u xurmaysa oo ciddii AQOON barata, iyo ciddii ka warrantaba aad u waynaysa. Xoolaha ayaan raacay, oo qofka ugu wayn carruurta hooyaday iyo aabbahay dhaleen ayaan ahaa. Maqasha ayaan raacay aniga oo aad u yar, waan ka dallacay oo waylaha ayaan daba orday. Waan sii dallacay oo adhiga ayaan raacaa, sheedda ayaa la igala eegaa maadaama aan yarahay. Aroortii inta raggu maqanyahay haweenka ayaa dusha igala eega oo isoo marmara. Duhurka dabadiina ragga ayaa ila daajiya. Galabta gaabanna awawgay ayaa ii yimaadda oo ‘ orod Awoowo Cabdirisaaqoow iska shaah doono aniga soo hoyne’ I yidhaa.
Sawirku waa aniga iyo Awawgay Aabbo dhalay, Sh. Maxammed Cumer, Ogosto, 2018

Adhigii markaan muddo eegay, waan ka wareegay oo lo’da ayaa la ii diray. Lo’du aad bay uga hawlbadantahay adhiga. Ka sokow inay ka socod dheerayso oo aynna sida adhiga luudin, haddana aroorkeeda ( oo maalinkasta ama maalindhaaf loo arooriyo, halka adhiga dhawr maalmood la qadiyo), foofinteeda, iyo socodkeeda oo xawaare ah ayay kaga hawlbadantahay. Markii hore waalla ila eegi jiray, se mardanbe anigaa la igu halleeyay. Da’ ahaan waxa aan ahaa 8-10 sano jir.

Waa aniga oo adhi dhex jooga, waliba meelihii aan ku eegi jiray.

Waxbarasho ma tago. Dugsi aan waxbarasho u tagaana naguma dhawa. Waqtigaa carruurta aannu da’ ahaan isku midka nahay (ee Magaalooyinka) waxbarasho ayay ku jiraan, oo inta badan waata qofka isaga oo yar waxbarashada la qoro. Maadaama uuna Dugsi nagu dhawayn, sidii ayaan u waxbarasho la’aa oo xoolaha u eegayay. Qof wax yaqaanna oo fahansan aqoontuna wuu yaraa, marka laga reebo Awowgay Aabbo dhalay Sh. Maxammed Cumer, oo Diinta iyo Qur’aanka aad u yaqaannay. Se Awoowo xagga Diinta ayuu dadka bari jiray, xagga kale aad uguma fiicnayn. Waqtigaana Loox baa wax lagu garan jiray, oo wuu yaraa annagan nama soo gaadhin BUUGGAN waraaqaha lihi. Hadda tuuladii aan ku dhashay ee aan degganaa ayaa dhawr jeer oo kaladuwan qof wax ka yara bawsaday FARTA SOOMAALIGU noo dhigay  Xuruufta Af Soomaaliga. Wax kale nooma dhigin, dhawr aroorood oo aan isku xigin ayuu meel lagu yara sheekaysto aroortii noogu dhigay. Aad baan u yara FAHMAY oo carruurtii aannu wadadhigannay waan ka yara xariifsanaaday. Awowgay ayaa I arkay, markaasuu yidhi: “ Inankan Cabdirisaaq, aad buu u fahmad badanyahay, haddii waxbarasho lagu daro caadi buu u baranayaa.” Maalin kale ayay haddana I arkeen odayaal xaafadda ahi, markaasay yidhaahdeen: “ Ina Rashiid, waa wiil deggan oo waxbaran kara ma aha qalqaalli.”

Xaafaddii waxbarasho ayay ila raadisay. Markaa waxa laga fekeray halka la I geyn doono, waxaanna inta badan Hooyo, iyo Aabbo igu odhan jireen: “ Cabdirisaaqoow, waxbaad soo barandoontaa.” Nasiibwanaag waqti danbe oo carruurta aannu isku ayniga nahayd waxbarashada wadaan oo illaa Fasalka 5-6 ku dhigtaan ayay ii suuragashay inaan waxbarasho bilaabo. Waliba meel hoose ka bilaabo, oo maalintaa aan Magaalada imid sida ‘ BTJ’ loo qoro ma fahansanayn, oo intii la ii dhigayna dhinac ay ka socoto ma fahmin. Waxa ay noqotay inaan halka u hooseysa ee xuruufta ah ka bilaabo maaddo kasta oo aan baranayo. Waanan ka bilaabay. Ammintu waxa ay ku beegantahay 2009 ( Oo maanta aan toban sano ka joogo).

