Sookoobidda iyo Faallaynta Buugga ‘ The Suicidal State in Somalia ~ Qarankii Isqudhgooyay ee Soomaaliya’
Hordhac
Buuggan waxaa la yidhaa ‘ The Suicidal State in Somalia’ oo
haddii aynnu Af Soomaali u rogno noqonaya ‘ Qarankii isqudhgooyay ee
Soomaaliya.’ Cinwaan hoosaadkiisuna waa “ The rise and fall of Siad Barre Regime,
1969-1991~ Soo ifbixii iyo dhammaadkii Xukunkii Siyaad Barre intii u dhexaysay
1969kii illaa 1991kii.” Wuxuu ku qoranyahay luuqadda Ingiriiska. Bog ahaan waxa
uu ka koobanyahay 363 Bogg. Buugga waxaa qoray Maxammed Xaaji Ingiriis oo ah
aqoonyahan Soomaaliyeed oo Jaamacadda Oxford, Shahaadada Sare ee Ph.D ka diyaariyay.
Buugga waxa uu rasmi ah u soo baxay Sannadkii 2016kii. Waxaa
daabacday ‘ University Press of America.’ Daabacaad ahaan qaab wacan oo soo
jiidasho iyo tayaba leh ayaa loo daabacay, qoraal ahaan si mugweyn ayaa loo
qoray. Waa buug aqoonbaadhis muddo badan la waday la xidhiidha sida qoraaga
laftiisu sheegay. Sidoo kale, sida qoraagu xusay 2016kii isaga oo jooga Mugdishu
Book Fair, waa buug hab Akaadamikeed loo qoray, oo waqtigaa Carwada uu joogay qoraagu
wuxuu yidhi ‘ Buuggaygu waa buugga kaliya ee hab Akaadamika u qoran ee Carwada
yaalla.’ Qoraal ahaan iyo qaab ahaan aad baan ugu bogay, walow meelaha qaar aan
ku dhaliili karo. Dhinaca xigashada iyo raadraaca aad buu qoraagu u adkeeyay oo
iskaga dhisay, meelo badan ayuu wax ka soo xiganayaa, xigashada iyo raadraacuna
aad bay u badanyihiin, oo buugga bog ahaan waxa ay ka noqonayaan 88 bog.
Dhinacaa xigashada qoraaga waan ku bogaadinayaa, qoraayada kalana waxa aan kula
talin lahaa inay xigashada badiyaan, haddii buuggu la rabo inuu noqdo mid qaab
aqooneed u qoran. Waayo, xogtii in lagu kalsoonaan karo guud ahaan, iyo gaar
ahaan in dadkii mawdduucii buuggu kolba daaranyahay sii korodhsan karaan, oo
ilo badan oo kale wax ka heli karaan ayay tilmaamayaan xigashada iyo
tixraacuba.
Waqtiga uu bilaabay, way horreysay. Se ugu danbayn wuxuu
bilaabay 2010kii. Illaa shan/lix sano inuu qorayay ayuu sheegay. Xogaha meelo
badan ayuu ka helay, meelaha uu ka helay waxaa ka mid ah; waraysiyo, qoraallo
la diyaariyay, muuqaallo, iyo warbixinno waraysi ah. Sidoo kale, xogtu maadaama
ay marto labo nooc, oo kala ah ‘ Isha koowaad ~ Primary Source’ iyo ‘ Isha labaad
~ Secondry Source.’ Ta koowaad dadka Soomaalida ah ayuu ka soo xigtay. Ta
labaadna dadka Ajaanibka ah ee wax ka qoray Soomaaliya, iyo waqtigii Siyaad
ayuu ka soo xigtay siduu sheegay.
Sookoobidda
iyo Faallada
Buuggu wuxuu ka koobanyahay shan qaybood, oo ay soo
hoosgalayaan 11 Cutub, oo iyaguna sii kala leh ciwaanhoosaadyo.
Qeybta koowaad, waxa uu u
bixiyay cinwaanka ah ‘ The Colonial State and Schooling: Tribulation ~
Maammulkii Gumeystaha iyo wixii laga bartay: Dhibaato/silic.’ Cutubka koowaad
ee qaybtaasi waxaa weeyi ‘ the Genealogies of African Dictatorships~ Halka ay sal
ku leeyihiin Jiitayaasha/Kalitaliyayaasha Afrika.’ Kaliya inayna Soomaaliya
burburin ee waddamo badan oo kale burbureen ayuu sheegayaa, waddamadaana waxaa
ka mid ah; Angola, Liberia, Morocco, Sudan, IWM. Halkaa qoraagu wuxuu diiradda
ku saarayaa halka ay asal ahaan ka soo fufeen Jiitayaasha Afrika. Markaa laba
aragtiyood ayuu soo xiganayaa. Mid waxaa qaba Saynisyahan Mohamoud Mamdani, oo
waxa nuxurkeedu yahay in Afrika ay dhibaatada kaga tageen Gumeystuhu iyaguna
beereen Jiitayaasha xukunka kaga danbeeyay ee markay xoroobeen qabsaday
dalalka.
Aqoonyahanka labaad, waa
Achille Mbembe wuxuu qabaa in Afrika
iyadu ka masuultahay dhibaatooyinka iyo sicila ka dhacay. Islamarkaana ay
Jiitayaashu yihiin kuwo iyaga marka fursad ay ka faa’ideysan karaan ay arkaan
ay ka soo dhexbaxaan. Qoraagu labada fekradood buu dhexdhexaadinayaa oo
labaduba inay qaadhaan ku darsadeen imashada Jiitayaasha ayuu qabaa. Balse,
wuxuu ku sii darayaa in Jiitayaashu masuuliyaddii ay dayaceen, misana ay yihiin
kuwii gumeystuhu soo tababbaray, oo dhammaan ama badankoogaba Kelitaliyaasha
Afrika waxa ay yihiin suntii gumeystuhu beeray.
Isla cutubkaa wuxuu soo
qaadanayaa Siyaad Barre. Wuxuu ku doodayaa qoraagu in Siyaad Barre ahaa
nasiibxumo Soomaaliya loo soo diray, misana laga dhaxlay, kana masuulyahay
waxyaabo badan. Sida qayrkiisa kale ee Jiitayaasha Afrikana uu yahay
Kaligiitaliye gumeystuhu beeray.
