10 Xaqiiqo oo ku saabsan Lamafilaannada iyo Layaabbada Waqti Xaadirkan!
1- Waxaan arkay dadka waqtigeennan jooga, kuwaas oo noloshooda ka dhigtay nolol is rogrogid iyo isbed’baddel joogto ah ku jirta, qiyamka ku adkaysigiisu wuxuu noqday wax maskax ahaan loo neceb yahay oo nijaaso ah, halka qofkii Muslimka ahaa ee hore ugu dagaallami jiray fekrad iyo mabda’ dadkana ku boorrin jiray, hadda wuxuu si ceeb la’aan ah ugu baaqaa qabyaalad, xitaa carruurtiisana wuu ku barbaariyaa qabyaaladda, isagoo ku dhiirrigelinaya in ay qabyaalad darteed dadka ku jeclaadaan, uguna gargaaraan jacaylkeeda iyo u hiilinteeda- xataa haddii ay ka hor imanayso mabda’ooga. Ma aha wax lala yaabo isbeddelka ku dhacay dadka qaar ka mid ah dadka waqtigan nool, balse yaabka ugu weyn wuxuu yimaadaa marka la arko dadka culus ee ku adkaysta mabaadi’dooda, markaasna la isweydiiyo: Sidee dadkani ugu adkaysteen mabda’yadooda? Maanta, dadka u muujiya dabacsanaan laga muujiyo diinta iyo fekerka waxaa loo arkaa xirfad yo caqli, halka ay shalay ...