Posts

Showing posts from November 27, 2022

Sannadguuradii 3aad ee #Xogkorodhsi 2022: Milicsiga Sannadka 2022 ( Annual Review)

Image
Hordhac Dhammaadkii Bishii Noofanbar sannadkii 2019kii waxa aan bilaabay Barnaamij aan ugu magacdaray #Xogkorodhsi. Waxa weeyi Barnaamij aan ku faalleeyo, ku soo koobo, kuna gorfeeyo buugaagta aan isleeyahay bulshada way anfacayaan, waxna way ka taransanayaan. Aniga oo Sandheere ah ayaa barnaamijka abuuuray, misana diyaariya, qora, isku hawla, soo jeediya oo duuba.   Qoraalkan kooban waxa aan isku dayi doonaa inaan ku qiimeeyo muddadaas 3 Sano ah barnaamijku waxa aan isleeyahay wuu taray, sida ay bulshadu ila socotay, buugaagta aan sookoobay ama gorfeeyay, caqabadaha, iyo guud ahaan wax ku saabsan barnaamijka Xogkorodhsi. Waa Maxay Xogkorodhsi? Xogkorodhsi waa barnaamij lagu falanqeeyo, faalleeyo, sookoobo, ama lagu gorfeeyo buugaagta ugu saamaynta badan dunida. Waa barnaamij toddobaadle ah, oo maalmaha usbuuca maalinta Jimcaha ayaa la soo geliyaa Channelka Yuutubta Xogkorodhsi. Buugaagta la falanqeeyaa saddex luuqadood ayay ku qoranyihiin: Luuqadda Ingiriiska, Carabiga, iyo Af

Sheekhan ayaa Magacayga Kitaabka iiga Eegay

Image
  Waxa aan caado ahaan u soo gaadhay in marka Ilmo dhasho, ilmaha dhashay waalidkii Sheekh u tagaan si uu ugu magacbixiyo. Anigu markii aan dhashay, waxa maqnaa Awawgay Sh. Maxamed Cumar C. Tukaale ( Ina Cumar Daranyo) oo ahaa Sheekhul Balad iyo oday wayn oo la qaddariyo. Inta uu isagu joogo la’aantii Wadaad kale looma baahan jirin. Haddaba markii aan dhashay Awoowo AHUN wuu maqnaa oo halka aan ku dhashay oo ahayd halkii isaga iyo inankiisa ( oo aabbahay) ahiba ay degganaayeen wuu ka maqnaa. Waxa meesha taalla in la ii magacbixiyo oo sida ay dadka DEEGAANKU aaminsanyihiin ilmaha dhashay loo kitaab dayo oo magac loo bixiyo, Sheekh la’aantiina magac looma bixin jirin ilmaha oo waxa la aaminsanaa in Wadaadka magaca bixinayaa kitaabka ka eego Kitaabka. Waa arrin berigii aan dhashay caado ka ahayd Miyiga ballaadhan ee aan ku dhashay eek u barbaaray ee Madarka loo yaqaanno ( Inta u dhexaysa Wajaale iyo Harta Sheekha). Maadaama ilmo dhashay, Sheekhii meesha oo ah Sh. Maxamed maqanyahay waxa