Cutubka Labaad, ladhkiisu waa ‘
A Critical Appraisal: the State and Society in Prespective.’ Markii Gumeystuhu
ka baxay Soomaaliya siday xaaladdu ku curatay ayuu ka warramayaa, misana wuxuu
raacinayaa in dawlad rayid ah oo dadku doorteen dhalatay. Aadan Cadde AHUN ayaa
hoggaanka loo dhiibay, oo caynaanka noo qabo la yidhi. Khibrad badan inuu lahaa
Aadan Cadde ayuu xusayaa qoraagu. Sidoo kale Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa
loo doortay Raysalwasaare.
Qoraagu wuxuu xusayaa
doorashadii labaad ee ka dhacday Soomaaliya gumeysiga dabadii. Sannadkii 1967
waa tii doorasho dhacday. Aadan Cadde oo
tartamayay ayaa lagaga guuleystay, isna isma dhibin rabshadna ma samayne wuu ku
qancay. Haddaba waxaa Madaxweyne loo doortay Cabdirashiid Cali Sharmaarke,
halka Raysalwasaare loo doortay Maxammed Xaaji Ibraahin Cigaal. Sababta Cigaal
Raysalwasaare loogu doortay waxaa lagu sheegaa inay ahayd si loo dejiyo
cabashada ama tabashada Gobollada Waqooyi oo markaa wax tabanayay. Sidaasaa
Cigaal loogu qalqaaliyay oo Raysalwasaare looga dhigay.
15 Oktoober, 1969kii,
Madaxweyne Sharmaarke oo Laascaanood u kuurgal abaareed ku maraya waatii lagu
khaarajiyay. Ninka dilay waxaa lagu sheegay inay isku reer ahaayeen, sidoo
kalana uu ahaa ilaalidiisa mid ka mid ah, ama sida qoraagu xusayo uu ahaa mid
ka mid ah Booliska ammaankiisa suga. Waxa se shirqoolka abaabulkiisa iyo ka
danbayntiisa qoraagu ku doodayaa inuu lahaa Siyaad Barre, qoraagu halkan wuxuu
la qabaa oo uu ka soo xiganayaa Dr Xuseen Bulxan oo isna qaba arrintan. Waqtigaa
la shirqoolay Madaxweynaha, Raysalwasaarihii dalka ee haddii Madaxwaynuhu
meesha ka baxo dalka maammulihi lahaa wuu maqnaa, oo Maxammed Xaaji Ibraahin
Cigaal AHUN Maraykan ayuu booqasho ku joogay sida qoraagu xusayo.
Arrintan Shirqoolku inay tahay
arrin Afrika ka dhacda ayuu xusayaa Qoraagu, wuxuunna soo qaadanayaa ragga la
shirqoolay qaar ka mid ah; Raysalwasaarihii Burundi Pierre Ngendandumwe,
Jannaayo 1966kii ayaa la shirqoolay. Raysalwasaarihii Congalese, febraayo 1961
ayaa la shirqoolay. Wuxuuse qoraagu ku doodayaa inaan si wanaagsan loo baadhin
Shirqoolkaa lagu dilay Madaxweyne Cabdirashiid C. Sharmaarke, marka la
barbardhigo shirqoolladii Geeska ka dhacay, sida Shirqoolkii lagu sameeyay Tom
Mboya oo ahaa Wasiir, 5tii Julaay ayaa la khaarajiyay. Iyo shirqoolkii lagu
khaarajiyay Hoggaamiyaha Xisbigii Xorreynta Musambiik Mudane Chivambo Mondlane,
oo la dilay Febraayo 3deedii.
Qaybta labaad ee buugga wuxuu
qoraagu ladh uga dhigay ‘ The Capture of State: Totalitarianism.’ Cutubka saddexaad
oo qaybtan ka mid ah na waxaa ladh u ah ‘ Barre and Somali State: Actor and
Action: ~ Barre iyo Qarankii Soomaaliyeed: Matele iyo fal.’ Qaybtan wuxuu
qoraagu xoogga ku saarayaa markuu Cabdirashiid C. Sharmaarke dhintay, xukunkii
Milliteri ee Jaalle Siyaad Barre AHUN ku la wareegay Qarankii Soomaaliyeed,
sannadkii 1969kii, iyo tallaabooyinkii
uu qaaday.
Haddaba, 21 Oktoober 1969kii
maalin Salaaso ah, waaberigii horteed 03:00 (saddexdii) aroornimo ayaa
guutooyin ciidamo ahi la wareegeen Radio Muqdisho, Wasaaraddii Warfaafinta iyo
meelihii ugu muhiimsanaa ee Xeryaha
Dawladda. Khadkii Telefoonnada ayaa gudo iyo debadba ka go’ay, sida qoraagu
xusayo. Sidoo kale, adeegyadii dadku way hakadeen, oo dalkii baandow buu isku
baddelay! Dawladdii rayidka ahayd, waxaa baddeshay dawlad Millateri oo xoog wax
ku socodsiinaysa. Sida qoraagu xusayana Ciidamadan daacadda ah iyo
hoggaamiyahoogan Jaamac Cali Qoorsheel wuxuu Siyaad Barre ku qanciyay in
midhaha afgenbigaa si siman oo loo dhanyahay loo qaybsan doono. Golihii
Kacaanka Soomaaliyeed, tiro ahaan waxa ay ahaayeen 25 qof. 2o Ciidan ah, iyo 5
Booliis ah. Khibrad badan inayna lahayn ayuu Qoraagu ku doodayaa.
Haddaba markii Siyaad dalka qabsaday
waxoogaa ka dib wuxuu dareemay cabsi uu ka qabo qabiilooyinka, gaar ahaanna
kuwii u diyaargaroobayay inay galaan doorasho rayid ah. Qoraagu, intan wuxuu ku
sii darayaa in dadka qaarkood soo dhaweeyeen. Maammulkii cusbaa ee Siyaad inuu
xagga wacyigelinta judha horaba iska dhisay, oo dad badan oo bulshada
afyaqaanna adeegsaday ayuu qoraagu sheegayaa. Abwaanno badan ayaa heeso ku
taageeray. Dadka gabayada qaaday waxaa ka mid ahaa Abwaan Cabdi Muxummed Amiin,
oo gabay qiiro leh ayuu sii daayay ama tiriyay.
