Posts

Showing posts from October 7, 2018

GARO ILAHA KHEYRAADKAAGA NAFEED!

Image
Kheyraad (Resourse) waa: shey aad u adeegsan karto si aad ugu gaadho hadafkaaga. Inkastoo ay jiraan ilo badan oo kheyraad; waxaynnu kusoo ururrin afar qeybood: 1- Kheyraadka dadka 2- Kheyraadka shey’yada 3- Kheyraadka Deegaanka 4- Kheyraad guud. 1-    Kheyraadka Dadka Kheyraadka dadka waxaa laga helaa naftaada iyo dadka kale. Waxaanna ka mid ah: Aqoonta ( Knowledge), iyo Xirfadda ( Skills). Aqoontu waxa ay ka koobantahay shey kasta oo aad akhrido, baadho, barato, ama aad xasuusato. Hal’abuurnimadu ( Creativity) waa qeyb kale oo ka mid ah kheyraadka qofka. Waanna habka qofku uu ku xallinayo dhibaatada naftiisa, kuna bandhigayo dareenkiisa. Si aad ugu guuleysato hadaf, waxa aad u baahantahay labo shey: Waqti ( Time) iyo tamar ( Energy). Sidoo kale, qoyska iyo saaxiibbaduna waa qeyb ka mid ah kheyraadka dadka. 2-   Kheyraadka Shey’ yada Kheyraadka walxuhu: Waa dhammaan shey’yada muuqda ee aad u isticmaalaso si aad ugu guuleysato hadafkaaga. Tusaale, lacagta. Haddaad