Faallaynta Buugga “ Bloody Nations~ Qarannimo Dhiigaysan”
Hordhaca
Buuggan lagu magacaabo “Bloody Nations ~ Qarannimo
Dhiigaysan” oo Cinwaanhoosaadkiisu yahay ‘ Moral Dilemmas for Nations, States
and International Relations” waxa qortay Cherry Bradshaw. Cherry, waa qoraa iyo hal’abuur inta badan
arrimaha siyaasadda wax ka qorta. Buuggan waxa ay soo saartay sannadkii
2008dii. Cherry, waxa ay hore u qortay buugaag kale.
Waxa uu ka warramayaa lababoglaynta dalka, aayakatashiga,
iyo sida dalalku u noqdaan kuwo aayahooda la tashada.
Buugga nuxurkiisu wuxuu ku dulwareegayaa in qaramadu u
baahanyihiin aayakatashi. Aayakatashigaasi waa inay helaan madaxbannaani
dhuleed, daleed, iyo inay xuquuqdooda asaasiga ah helaan.
Nuxurka
Buugga
Qoraayaddu waxa ay leeyahay waddamada hurdaa way baraarugaan
oo aayahooda ayay ka tashadaan marka ay ka cabsadaan dhaqanka, halka ay
degganyihiin, iyo sida ay u badbaadayaan. Waxa ayna isku dayaan inay
ilaashadaan dhaqankooda, meesha ay degganyihiin, iyo sawracooda.
Arrinta Aayakatashigu fekrad ayay ka timaad. Fekraddaasi waa
midda dhaqaajisa mishiinka Aayakatashiga.
Waxa ay iswayddiinaysaa “ Waa maxay Aayakatashigu?’ Waxa
weeyi in bulshada dib loo mideeyo oo dadku isku tashadaan, oo wax wada
qabsadaan. Aad baa loo adeegsadaa. Wadatashiga waddan ba qaab gaar ah ayuu u
yaqaannaa. Waxa ay ku xidhantahay kolba qaabka loo dhigo ee loo adeegsado.
Waxa ugu muhiimsan ee aayakatashigu waa in shisheeyaha laga
maarmo, oo muquuninta dalalka debadda iska ilaaliya.
Madaxnimadu waxa ay qeexdaa qarannimada,
waana aasaaska iyo lafdhabarta tiirarka hore ee xidhiidhka Caalamiga ah.
Aayakatashiga qoraayaddu waxa ay u qaybinaysaa dhawr
qaybood. Qaybahaas ay xusayso waxa ka mid ah:
1-
Aayakatashigii Qarannimo
ee ka horreeyay waqtigan Casriga ah ( Pre-modern era): Ilbaxnimadu sannadahan
danbe ayay soo fuftay, oo soo badatay, se waqtigii hore ilbaxnimo badan oo la
sheegaa ma jirin. Ilbaxnimadana waxaa
keena aqoonta, iyo iftiiminta. Intii iftiin la helay ayaa la ilbaxay ayay
qoraayaddu qabtaa.
2-
Aayakatashigii Qarannimo
ee waqtigan Casriga ah: Inta waddamadii horumareen ee ilbaxnimo timid
aayakatashigii qaabkale ayaa loo dhigay. Horumar laxaadleh ayaa la gaadhay.
Waxyaabaha go’aamiyay ilbaxnimooyinka waxaa ugu horreeyay luuqadaha. Horumarka
la gaadhay waxa ka mid ah; in beer bacrimiyaal la helo,in cayayaaynka wax dhiba
wax lagu xakameeyo loo helo, in waddooyinka iyo gaadiidka la horumariyo, in
cuntada la kaysado, IWM.
3-
Qarnigii sagaal iyo
tobnaad.
Cutubka xiga qoraayaddu waxa uu kaga warramayaa ‘
Aayakatashiga Qarniga 20aad.’ Waxa ay
xusayaa in qarnigan caqabado badan uu lahaa. Waxyaabaha intii qarnigan lagu
jiray dhacay waxa ka mid ahaa dagaalkii 1aad, 2aad ee adduunka, halka kii
qaboobaana uu bilaabay.
Qoraayaddu waxa ay soo qaadanaysaa dood uu qabo nin la yidhaa
Heater. Heater, waxa uu qabaa aayakatashigu uu ahaa fekrad aad u wayn qarnigan
20aad. Saddex jiho ayuu Heater dooddiisa ka eegayaa:
1-
Intii u dhexaysay
1969kii ilaa 1990kii aayakatashigu ajandayaasha Caalamka kama soo muuqan.
