Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"
Hordhac
Buuggan la yidhaahdo waxa qoray qoraa David Brooks
. Waa
buugii 4aad ee uu qoray qoraagu. Mawduuca uu buugani ka warramayo qoraagu muddo
badan ayuu dhigan jiray oo Jaamacadda YALE ka diyaariyay.
Buugga waxa la daabacay sannadkii 2015kii, waqtigaas uu
daabacay qoraagu wuxuu yidhi: “ Buuga waxa aan u qoray si aan u noqdo daacad,
iyo si aan u badbaadiyo ruuxdayda.
Qoraagu wuxuu buuga kaga warramayaa labada shay ee dabeecad
ahaan qofka gudihiisa iyo debaddiisa ku hirdamaya.
Nuxurka Buuga
Waxa aynu kaga warrami doonaa cashirro ka mid ah kuwa buuga
laga baran karo
1-
Isdhuldhigu waa awood: Awoodda
dhabta ahi maaha kibirka, balse waa in qofku aqoonsado oo garto xuduudaha uu
leeyahay, iyo inuu hore u socday. Isdhuldhigu waa seeska habdhaqanka.
2-
Muhiimadda deegaanka
wanaagsan: Deegaanka wanaagsan ee qofka niyad ahaan taageerayaa wuxuu
qaabeeyaa habdhaqanka. In aan nafaheenna ku hareerayno dadka wanaagsan oo aan
samayno xidhiidho macne lihi waxa ay sii kordhinayaan koritaankeenna maskaxeed.
3-
Doorka halganka: In laga
takhalluso caqabadaha iyo duruufuhu waxa a sii kordhinaysaa habdhaqankeenna,
waxayna sii xoojinaysaa in aan si wacan u fahanno nafaheenna iyo dunidaba. In
la kordhiyo halganku waa u muhiim koritaanka shakhsiyadeed.
4-
Khatarta ay leedahay
iscaashaqa naftu: Qofka oo aad iskugu mashquulaa waxa ay keentaa
inuu qofku noqdo keligii danayste, iyo in aanu qofku yeelan wax naxariisa.
Haddaan baddelno dareenkeenna ku aadan waxyaahaha hareeraheenna ka dhacayaa
waxa ay keenaysaa danayn iyo jiritaan macne leh.
5-
Awoodda jacaylka: Jacaylka
qaybihiisa kala duwan waxa ay dhiirrigeliyaan in aynu xoojinno danaheenna, oo
ficilkeenna ku ladhno naxariis, iyo dhiirranaan.Waa awood xoog leh oo dhinaca
isbeddelka loo qaaday, gaar ahaan isbeddelka togan.
6-
Muhiimadda dhiirranida: In la
garab istaago waxyaabaha saxan, xataa marka ay xaaladdu adagtahay waxa ay u
baahantahay dhiirranaan maskaxeed, Iyada oo la horumarinayo habdhaqankan
wanaagsan waxa aynu wakiillo u noqon karnaa isbeddelka dunida ka dhacaya ee
dhinaca togan loo qaadayo.
Gebagebo
Buugu waa buug macne leh oo waxbadan innoo iftiiminaya. Waxa aan
rejaynayaa in wuxuun laga fahmay sookoobidda. Waad mahasantihiin.
Diyaarinta Dr. Fami ( English)
Sookoobidda: Cabdirisaaq Sandheere
Oktoobar, 2024
Comments
Post a Comment