Posts

Showing posts from June 23, 2019

Sookoobidda iyo Faallaynta Buugga ‘ The Suicidal State in Somalia ~ Qarankii Isqudhgooyay ee Soomaaliya’

Image
                Hordhac Buuggan waxaa la yidhaa ‘ The Suicidal State in Somalia’ oo haddii aynnu Af Soomaali u rogno noqonaya ‘ Qarankii isqudhgooyay ee Soomaaliya.’ Cinwaan hoosaadkiisuna waa “ The rise and fall of Siad Barre Regime, 1969-1991~ Soo ifbixii iyo dhammaadkii Xukunkii Siyaad Barre intii u dhexaysay 1969kii illaa 1991kii.” Wuxuu ku qoranyahay luuqadda Ingiriiska. Bog ahaan waxa uu ka koobanyahay 363 Bogg. Buugga waxaa qoray Maxammed Xaaji Ingiriis oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo Jaamacadda Oxford, Shahaadada Sare ee Ph.D ka   diyaariyay. Buugga waxa uu rasmi ah u soo baxay Sannadkii 2016kii. Waxaa daabacday ‘ University Press of America.’ Daabacaad ahaan qaab wacan oo soo jiidasho iyo tayaba leh ayaa loo daabacay, qoraal ahaan si mugweyn ayaa loo qoray. Waa buug aqoonbaadhis muddo badan la waday la xidhiidha sida qoraaga laftiisu sheegay. Sidoo kale, sida qoraagu xusay 2016kii isaga oo jooga Mugdishu Book Fair, waa buug hab Akaadamikeed loo qoray, oo waqtigaa