SIDEEN WAXBARASHADA U ARKAYAY?
Run ahaantii waxbarashadu qiimo aad u wayn ayay ila lahayd, waxaanan isleeyahay waa waxa kuu sahlay inaad si fudud u fahanto, oo la qabsato. Aad iyo aad baan u jeclaa, oo xiisaha iyo jaceylka aan u qabay wax aan u qabay ma jirin. Waxbarashada waxa aan moodayay wax aad u adeg oo dhagaxaanta ka adeg. Qaabka wax loo wado aad ulama socdo se dhegaha uun baan ka maqlay. Inay heerar leedahay waan maqlay, aad se uma kala fahmin waxa ay heerarkani yihiin. 12 AQAL oo Iskuul ah, iyo Jaamacad inay waxbarashadu tahay waan maqlay. Waliba 12kaa fasal ( oo aan annagu AQALLO’ u naqaannay aad inay u adegyihiin ayaan moodayay. Maqalkaa mooyee wax fekrad kale ah kama haysto waxbarasho!

Qofka buug iyo qalin sitaa wuxuu ila ahaa qofka adduunka ugu qiimaha badan, uguna aqoonta badan. Markii aan magaalada imid oo dabcan aan waxbarashadaba ku cusbaa marka la igu yidhaa ‘ Hebel waa Aqalka ama Fasalka 7, 8, ama mid kalaba’ aqoonyahan dhaartay ayaan moodi jiray. Adduunyada waxa yaal inuu siduu doono u xallin doono, oo aynna waxba ka maqnayn ayaan moodayay. Haddii se la I yidhaa ‘ Hebel Jaamacadda ayuu dhigtaa, ama ka qalinjebiyay’ arrin dhinac igala wayn, dhinacna igala culus ayay ahayd. Dhinaca ay igala waynayd waxa ay ahayd inaan qofkaa u arko qof waxkasta wax laga wayddiin karo, oo waxa AQOON la yidhaaba bartay. Sida kale, ee ay igula adkeyda waxa ay ahayd ‘ Sidee qofkani waxa intan le’eg ku xifdiyay?’ Waxa aan aaminsanaa in haddii la yidhaaba ‘ Hebel waxaasuu bartay ama bartaaba inuu XIFDIYAY oo SIDA QUR’AANKA XARAF XARAF IYO BOGBOG u xifdisanyahay!’ Macne ahaan haddii la yidhaa ‘ Qofkaasi Jaamacadda wuu dhammeeyay, aniga waxa ay iila mid ahayd ‘ Hebel 12kii Fasal ama AQAL ee uu soo dhigtay, iyo SANNADAHAN uu Jaamacadda dhiganayay wixii loo dhigay GURADA ayuu ka hayaa, oo haddii uu soo istaago wuu dareerinayaa.’

Sidoo kale, waxa iyadna ii sawiran in qofkii waxbarashadaa la barayo baran waaya ee ka soo bixi waaya la ciqaabo oo la dilo. Haddii uu carruuryahay UL lala dhaco oo la caseeyo. Haddii uu ebebdarro sameeyo in iyadana la edbiyo.

MAXAA II QABSOOMAY 10 KAA SANO? Ama MAXAAN QABANAYAY 10 KAA SANO?
Sida aan hore u soo carrab baabay AQOONTU waxa ay tahay waxba kama aqaan, waxna kama fahansani, marka laga reebo INAAN XIISO iyo JACEYL xad’dhaaf ah u qabo. Xiisihii iyo jaceylkii aan u qabay waxa ay igu kallifeen inaan si degdeg ah u bilaabo. Si degdeg ah ayaan ku bilaabay. Qalbigaygu wuu soo jeedaa, waanan jecelahay inaan barto. Markii koowaad waxa aan ka bilaabay barashada Xuruufta Af Soomaaliga, Xuruufta Carabiga, iyp Xisaabta. Taa ayaan muddo kooban dhiganayay. Laba toddobaad gudaheed, waan dhammeeyay xuruuftii Af Soomaaliga iyo Carabiga. Waxaa ii bilaabay, oo intaa ii dhigayay Ustaad, Xaaji, Sh. Cumer Cabdillaahi ( Allah Cimriga ha u dheereeyee), oo aan xurmo badan u hayo. Waan sii waday illaa aan wax ka fahmay. Illaa hadda xiisihii iyo jaceylkii waxbarashadu wuu igu jiraa.
Markii Carabigu ii yara baxay, Qur’aanka ayaan dhigan jiray oo kheyr Alle ha siiyee Habaryartay Aamin-Deeqa (Allah Cimriga ha u dheereeyee) ayaa ii dhigi jirtay. Wax aannu isla rafannaba Qur’aankiinna waan soo yara fahmay. Waxa isna waxyar ka dib la ii bilaabay ABCD-da Ingiriisiga. Iyadu walow ay aad iigu akdeyda haddan wax waan ka yara fahmay.