Siyaad Barre, khudbaddii
koowaad ayuu soo jeediyay. Khudbaddaa wuu ku afgobaadsaday. Sida qoraagu
xusayo, Siyaad Barre wuxuu sheegay in afgenbigani uu dalka dan u yahay oo uu
yahay luuqad Siyaasadeed oo lagu soo celinayo haybaddii qarannimo ee Soomaalidu
lahayd iyo caddaaladda. Sidoo kale,
wuxuu xusay inuu dalka ka nadiifin doono qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa, oo uu
hagaajin doono waxan ay qaseen maammuladii ka horreeyay. Waxa kale, oo uu
sheegay in dawladihii ka horreeyay ay ahaayeen kuwa awood daran oo maammulka
qaranka ku liitay. Waxa iyaduna uu sheegay sida qoraagu xusayo, in dawladdan
hadda jirtaa aynna ahayn mid Milliteri ee ay tahay mid xukun shacbi (oo dadku
doorteen).
Sida qoraagu xusayo
Milliterigii dalka xoogga ku qabsaday qabiilooyin badan ayay iskugu jireen se
markii danbe sadbursi baa dhacay. Qaabkan ayuu qoraagu sheegay:
The Clan Composition of the
Milliteri Junta
Clan
Groups
|
1969
|
1972
|
The
Outcome
|
Hawiye
|
6
|
-3
|
3
|
Isaaq
|
4
|
-1
|
2
|
Daarood
|
10
|
-1
|
9
|
Dir
|
3
|
3
|
3
|
Other
communities
|
2
|
2
|
2
|
Total
in Number
|
25
|
20
|
20
|
Bogga 75.
Marka laga yimaaddo qaabka loo
qabsaday Milliteriga waxaa ka darnayd qaabka uu Siyaad u qaybiyay Golaha
wasiirrada. Sida qoraagu sheegay Siyaad, 7 Daarood buu siiyay. 4 Hawiye ayuu
siiyay. 3na Isaaq buu siiyay. Iskugayn ahaan waa 14 wasiir.[1]
Hadda Cutubkii Afraad ayaynnu
soo gaadhnay. Cutubkan Ladhkiisu waa ‘ The Dialectics of Dictatorship and
Domination – habkii uu Kiligiiteliyuhu wax u baadhi jiray, iyo muquunintiisii.’
Judhaba qoraagu wuxuu ku doodayaa inay bilaabantay ugaadhsi awoodeed, oo Siyaad
dadka ugu xoogsheeganayo. In Siyaad xoogsheegashada ka bilaabay wasiirradiisa,
oo saddex Wasiir isku casileen kelitelisnimo daraaddeed. Markii uu xukunka
hayay saddex Bilood Siyaad Barre wuxuu Maxkamaddii Sare ku soo rogay wareegto
madaxweyne ujeeddadiisu tahay in isaga looga danbeeyo. Wuxuunna aasaasay
Maxkamadda Badbaadada. Waxa kale oo uu mamnuucay Baarlamaankii. In Jeneraal
Qorsheel la xidhay iyada oo looga shakiyay inuu shirqool ku wado Kacaanka, iyo
in erayo badan oo ay ka mid tahay ‘ Qoorsheel qoorta gooya’ ay ku faafeen
Muqdisho, ayuu qoraagu xusayaa.
Waxa kale, oo qoraagu xusayaa
in Gabayre oo qaybta Difaaca haystay la ugaadhsday oo la xidhay, misana
dacaayad ahaan loo odhan jiray ‘ Gabayre Geedka geeya.’ Waxa kale oo Siyaad
amray markii la xidhay ka dib in god dhulka hoostiisa ah la galiyo, oo halkaa
lagu ciqaabo. Ninka ka mid ahaa taageerayaasha Gabeyre, qaraabo dhawna ay
ahaayeen isna walla jidhdilay markuu muujiyay inuu diiddanyahay xidhidda
Gabeyre. Sidoo kale qoraagu waxa uu xusayaa in qofkasta oo ka mid ahaa
milliterigii dalka la wareegay, haddii
uu ka soo horjeesto dil lagu xukumayay. Maxkamaddu markaa Salaad Gabeyre waxa
ay ku xukuntay dil. Waliba si ay sharci ugu raadiso xadhigga iyo dilka Salaad
Gabeyre waxa ay markhaatigashatay laba
nin oo ay Siyaad Barre isku qabiilyihiin oo la kala yidhaa Maxammuud Geelle,
iyo Cabdiqaaddir Xaaji Masalle. Labaduba waxa ay taageereen go’aanka ah in
Gabeyre iyo Caynaanshe laga saarayo Milliteriga. Waxa kale oo jirtay in
markhaati beenaayaal loo sameeyay, oo rag aan ogayn inta lacag loo ballanqaaday
la yidhi eedeeya oo waxaa suu sameeyay dhaha, si dilkiisu sharci u noqdo! Rag
badan oo ka mid ahaa shaqaalaha dawladdu inay goosteen oo waliba qurbaha u
baxsadeen, misana qaarkood samaysteen dhaqdhaqaaqyo ay kaga soo horjeestaa Siyaad
Barre, oo xataa dhaqaale iyo hub wayddiisteen dalalka debadda, ayuu qoraagu
xusayaa.
Ka dar oo dibi dhal. Markii la
fuliyay xukunkii dilka ahaa ee lagu xukumay Gabeyre, Caynaanshe, iyo Dheel; Siyaad
Barre waxa uu isku dayay hab uu ku aamusiiyo dadkii mucaaradka ku ahaa ee
nidaamkiisa diiddanaa. 23kii Jannaayo, 1975kii, maxkamadda Badbaadadu waxa ay
dil ku xukuntay Toban Sheekh. Qaabka siyaasadeed iyo habka sharci ee Culimada
loo dilayaa wuu ka duwanaa dilalkii hore. Kaliya Culimadani codkooga ayay
koruqaadeen markii Siyaad Barre soo saaray Xeerka Qoyska oo ka koobnaa 49 Bogg,
oo ahayd Digreetadii qoraal tii ugu dheerayd ee abid Siyaad Barre soo saaro,
sida qoraagu ku doodayo. Qoraagu wuxuu xusayaa in Siyaad Barrre Shareecadii
faraha la galay, gaar ahaanna waliba xeerarka la xidhiidha guurka, furniinka,
nolosha labada isqaba, dhaxalka, sinnaanta ragga iyo dumarka. Oo waliba diiday
xukunno badan oo Qur’aanka ku jira, oo ay ka midyihiin kuwa Suuratu An-Nisaa
sheegayso ee dhaxalka, ee sheegaysa in labku qaadanyo labanlaabka Dheddiga. Oo
Siyaad Barre yidhi way simanyihiin! Qoraagu
isaga oo hadalka sii wada, waxa uu ku darayaa in Culimadu Masaajidda waaweyn ee
Masaajidka Cabdiqaaddir ee Xamar ku yaallaa ka mid yahay ay ka sheegeen inuu
xeerkani yahay mid debadda laga soo waariday, Islaamkaana aan sal ku lahayn,
wax aan la aqbalayana ahayn. Halka Siyaad uu ku sii adkeystay xeerkii, waxanna
aad u saamaysay Fekerkii uu Stalin Diinta ka haystay. Siyaad Barre wuxuu ku
dooday in xilligii Qur’aanka in la isku xukumaa ay qasab ahayd la soo dhaafay,
oo uu dhammaaday. Wuxuunna isaga oo Xeerkii sheegaya ku dhawaaqay; ‘ Maanta
waxa aan idiin sheegayaa in Golaha sare ee Maxkamadda Badbaadadu uu go’aansaday
in Gabdhaha Soomaaliyeed iyo ragguba ay simanyihiin, aynna leeyihiin xuquuq
isku mid ah!’ Qoraagu wuxuu ku doodayaa in Siyaad wax aan hortii cidi faraha la
gelin uu la galo, oo uu rabo inuu baddelo Diinta iyo dhaqanka meelo ka mid ah,
waliba isaga jeebkiisa ka soo saaraya! Sidoo kale, wuxuu ku darayaa in arrimaha
noocan ah ay adeegsadaan dadka doonaya inay dadku addoomo u noqdaan ama raba in
xukunkoogu yara ballaadho, oo hadda oo kale Siyaad rabo inuu noqdo hoggaamiye
Afrika laga yaqaan oo sumcaddiisu gaadho.
