Posts

Showing posts from February 6, 2022

Faallaynta Buugga “ Bloody Nations~ Qarannimo Dhiigaysan”

Image
  Hordhaca Buuggan lagu magacaabo “Bloody Nations ~ Qarannimo Dhiigaysan” oo Cinwaanhoosaadkiisu yahay ‘ Moral Dilemmas for Nations, States and International Relations” waxa qortay Cherry Bradshaw.   Cherry, waa qoraa iyo hal’abuur inta badan arrimaha siyaasadda wax ka qorta. Buuggan waxa ay soo saartay sannadkii 2008dii. Cherry, waxa ay hore u qortay buugaag kale. Waxa uu ka warramayaa lababoglaynta dalka, aayakatashiga, iyo sida dalalku u noqdaan kuwo aayahooda la tashada. Buugga nuxurkiisu wuxuu ku dulwareegayaa in qaramadu u baahanyihiin aayakatashi. Aayakatashigaasi waa inay helaan madaxbannaani dhuleed, daleed, iyo inay xuquuqdooda asaasiga ah helaan. Nuxurka Buugga Qoraayaddu waxa ay leeyahay waddamada hurdaa way baraarugaan oo aayahooda ayay ka tashadaan marka ay ka cabsadaan dhaqanka, halka ay degganyihiin, iyo sida ay u badbaadayaan. Waxa ayna isku dayaan inay ilaashadaan dhaqankooda, meesha ay degganyihiin, iyo sawracooda. Arrinta Aayakatashigu fekrad ayay ka t