Muddo kooban ka dib oo noqonaysa Semtenber 2009kii ayaan Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sh. Cabdiqaaddir Sh. Jaamac bilaabay. Jawi cusub baan galay. Waxbadan baa isbeddelay. Dugsigii iyo bulshadii aan wax la baranayay waxoogaa intii hore waan ku yara qalooday. Se sannaddugsiyaadkaas dhammaadkiisii waxbadan baa iska kay baddelay. Dhallinyaradii waan dhexgalay oo waan la ciyaaraa. Waqtiyada xilli biriiga waan israacnaa ama wada boodboodnaa.

Waxbarashada waan sii watay. Aniga oo 2 sano kaliya waxbarasho ku jira ayaan kaalinta koowaad galay. Sannad dugsiyeedkii 2009-2010kii kii ku sii xigay oo ahaa 2010-2011kii Kaalinta koowaad ayaan galay, aniga oo weli dugsigii ku cusub oo laba sano uun dhigtaba. Maaddooyinka waan la qabsaday.
Hayaanka waxbarasho wuu socday, oo heerarka kaladuwan ayuu marayaa. Jaceylkii iyo xiisihii aan waxbarashada u qabay wuxuu I dhaxalsiiyay inaan waxbarashadii ku fiicnaado oo si wacan ula qabsado ulana socdo. Marba marka ka danbaysa fekerro badan oo aan waxbarashada ka haystay ayaa isbeddelaya.
Sidoo kale waxaa isbeddelay fekerradii aan waxbarashada ka haystay oo uu ugu horreeyay kii ahaa ‘ inay waxbarashadu adegtahay.’ Feker aan iska dhaadhiciyay ayuu ahaa. Se waxbarashadu laba dhinac ba way noqon kartaa: Adeyg iyo fudeyda, oo qofka ayay ku xidhantahay iyo sida uu uu arko ama ka dhigto. Qofkii dadaalla way u fududaadaysaa, halka ka aan dadaalin ay ku adkaanayso. Fekerkii aan qabay waxbadan baa iska baddelay.

Aniga dugsiga wada oo markaa Fasalka 5aad ah, ayaan ku biiray Markis Qur’aan Xifdi ah. waa Febraayo 2011kii. Qur’aanka waxoogaa hore ayaan uga sii aqaannay, oo dhawrkan sano ee aan joogo magaalada ayay habaday Aamin Axmed xaafadda iigu dhigtay. Qur’aankii ayaan bilaabay. Si wacan baan u diyaarin jiray oo uga bixi jiray. Ugu danbayn si xawaare sare leh ayaan ku dhammeeyay. Bidhii aan ku biiray bisheedii oo ahayd Febraayo 2012kii ayaan dhammeeyay. Xifdintiisa waan wadaa. Xifdintiina waxa ay iga qaadatay 2 sano oo waxyar ka dhiman.

Markii aan Xifdiyay waxa aan bilaabay in aan Tartan Sannadle ah oo Magaalada Boorama lagu qaban jiray galo. Markii iigu horreysay 2012kii ayay ahayd. 15 Jis ayaan ku galay. Se kuma guuleysan. Dhawr jeer oo kalana waan galay, se kuma guuleysan. Sababta ugu weyn ee aan ugu guuleysan waayay waxa ay ahayd ‘ Markaan Kursiga ku fadhiisto uun baan naxaa oo Qur’aankii soo saari waayaa!’ Inta hore meeshii la I wayddiiyaba dhakada ayaan ka hayaa, se markaan halkaa tago NAXDINTII ayaan ku illaawaa. Aduu halganka Qur’aanka waan sii watay oo ma daynin. Subcis maalinle ah ayaan gali jiray si aanan u illaawin, maadaama Qur’aanku farakuhaynyahay.