Tobanka Sheekh ee dilka lagu
xukumay waxa ay kala ahaayeen sida
qoraagu xusayo; Sheekh Axmed Sh. Maxammed, Sh. Cali Xasan Warsame, Sh. Absiye
Diiriye. Sh. Muuse Yuusuf, Sh. Axmed Iimaan, Sh. Cali Jaamac Xirsi, Sh.
Maxammed Siciid Xirsi, Sh. Aadan Cali Xirsi,
Sh. Saleebaan Jaamac Maxammed, Sh. Yaasiin Cilmi Cilmi Cawil. Sidoo
kale, Sheekhyada qaar lama diline waalla xidhay, waxaanna ka mid ahaa Sh.
Ibraahin Suuleey, iyo Sh. Maxammed Macallin oo markii uu Xajka ka soo laabtay
10 sano lagu xukumay! Qoraagu isaga oo qoraayo hore oo uu soo xiganayo la qaba
waxa uu qabaa in dilkaa Culimada iyo dadkii ka horreeyay ee xaqdarrada lagu
dilay ay saamayn ku lahaayeen inuu daciifo, ama dhacaba maammulkii Siyaad
Barre.
Qaybta Saddexaad, waxa uu ladh
uga dhigayn “ From Clanised to Criminalised State: Tyranny.” Halkaa wuxuu ka
bilaabay Cutubkii Shanaad oo isna cinwaankiisu yahay “ Plunder, Predatory
Power, and Political Economy .” Waa qayb xoogga saaraysa in qofka qabiilkiisa
dambiile looga dhigo, iyada oo qabiilkiisa la yasayo ama cunsuriyad kalaba lagu
wado. Cutubkuna wuxuu innoo qadhiidhayaa boobka, iyo sida awooddii dhaqaale iyo
maammulba loogu tagrifalay, ee gaar ahaan Siyaad ugu qooqay.
Qoraagu waxa uu ku doodayaa in
markii koowaad ba Maammulkan Siyaad dhinaca shakhsiyadda inuu iska dhiso isku
dayay, oo sameeyay Wargeysyo iyo meelo kale oo si maalinle ah Kacaankiisii wax
looga qoro. Xiddigta Oktoober buu sameeyay, oo uu ka dhigay Wargeys Rasmi ah oo
si maalinle ah wax uga qora, oo ammaana aasaasaha Qaranka iyo Aabbaha dalka!
Waxa kale oo qoraagu ku sii darayaa, marka laga yimaaddo qaybtaa Af Soomaaliga
ku soo baxda in ay jireen laba qaybood oo kale oo iyaguna Af Carabi iyo Tg ujn7h8gtalyaani ku soo kala
bixi jiray, oo isla magacaas Xiddigta Oktoober watay. Waxa kale oo shardi ahayd
in bogga hore ee Wargeyska lagu qoro HALKUDHEG ama Hadal uu leeyahay Siyaad
Barre. Taa tu la mid ah waxaa sameeyay hoggaamiyihii Koongo markii uu xukunka
la wareegay wuxuu soo rogay Telefishanka qaranka in isaga aad loogu ammaano.
Arrintaasina in ay kaliteliyayaashu caan ku yihiin oo ay dhaqankooda tahay ayuu
Qoraagu qabaa.
Sidoo kale, waxa qoraagu ku
doodayaa in Siyaad qasab ka dhigay in loogu yeedho ama marka la khudbadaynayo
ee la soo hadalqaado la yidhaa ‘ Aabbo Siyaad, Aabbihii Qaranka, Aabbihii
Xikmadda IWM.’ Iyo in Siyaad Barre Sawirkiisa meelkasta lagu dhejiyay,
Tukaannada, magaalooyinka…..xataa Cusbitaallada dadka xanuunsan yaallaan, gaar
ahaanna waadhadhka. Qoraagu waxa uu ka warramayaa Bukaan ku jiray Cusbitaalka
Digfeer, in sawirka Gidaarka ku dhejisan ee Siyaad dhibay oo markasta oo uu
arko Dhiiggu ku sii kacayo. Waxa dhiiggu ku kacayo ayay iswayddiiyeen Dhakhtarradii,
dabadeed waxaa loo sheegay inuu sawirkaa gidaarka sudhan ee Siyaad oo bukaanku
wax ka tirsanayo yahay sababta ugu weyn ee dhiiggu la kacayo ayaa loo sheegay.
Dhakhaatiirkii waxa ay Kalkaalisooyinkii kula taliyeen in bukaanka laga qaado
halkan oo la geeyo qol bilaa sawir ah, arrintii waxaa diiday maammulka
Dhakhtarka, iyaga oo iyaguna ka cabsanaya ‘Aabbaha Dalka.’