2-
Intii u dhexaysay 1945tii
illaa 1968kii waxaa jira gumeysi, oo aayakatashiga madmadaw ayaa ku jiray,
doodna way ka taagnayd.
3-
Intii danbe
aayakatashigu wuxuu noqday wax dhaw oo casriya la socda.
Cutubka xiga qoraayaddu waxa ay ku eegaysaa “ Qaramada iyo
Waddamadu marka ay rabaan madaxbannaani iyo muwaaddinnimo’ waa inay helaan ka
hor intayna qaran raadin. Si qarannimo buuxda u helaan waxa ay u baahanyihiin
saddex sababood:
1-
Waddanku waa in marka
hore u dhaqmaa sidii dal madaxbannaan oo aayakatashi leh, isaga oo weliba
cabbiraya waxqabadyada horumarineed ee uu gaadhay.
2-
Qaramadu waa inayna isku
qaab noqon oo ayna waxkasta sinnaan, iyaga oo weliba sugaya inay adduunyo
wadasaxan, oo qarannimo leh. Qaranku inuu madaxbannaanaadaa waa aasaaska
xidhiidhadiisa caalamiga ah.
3-
Qaranku waa inuu sugaa,
oo ilaashadaa waxyaabaha uu la gaarka yahay.
Qoraayaddu waxa kale, oo ay ka warramaysaa waddadii
Roomaanka la isku odhan jiray ee aayahooda ka tashaday. Waxa ay xusaysaa inay
xuquuqdooda iyo madaxbannaanidooda raadsadaan, oo waxkasta oo gumeysta ka
digtoonaadeen.
Waxa kale, oo ay qoraayaddu ka warramaysaa siday xuquuqdii
Shuuciyiintu u dhalatay, ee xuquuqdoodii ku heleen. Waxa ay xusaysaa inay ahayd
qaab aayakatashi ah oo ayay qarannimadoodii dib u dhalatay. Waxa ay sheegaysaa in shuuciyiintu wadaagaan
hab qabiileed oo qaraabannimo ama dhawaansho ay isku bahaystaan.
Qarannimada iyo dal lahaanshaha ayaa waxkasta ka muhiimsan.
Dadka dal haystaa waxbadan way haystaan, qoraayaddu in waxksta qarannimadu ka
fiicantahay ayay xusaysaa. Xataa dahabka
iyo hantida way ka qaalisantahay.
Aayakatashiga waxaa ugu muhiimsan in dalku helo
madaxbannaani iyo xuquuqdiisa. Ta hore waa in dalku madaxbannaanyahay, oo aan
la gumeysan, dhul u gaar ah na leeyahay. Ta danbana, waa in qaranku xuquuqdiisa
asaasiga ah helo.
Qoraayaddu waxa kale, oo ay ka warramaysaa inay jiraan
qaranno la yidhaa ‘ Qarannada aan faraxsanayn.’ Qaramadaasi waa kuwo doonay
inay helaan aayakatashi, iyaga oo raba inay iyaga dhexdooda caddaalad darro
timaaddo, oo iyaga dhexdooda caddaalada laga waayo, dhinaca caddaalad darrada
iskugu biyashubtaan. Qaramadaasi oo xuquuqda bini’aadanka ku tuntay.
Qoraayaddu waxa ay iswayddiinaysa ‘ Isha ay ka timid in
qarankii masayro oo dhexdiisa caddaalad darro isku sameeyo.’ Waxa ay sheegaysaa
in ay jiraan wax la yidhaa ‘ Isirtir.’ Isirtirkaas markii ugu horraysay waxa
loo adeegsaday colaadihii dhexmaray Boosniya iyo Hegoslaafiya. Haddana waxa ku
sii xigay ficillo bahalnimo leh oo waddada qaarkood dhexdooda isku sameeyeen.
Kalmaddu way cusbayd, se ficilladu waa kuwo hore loo samayn jiray ayay
leedahay. Meelaha hore ee waqti aan dhawayn laga sameeyay waxa ka mid ah
Roomaankii Hore.
Gebagebo
Buugga nuxurkiisu wuxuu ku dulwareegayaa in qaramadu u
baahanyihiin aayakatashi. Aayakatashigaasi waa inay helaan madaxbannaani
dhuleed, daleed, iyo inay xuquuqdooda asaasiga ah helaan.
Buugga intaas ayaan ku soo koobayaa.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Ogosto 21, 2020.
Comments
Post a Comment