Sawirku waa aniga markii aan dhammeeyay Qur’aanka.  Waanna sawirkii shahaadada iigu dhegsanaaa markii hore

Muddadaa aan Qur’aanka dhigashadiisa iyo ilaalintiisa ku mashquulsanaa, sidoo kale waxa aan kuy mashquulsanaa Barashada Shareecada. Culuunta kaladuwan ayaan dhigan jiray sida: Axaadiista, Fiqiga, Naxwaha, Musdalaxa, IWM. Shahadooyin dhawr ah ayaan ka qaatay.

Waa mid ka mid ah Xaflad la igu guddoonsiiyay Barashada Shareecada qaybaheega kaladuwan. Sawirka waxaa igula jira ardeydii iyo macallinkayagaii Sh. Faarax AHUN.

Dugsigii dhexe waan dhammeeyay, kii sare ayaan u gudbay. Dhammaadkii sannad dugsiyeedkii 2013-2014kii ayaan Fasalka koowaad ahaa. Weli dugsiga waxa aan dhinac wadaa barashadii Culuunta kaladuwan ee Shareecada. Aniga oo garabwada haddana waxaa ii suurtagashay inaan Kaalinta koowaad galo fasalkii koowaad ee Dugsiga Sare. Haddana fasalkii Labaad ayaan u gudbay illa aan Fasalka 3aad aan gaadho.

Sannadahaa aan dugsiga sare ku jiray, waxa aan xoogga saarijiray barasha waxyaabo badan. Galabtii waxa aan dhigan jiray Bareefad la odhan jiray Al Azhar, oo luuqadda Ingiriisiga ayaan ka dhigan jiray. Shahaado Diploma ah oo sannad iyo badh ah ayaan ka qaatay. Waxyaabihii na looga baahnaa qalinjabinta English-ka ka hor waxa ay ahayd in la qoro buug lagu qalinjabiyo. Buugga la ii direy aniga wuxuu ahaa ( 1000 Most Common Nouns In  English). Waan qorey waxa aan ka dhigay buug caadi ah, oo ka kooban 100 bog. 
Waa aniga oo buuggii aan Qaliinjebintaydii Bareefadka qoray gacanta ku haya.

Sidoo kale, waxa aan Mac’hadka ka bartay Culuun kala duwan oo uu ugu horreeyay ‘ Human Development ~ Horumarinta Bini’aadanka.’ Iyadana Shahaado Diploma ah ayaan ka qaataya aniga oo fasalka 3aad ee Dugsiga sare dhiganaya.
Isla sidoo kale, waxa aan dhigan jiray Habeenkii Mac’hadka Zaylac. Culuunta kaladuwan ee Carabiga ayaan ka dhigan jiray. Isna waxa aan ka qaatay Shahaadada Diploma oo Culuunta Carabiga ah. Sannadku waa 2016.

Sannadkii 2016kii aniga oo ka sii baxayay Fasalka 3aad oo u gudbaya Fasalka 4aad, ayaa aan galay Tartankii iigu horreeyay ee QORAAL ku saabsan. Dugsigu ayaa lahaa Daabuur aroorle ah oo sannad Dugsiyeedkasta dhammaadkiisa la qabto, markaa sannadkii ugu horreysay waxaa lagu soo daray Tartan ah ‘In lagu tartamo Qoraalka’ oo qofku intuu qoraal mawduuc ku saabsan uu soo qoro tartan uu ku galo. Sannadkaa istijaabi ayaan islahaa. Waan istijaabiyay. Mahad Alle waan ku guuleystay oo kaalinta 2aad ayaan galay. Markii aan Kaalinta 2aad tartankii galay, ayaan is idhi ‘ malaha qoraalka waad ku fiicantahaye waad mooggantahay.’ Wixii maalintaa ka danbeeyay qoraalka waan isku dayi jiray. Waanna Sannadka aan ku soo biiray SAAXADDA QORAALKA, 2016.[1]
Xilli Biriig ayaan sawirkan galay, waa sannadkii 2016 oo aan Fasalka saddexaad ee Dugsiga Sare ahaa.