Sida qoraagu qabo Siyaad qof
bini’aadan wax dheer ayuu isku qaatay. Qoraagu isaga oo sii xiganaya Dr
Maxammed Cabdi Gabboose oo ahaa Dhakhtarkii gaarka ahaa ee Siyaad Barre, inuu
sheegay in Magaca Siyaad u taaganyahay ‘ Diin’ oo kale, halka ‘naftiisu ama
shakhsiyaddiisuna u dhadhawaanayso Mid Ilaahay!’ Waxa kale oo qoraagu ku sii
darayaa isaga oo ka soo xiganaya khubadihii Jaalle Siyaad galay, iyo Waraysi
Telefoon oo uu la yeeshay Maxammed Cali Kamoole, in Siyaad Barre dadka wayddiin
jiray ‘ Yaa ku abuuray?!’ haddana isaga oo khudbad jeedinaya uu yidhi; ‘ Aniga
ayaa idin sameeyay, wax idin baray, aniga ayaa idin abuuray!’ markuu intaa isku
soo geegeeyo qoraagu wuxuu qabaa in Siyaad Maskaxda ka xanuunsanayay, wuxuunna
inna leeyahay ‘ Qaar ka mid ah
Dhakhaatiirtiisiisii waxa ay ogaadeen in xaaladdiisa maskaxeed ay la xidhiidho
waxoogaa waalli ah.’ Bogga 124. Markale, qoraagu wuxuu qabaa in Siyaad qabay
xanuunka loo yaqaan ismahadinta ‘Narcissism .’
Halkaa markuu qoraagu marayo
waxa uu soo dhexgelinayaa Naanaysta AFWENE oo uu Siyaad lahaa, oo inta badan la
moodo in dhawaan cunsurimmo loogu bixiyay, oo waliba ay u bixiyeen Dadkii ku
noolaa dhulkii loo yaqaannay Gobollada Waqooyi. Waa been xaqiiqada ka fog. Sida
qoraagu xusayo Siyaad yaraantiisii ayaa Naanaystaa loo yaqaannay oo loogu
yeedhi jiray. Wax dhawaan la bixiyay maaha, sida aynna u ahayn cay. Mana aha Naanays
xune waa sifo kaliya uun. Sida qoraagu xusayo, markii dadkii uu Xabsiyada ka
buuxiyay ee qaar uu dilo, qaar la xidho, iyo kuwo u dullooba noqdeen, waxaa
lagu heesi jiray; ‘ Afgooye aad, afkaaga xidho, ama Afweyne raac.’ Ka eeg bogga
126.
Waxa kale oo qoraagu qabaa in dad badan isku
dulleeyeen Taliskaa, oo xataa inay qabiilkoodii shakigeliyaan keeneen. Dadka uu
qoraagu xusayo waxaa ka mid ah Cali Samatar, oo Sarreeye Guuto ahaa. Cali wuxuu
marar badan caddeeyay in uu fulinayo amarkasta oo madaxweynuhu soo saaro. Xataa
waxa uu sheegay sida qoraaguba ka soo xiganayo ‘ Dualeh; From Barre to Aideed,
39.’ Wuxuunna yidhi; ‘ Waxa aan leeyahay mataano la kala yidhaa Xasan iyo
Xuseen. Haddii Madaxweynuhu Tusaale
ahaan yidhaa Xuseen maaha wiilkaagii, waxa aan raacayaa Amarka Madaxweynaha
wiilkaasina waan diidayaa oo ma dhalin.’[2]Wuxuu
xusayaa qoraagu in Cali samatar uu ka dhashay Qabiilka la yidhaa Tumaal, balse wuxuu ku dooday inuu yahay Qabiilka Ciise
Maxammuud ee ka mid ah Majeerteenka. Waxa qoraagu inna leeyahay sheegashadan uu
sheegtay Cali Samatar Majeerteen waa mid u dhawaynaysa Siyaad Barre, oo uu ku
soo dhawaysan karo, maadaama Siyaad aad tixgeliyo qaraabokiilka iyo
qabyaaladda.
Cutubka Lixaad, waxa uu ladh
uga dhigay ‘ The Politics of 1977 War and its Ramification ~ Siyaasaddii
dagaalkii 1977kii, iyo saamayntiisii.’ Waxa uu si guud uga warramayaa dagaalkii
uu Siyaad Barre oo Soomaaliya hoggaaminayaa la galay Itoobbiya oo Mingiste
hoggaaminayay. Qoraagu waxa uu ku doodayaa in dagaalku ahaa mid siyaasadeed oo
labada Talisba ku doonayeen inay awooddooda soo bandhigaan. Balse, dhab ahaan
siduu ahaa dadka laga qariyay. Qoraagu wuxuu qabaa in Siyaad Barre fursad uu ka
helay jileec dhinaca uu ka arkay, maadaama Boqorkii hore ee Xayle Salaase oo
muddo badan xukumayay uu ka tagay xilkii oo la afgembiyay, nin cusub oo
Mingiste la yidhaana uu qabsaday xukunkii, Mingistana aad uma fahansana dalka
oo wuu ku cusubyahay, xilkana wuxuu qabtay Febraayo 3, 1977kii, halka
dagaalkuna bilaambay June 15, 1977kii. Dagaalkii wuu bilaabmay Ciidamadii
Soomaaliyana iyaga oo niyad ahaan iyo qalab ahaan dhisan, riyadooduna tahay
inay dadka Soomaaliyeed ee Itoobbiya ku nool ka xoreeyaan ayay galeen. Qoraagu
wuxuu iswayddiinayaa su’aal ah; Muxuu Siyaad uga werwersanyahay/walaacsanyahay
ama doonayaa Soomaalida Itoobbiya in ka badan inta uu ka werwersanyahay ama
doonayo Soomaalida Kiiniya? Dabadeed, wuxuu leeyahay labo sababood ayaa keenay
in Siyaad u daneeyo Soomaalida Itoobbiya in ka badan kuwa Kiiniya. Labada
sababood midi waa mid shakhsiyadeed, ta kalana waa mid qabiileed. Ta
shakhsiyadda wuxuu ku sheegay inay tahay ku dhalashada uu ku dhashay, kuna
barbaaray, qaangaadhna ku soo gaadhay dhulkaa Soomaali Galbeed, degmo ahaanna
uu ka soo jeedo. Ta labaadna wuxuu ku sheegay inay mid qabiileed tahay, oo uu
rabay inuu ku taageero qabiilka Ogaadeenka oo halkaa deggan, maadaama ay isku
dhawyihiin Mareexaanka uu ka soo jeedo. Sidoo kale, qoraagu waxa uu waxka
taataabanayaa in Siyaad dad badan ka codsadeen inuu dagaalka joojiyo, balse uu
diiday. Dadka u yimid waxaa ka mid ahaa Vidal Cestro oo Kuubba ka socday,
Muqdisho ayuu yimid. Siyaad Barre ayuu la kulmay, inuu xiisadda qaboojiyo ayuu
ka codsaday, se Siyaad Barre ma yeelin.