Sannadkii 2016-2017kii waxa aan bilaabay fasalka 4aad ee Dugsiga sare. Sidoo kale, sannadka aan Fasalka afraad ahaa waxa aan bilaabay qoridda buuggii iigu horreeyey ee Af Soomaali ah, waana buugga la yidhaa ‘ Geesi garasho Dheer’ oo aan ka qoray Recep Tayyip Erdogan.
Aniga oo sharraxayay buuggaygii Recep Tayyip Erdoga

Julaay 06, 2017kii, maalin  khamiisa, waa maalintii aan soo afmeeray imtixaankii qaranka Soomaalilan ee loo yaqaan GC ga.  Sannad dugsiyeedka 2016-2017-kii iyo guud ahaan waxbarasho ani shakhsiyad ahaan ii soo socotey 8 sannadood. Waa maalintii Imtixaan dugsi oo aan u fadhiisto iigu dambeysay nolosheyda wixii doonaaba ha dhacee.Waa maalin xusuus iyo xarrago gaar ah leh.Waa maalin ay waxyaabo farabadan isbedeleen maadaama ay tahay xaalad kalaguur, oo sheegasa in ay marxalad dhammaatay oo marxaladdo kale hadheen oo dhimanyihiin. Bishan toddobaad ee aan GCga galey bishii ka horreysay ee lixaad iyadana waxa aan galey imtixaankii dallada ee dugsiga wuxuuna ii dhammaadey 15 june, 2017kii. Dugsigii sare sannadkaas 2017 ayaan dhammeeyay.


Waa aniga ardeydii aannu isku fasalka ahayn, waliba maalintii aannu imtixaankii GC-ga dhammaynay. Julaay, 2017.
Jaamacadda Bader ayaan bilaabay, Sannadkan 2019ka isla maalintii Dugsiga la I qoray oo ahayd Semtember 1deedii ayaan ka qalinjebiyay oo Shahaadada Diploma ka qaatay. Sidoo kale waan sii wadi oo ‘ Upgrading’ ayaan samaynayaa.

Dhammaadkii sannadkii 2017kii waxa aan bilaabay Jaamacadda Cammuud, hadda oo ay tahay 2019ka waan dhigtaa oo waan ku jiraa. Waxa aan xiiseeyaa ha’abuurka gaar ahaanna qoraalka, turjumaadda, Cilmibaadhista IWM. Inta badanna waan sameeyaa, oo iyaga ayaan ku mashquulsanahay. Maqaallo badan ayaan qoray, meelo kala duduwan ayaan ku faafiyay, sidoo kale turjumaado badan ayaan sameeyay, sameeyaana. Halganku weli wuu socdaa.
Aniga oo jooga Kambaska Jaamacadda Cammuud oo aan wax ka barto

Intan aan Jaamacadda ku jiro waxa aan qoray oo sannadkan 2019ka aan daabacay buuggeygii 2aad loo la yidhaa ‘ HELEN KELLER: Gabadhii Indhaha iyo Dhegahaba La’ayd ee Ph.D Qaadatay.’
Waa aniga oo akhriyaya buuggayga cusub ee HELEN KELLER, Ogosto, 2019

Waxbadan oo ii qabsoomay ayaa jiray, se hadda dhinaca waxbarashada uun baan ku soo koobay.  

GEBAGEBO
Toban sano horteed 2009kii waxba ma aqoon, xataa alifka sida loo qoro. Se toban sano ka dib maanta 2019ka Laba Jaamacadooda ayaan laba Digrii oo kaladuwan ka wadaa.
Hadalka oo kooban Tobankaa sano isbeddel wayn oo baaxadle, oo aanan qiyaasi karin ayaa igu dhacay. Isbeddelku wuu isaameeyay. Oo waxbadan buu ii iftiimiyay. Isbeddel wayn..wayn…wayn ayaa I haleelay 10kaa sano.
Meesha aan 10kaa sano horteed joogay waan ogsoonahay, adigaagan akhristaha ahina waad ila dareemi kartaa, oo waxbaan kaaga bidhaamiyay, waxaanan ku soo koobay ‘ Waxba ma aqoon, xataa BTJ, waxkale iska daaye meesha aan ku noolahay waxa ka socda ma fahansanay adduunyo kalaan iskadaa. Maantana waxaa iyo waxyaabo badan oo kalaba waan garanayaa, weli waxa aan u sii socdaa dhinacii wanaaga.’

Waa innoo 10ka sanee soo socda ee kuwan xiga, iyo halka uu safarku saldhigto.

Wiilkii xooladhaqatii wuu ku salaamayaa walaal.


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Gmail: drwadaad.yare@gmail.com
Semtenber 01, 2019, Muxarram 01, 1441.
Boorama, Awdal.



[1] Halkan ka daawo Sheekadii aan kaga qaybgalay Tartanka: https://youtu.be/hz20JRRdz2E .


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?