Qeybta Afraad, waxa uu qoraagu
ladh uga dhigay ‘ The Calamity of the State: The Terror ~Dhibaatada Qaranka...’
Cutubka Toddobaad oo qaybtan ku hoosjiranaya wuxuu ka dhigay; ‘ The Exploitation
of Clan as Political Resource.’ Wuxuu si guud ugaga warramayaa masiibadii
qaranka ku habsatay, gaar ahaanna in qabiilku awooddii dalka la wareegay oo
khayraadkii qabiil lagu qaadanayo. Qoraagu wuxuu ku doodayaa in Siyaad Barre uu
qabyaaladdii sii sarrifay, oo xataa qabiilkii uu ka dhashay laflaf iyo
jilibjilib wax ku qaybiyay illaa la gaadhayay qoyskii hoose ee uu ka soo jeeday.
Sidoo kale wuxuu xusay in Sayid Maxammed Cabdulle Xasan iyo Siyaad Barre ay
waxyaabah qaar uu qabiilka iyo isirku ka
midyahay ay waynayn jireen.
Waxa kale oo qoraagu ka
warramayaa Siyaad markii dalka waxoogaa haystay, gobollo ayuu u qaybiyay.
Waliba 18 Gobolbuu ka dhigay. 18 kaa gobol qaab nooceeya ayay ahaayeen. Sidanay
ahaayeen:
The Clan Distribution of
the Region[3]
Clan
Groups
|
Original
8 Regions
|
18
new Regions
|
The
Outcomes
|
Hawiye
|
2
|
3
|
+1
|
Isaaq
|
2
|
2
|
=2
|
Daarood
|
2
|
7
|
+2
|
Digil/Mirifle
|
2
|
2
|
=2
|
Dir
|
Nil
[waxba]
|
1
|
+1
|
Other
communities
|
Nil
|
1
|
+1
|
Total
in Number
|
8
|
18
|
10
|
Intaa ka gadaal, wuxuu qoraagu
xusayaa muquunintii siyaasadeed ee qabiilka ku dhisnayd. Wuxuu aad uga hadlayaa
sida uu Siyaad reerka guud ahaan uu ka soo jeedo [ Daaroodka], gaar ahaanna
reeraha hoose [Marreexaan/Reer Diin/Reer Kooshin/Reer xasan Kooshin/ Reer
Barre] ee uu ka dhashay ugu eexday ee qabiiladii kale ee Soomaalida uga eexday.
Shaqaalihiisa, dadka u dhawdhaw, iyo kuwa shaqaalahaba inuu reerkiisa aad ugu
badiyay ayuu qoraagu ku doodayaa. Sidoo kale, qoraagu wuxuu qabaa in waxa loo
yaqaan MODH oo ah Marreexaan, Ogaadeen, iyo Dhulbahante ay awooddii
maroorsadeen. Isaga oo qoraagu soo xiganaya, wuxuu u kala qaybiyay B)
Marreexaanku qayb libaax ayuu qaaatay. T) Ogaadeenka qayb Hareemacad. J) Dhulbahantuhuna
qayb Waraabe qaatay. Marka kale, qoraagu wuxuu leeyahay Marreexaanku maalintii
koowaad oo noqonaysa 21kii Oktoobar ayay lahaayeen, waa malintii Kacdoonku
dhacaye. Ogaadeenkuna maalintii kabaad oo ah 22kii Oktoobar, halka
Dhulbahantana maalintii saddexaad oo noqonaysa 23kii Oktoobar. Markale, Marreexaanku
Awoodda ayay jaqayeen, Dhulbahantana qabka, halkan Ogaadeenka Budada caanaha.
Marka Daaroodka laga soo dego ee Marreexaanka oo Siyaad ka dhashay la yimaaddo,
wuxuu qoraagu qabaa inuu kala dhawaystay Marreexaanka laftiisa, sida uu
Daaroodkaba u sii kaladhawaystay.
Cutubka siddeedaad ee buugga
ladhkiisu wuxuu yahay; ‘ The Family Affair and the Absence of Escape.’ Waxa uu
kaga warramayaa sida Qoyskii Siyaad oo xataa gacalkii iyo xigtadii wataa uu
Qarankii iskugu koobay. Iyo inay kooxo dulmigaa iyo caddaalad darradaa diidan
ay samaysmeen. Kooxaha xaqudirirka ah ee samaysmay waxaa ka mid ahaa SSDF, SNM,
SSF iyo kuwo kale. Dhammaan waxa ay diidanaayeen sida Siyaad iyo tolkii
qarankii ugu ururay qabiilladii kalana la qadiyay. Innaga oo qoraaga ka soo
xiganayna bal aynnu eegnay sida Siyaad Xilalkii iyo awooddi qaranka gacanta ugu
galiyay qoyskiisa:
1- Maxammed
Siyaad Barre, waa qofka ugu awoodda badan Qaranka.
2- Maama
Khadiija, waa xaaskiisa, waanna gabadha awood aan ta Siyaad ka dhicin leh.
3- Jeneraal
Maslax M. Siyaad Barre, waa Madaxweynaha inankiisa, waanna Taliyaha Ciidanka.
4- Cabdiraxmaan
Jaamac Barre, waa sawiirka Arrimaha Debadda, markii danbana noqday Wasiirka
Maaliyadda. Waa madaxweynaha Ina adeerkii.
5- Jeneraal
Maxammed Siciid Xirsi (Moorgan), Waa ninkii Hargeysa dumiyay sida qoraagu
xusay. Wuxuunna qabay Madaxweyne Siyaad Waasjii Saynab.
6- Ayaanle
M. Siyaad Barre, wuxuu ahaa Kaaliyaha Madax. Siyaad Barre ayaan dhalay.
7- Cabdullaahi
M. Siyaad Barre, Madaxweyne Siyaad ayaa dhalay, wuxuunna ahaa Wasiirkuxigeenka
Caafimaadka.
8- Faadumo
Maxammed Siyaad Barre, waa inanta Madaxweyne Siyaad. Waxaynna ahayd gabadha ugu
awoodda badan bangiga dhexe.
9- Canab
Maxammed Siyaad, waa inanta Madaxweynaha, waxaynna ahayd qofka labaad ee ugu
awoodda badan wasaaradda Maaliyadda marka laga yimaaddo Adeerkeed Cabdiraxmaan
Jaamac Barre.
10-Xasan
Maxammed Siyaad, waa inanka Madaxweynaha wuxuunna ahaa madaxa qalabka Ciidanka.
11-Xaawa Maxammed Siyaad, waa
inanta Madaxweyne Siyaad, waxaynna ahayd Agaasimaha Guud ee wasaaradda
Dalxiiska.
12-Diiriye Maxammed Siyaad, waa
inanka Madaxweynaha wuxuunna Lataliyaha gaarka ah ee madaxweynaha.
13- Cabdiqaaddir Xaaji Masalle,
Qabiil ahaan bay aad iskugu dhawaayeen wuxuunna ahaa lataliyaha Madaxweynaha.
14- jeneraal Cabdi Xaaji
Xaashi, Madaxweynaha ayay Seeddi ahaayeen.
15- Jeneraal Cabdinaasir Xaaji
Xaashi, Madaxweynaha ayay Seeddi ahaayeen.
16- Jeneraal Maxammed Xaashi
Gaanni, Wuxuu ahaa taliyaha ugu awoodda badan ee haysta Waqooyiga, sidoo kale
wuxuu noqday wasiirkucigeenkii Difaaca iyo Beeraha.
17- Sh. Maxammed Guuleed, Wuxuu
ahaa wasiirkii caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.’
18- Mahad Dirir Guuleed, wuxuu
ahaa Wasiirkuxigeenkii Kalluunka iyo Gaadiidka.
19- Maxammuud Geelle Yuusuf,
Wuxuu waqti dheer Madax ka ahaa Maxkamaddii Badbaadada Kacaanka.
20- Cabdi Xoosh Ashkir, Wuxuu
ahaa Dirawel Ciidan, intii ka danbaysay 1969kiina wuxuu noqday ganacsada ugu
hodan Dalka. Waxa ay hayb ahaan isku dhawaayeen Maama Khadiija, sidoo kale
ganacsi wadaag ayuu lahaa reerkan Taliya. [4]
Qeybta u danbaysa, waxa
ladhkeedu yahay ‘ The Cacophony of Control: Torment ~ Maammulxumo:
Ciqaab/saxariir.’ Cutubka Tobnaad waxa cinwaankiisu yahay ‘ The Outbreak of the
Uprising: The Downfall ~ Qaraxii kacdoonka: Dhicid.’ Qaybtan qoraagu waxa uu
kaga warramayaa dhiciddii dawladdii Siyaad, iyo sannadihii u danbaysayba
cagihii jilicda sanaa ee ay ku taagnayd. Qoraagu wuxuu ku doodayaa in xaaladdu
marba marka ka danbaysa ay sii qadhaadhaanaysay oo sii xumaanaysay, Taliskana
awooddiisii sii wiiqmaysay, gabbalkiisiina dhacayay. Qoraagu wuxuu xusayaa in
dhammaadkii sannadkii 1990kii Dawladdii Siyaad Barre gadhwadeenka ka ahaa
Caasimadda inteedii badnayd lagala wareegay. Taliskiina hadda Doon heehaabaysa
oo meel ay ku degtaa jirin uu noqday. Jeneraal Cayddiid oo USC watay ayaa
magaalada kharbudaad aan yarayn ka wada, oo Milliterigii USC waxa ay Caasimadda
Muqdisho soo galeen Jannaayo 19, 1992kii. Siyaad Barre, hadda hadhcad ayuu
taaganyahay oo inuu qaxo ayuu ku dhawyahay, sida qoraagu ku doodayo ee soo
xiganayana Jannaayo, 26, 1991kii ayuu Siyaad Barre ka qaxay Vill Soomaaliya,
waliba codsi ma ahayne in lagu qasbay ayuu uga baxay sida qoraagu qabo. Sidoo
kale, kooxo badan ayaa Muqdisho ka jiray. Kooxahaa waxaa ka mid ahaa
Maanafeesto. Maanafesta Group iyo Mustahiil Group oo ciidankii Cayddiid ahaa
ayaa isku qabtay Siyaad Dabadii cidda hoggaaminaysa. Siyaad maadaama maalintii
xigtayba qaxay sida Qoraagu qabo, Kooxdii Cayddiid iyo Maanafeestadii waxa ay
isku qabsatay ciddii xaqa u lahayd ka hadalka Radio Muqdisho si ay ugu
dhawaaqaan guusha.
Waqtigan xaaladdu qasnayd ee
Siyaad Barren Kursigii isku sii adkeeyay dad badan ayaa ergo ugu yimid oo ka
codsaday maadaama la diiday inuu iscasilo oo Qaranka u tudho, wuu diiday oo
inuu sii haynayo ayuu ku adkeystay, sida qoraagu xusayo. Bixiddii Siyaad ka hor
markuu ogaaday inuuna wax rejo ah ka lahayn maammul danbe, sida qoraagu ku
doodayo wuxuu isku dayay inuu hab kale oo ay dadku ku afgartaan inuu kula
hadlo. Waakan Radio Muqdisho war marinaya ee dadka isku dayaya inuu Farriin
Diineed hawada u mariyo ‘ Dadka Soomaaliyeed waa inay xasuustaan oo ay
mahadiyaan Alleh…’ sidoo kale, dadka
wuxuu ugu baaqayaa inay dhulka qotaan oo kheyraadka ceegaaga kala soo baxaan.
Markaa Siyaad Barre ka baxayo
Villa Soomaaliya, Albaabka Ganjeelka ee wayn ayuu isaga oo yaabban ka baxayaa.
Dabadeed, waa laga soo dabagelayaa oo cadawgii riday ayaa ka soo dabagalay,
sida qoraagu xusayo isaga oo ka soo xiganaya Sh. Axmed Mursal oo ahaa
ilaaliyihii Madaxtooyada oo The New Work uga warramay. Sidoo kale, qoraagu waxa
uu xusayaa in Magaalada Qabiilkasta oo ka
mid ah Qabiilka Hawiye uu qayb ka mid ah magaalada haystay, oo ay xoreysteen.
Habargidir iyo Abgaal, waxa ay si wadajira u qabsadeen Villa Soomaaliya ayuu
qoraaya leeyahay. Siyaad Muddo ayuu Kismaayo ku sugnaa. Sida qoraagu xusayo
Jeneraal Cayddiid ayaa Kismaayo galay Abril 24, 1991kii, dabadeed Siyaad ayuu
ku qasbay inuu ka baxo oo uu Baardheere tago, dabadeed usii dhaafo Buurdhuubo.
Sida qoraagu soo xiganayo,
gabadh Talyaani ah oo Wariye ah ayaa Siyaad Barre Buurdhuubo ku waraysanaysa
bilowgii 1991kii, Siyaad wuxuu ku doodayaa inuu Muqdisho uga yimid si uu isku
ilaaliyo: Is ilaalin. Waliba Talyaani ayuu ku sii hadlayaa oo wuxuu odhanayaa ‘Abosto
( Okay) in Muqdisho- xaaladda Muqdisho waa sax.’ Waxa kale, oo uu ku dooday
Siyaad in Markii uu Muqdisho ka imanayay in in xataa Dahabku Bangiyada yaallay.
Hadalkaa Siyaad qoraagu wuxuu ku deeddifaynayaa oo uu leeyahay ‘ Xaqiiqdii
isaga iyo qoyskiisii waxa ay la qaxeen Kiishash Lacag ah, oo ay ku jiraan
Malaayiin lacag ahi, maadaama Furihii Bangiga dhexe ay haysay Inantiisii
Faadumo ..” Bogga 230. Dhinacaa koonfurta Kooxahaa uu Cayddiid hoggaaminayo
ayaa haysta, dhinacii waqooyina Jabhaddii SNM ayaa la wareegtay oo qabsatay.
Cutubka 11aad, ayaynnu hadda
galaynaa, waanna kii ugu danbeeyay buugga. Qoraagu waxa uu ladh uga dhigay ‘
The Reality and Realignment of 1991.’ Wuxuu kaga warramayaa Sannadkaa 1991kii dhacdooyinkii
dhacay iyo dhabnimadoodii. Qoraagu judhaba wuxuu soo guurayaa Jabhaddii USC.
Jabhaddaa wuxuu sheegayaa qoraagu in lagu eedeeyay inay wadday olole ka dhan ah
Daaroodka (oo ah qabiilka Siyaad guud ahaan ka soo jeeday). Waqtigaa Dawladdii
Siyaad dhacday, waxaa uu qoraagu soo guurinayaa in xaaladdii faraha ka baxday,
oo qofkastaa isagu naftiisii ka masuul noqday. Wax xeerar ah oo qofka qabtaa ma
jiraan, ayuu qoraagu inna leeyahay. Sida uu ka soo xiganayo Axmed Cabdulle
Cismaan oo ahaa Lataliyihii Jeneraal Cayddiid, wuxuu leeyahay ‘ Qofku qoribuu
haystaa, waynna adegtahay in la maamulo..’ Sidoo kale, Odeygu inankiisa ma
maammuli karo, waayo qoribuu sitaa.
Labadii nin ee xilka isku
qabsaday, waa Jeneraal Cayddiid iyo Cali Mahdi e, ayuu qoraagu ka warramayaa.
Intuuna uu aaraaran wuxuu ku yara diganaya Siyaad Barre, maahmaah ayuu u soo
xiganayaa, wuxuunna leeyahay; ‘ Waddankan aynnu jaarka nahay ee Itoobbiya
waqtigii lagu jiray taliskii Mingistu waxaa jirtay Maahmaah digniin ah oo ahayd
iskaga fagow siyaasadda iyo Korontadaba, sida ay kuu dilayaan oo kale (way ku
diliye).’ Dabadeed wuxuu ku eedaynaya Xididku qabiilku inuu ninkaa Siyaad Barre
ka soo fufay. Cali Mahdi, inu Muqdisho kacdoonka ka hor ku soo laabtay ayuu
xusayaa. Halkaa marka ay marayso, wuxuu qoraagu xusayaa in Cali Mahdi Madaxweyn
isku doortay ama dadka qaar u doorteen, dabadeed ay diideen hoggaamiyaaal badan
oo uu Jeneraal Cayddiid ka mid yahay. Sidoo kale, wuxuu ku darayaa waqtigaa in
SNM aynna ku dhawaaqin Goonni isutaaga Soomaalilaan, oo rag ay ka mid yihiin
Siilaanyo iyo Buubaa ay ka warramayeen Madaxweynahan isdoortay ee Cali Mahdi
iyaguna ay lahaayeen ma garanayo, oo lama dooran. Ugu danbayn SNM waxa ay ka
soo horjeesatay Cali Mahdi, oo xagga Cayddiid ayay u yara iilatay, sida qoraagu
qabo. Waxase lagu wada heshiiyay in USC ay Koonfur maamusho, SNM na Waqooyi
inta xal la helayo. Dabadeed qoraagu wuxuu qabaa in Waqooyi cabashadoodii lagu
fashilmay illaa SNM Waqooyi kaga dhawaaqday Soomaalilaan 18kii May 1991kii,
koonfurna Cali Mahdi qabsaday. Dabadeed Cali Mahdi, oo weli rejo ka leh
Soonoqashada Waqooyi ayaa nin ka soo jeeda Waqooyi oo Isaaq ah ( Waa Cumar
Carte Qaalibe) u doortay Raysalwasaare, sida qoraagu xusayo. Cayddiid,
qalaalaase badan ayuu sameeyay sidii uu Cali Mahdi ugu xumeyn lahaa isna uu
xilka u qaban lahaa waxyar ka dib wuu qabtay xilkii, oo sida qoraagu ku doodayo
waxa uu noqday Siyaad Barre hii labaad ee Soomaaliya.
Hadda gebagebii, ayaynnu buugga
maraynaa. Qoraagu intaas ayuu ku soo koobayaa. Waxaanna ku xiga uun arartii uu
ku soo xidhayay buugga, iyo xigashooyin tirabeel ah oo badan.
Gebagebo
Haddii aynnu buugga si guud
iskula dulmarnay, intii ugu muhiimsanayd ama halkii laxdu u dhimatayna aan kuu
soo qadhiidhay, shakhsi ahaan buugga waxa aan dhaliil u hayaa in qoraagu
meelaha qaar (waliba gaar ahaan Siyaad Barre) uu ku talaxtagay, oo uu aad u
yara jafay. Inta badanna uu ku doodayo in waxa dhacay uu Siyaad abuuray. Sida
kale, buuggu waa heersare oo qoraagu xogkasta halkii uu ka keenay wuu sheegayaa,
waxaynna u badanyihiin kuwo looga horreeyay oo hortii la sheegay. Aad baan ugu
bogaadinayaa qoraaga buuggaa dhaxagelka ah ee uu qoray.
Cidkasta oo jecel taariikhda
waxa aan kula talinayaa inay buugga akhrido, si ay ku akhrida.
Dhammaad.
Ardey, Aqoonbaadhe, Gorfeeye iyo Hal’abuur Madaxbannaan.
Boorama, Awdal.
May, 2019
Comments
Post a Comment