Sannadguuradii 3aad ee #Xogkorodhsi 2022: Milicsiga Sannadka 2022 ( Annual Review)
Hordhac
Dhammaadkii Bishii Noofanbar sannadkii 2019kii waxa aan
bilaabay Barnaamij aan ugu magacdaray #Xogkorodhsi. Waxa weeyi Barnaamij aan ku
faalleeyo, ku soo koobo, kuna gorfeeyo buugaagta aan isleeyahay bulshada way
anfacayaan, waxna way ka taransanayaan. Aniga oo Sandheere ah ayaa barnaamijka
abuuuray, misana diyaariya, qora, isku hawla, soo jeediya oo duuba.
Qoraalkan kooban waxa
aan isku dayi doonaa inaan ku qiimeeyo muddadaas 3 Sano ah barnaamijku waxa aan
isleeyahay wuu taray, sida ay bulshadu ila socotay, buugaagta aan sookoobay ama
gorfeeyay, caqabadaha, iyo guud ahaan wax ku saabsan barnaamijka Xogkorodhsi.
Waa Maxay
Xogkorodhsi?
Xogkorodhsi waa barnaamij lagu falanqeeyo, faalleeyo,
sookoobo, ama lagu gorfeeyo buugaagta ugu saamaynta badan dunida. Waa barnaamij
toddobaadle ah, oo maalmaha usbuuca maalinta Jimcaha ayaa la soo geliyaa
Channelka Yuutubta Xogkorodhsi. Buugaagta la falanqeeyaa saddex luuqadood ayay
ku qoranyihiin: Luuqadda Ingiriiska, Carabiga, iyo Af Soomaaliga.
Muxuu Xogkorodhsi la Gaaryahay?
1-
Waa barnaamij duuban, oo
qofku dhammaan buugaagta la falanqeeyay si bilaash ah uga daawan karo Yuutubka
Xogkorodhsi.
2-
Waxaa inta badan lagu
baahiyaa faallaynta qoraal ahaan iyo muuqaal ahaanba.
3-
Waa barnaamij buugaagta
lagu faalleeyo loogu caddaalad sameeyo, dhallil iyo ammaan waxa buugga lagala
kulmo ayaa la sheegaa
4-
Wuxuu faahfaahin wanaagsan
ka bixiyaa nuxurka buugga.
5-
Hal mawduuc kaliya kuma
koobna, waxaa lagu faalleeyaa mawduucyo kaladuwan oo dhinacyo kaladuwan ku
saabsan.
U
jeeddooyinka Xogkorodhsi Loo Sameeyay?
1-
Inay dadka akhriska iyo
qoraalka xiiseeyaa ay si fudud ku heli karaan xog badan oo caawinaysa
aqoontooda guud.
2-
Meesha xogta ugu badan
laga helaa waa buugaagta, markaa si taasi u fududaato Xogkorodhsi waxa uu isku
dayayaa inuu dadka taas ka caawiyo.
3-
Waa in qofka xog rabaa uu
waqti kooban ku heli karo xogta.
4-
Waa in bulshada
Soomaaliyeed heli karto madal ay ugu soo hagaagi karto buugaagta diyaarsan.
5-
Qof waayay buug uu rabay
inuu akhristo, oo aan soo gaadhin meesha uu joogo waa inuu nuxurka buuggaas Xogkorodhsi
si fudud uga daawadaa.
6-
Qofku inuu xulan karo
buugaagta marka uu buugta kaladuwan daawado.
7-
Dhiirrigelinta akhriska.
Siduu Xogkorodhsi Saddexdaas sano ee Noofanbar
2019- Noofanbar, 2022 u socday?
Bishii Noofanbar sannadkii 2019kii ayaan bilaabay Xogkorodhsi.
Waxa aan ka bilaabay magaalada Boorama. U jeeddada ugu way nee aan u bilaabay
waxa ay ahayd inaan bulshada la wadaago buugta aan akhriyo, maadaama aan ahay
akhriste. Si nafhurnimo ah ayaan ku bilaabay, ma jirin cid iga caawisay
barnaamijka. Sidoo kale, may jirin dano dhaqaale ama dano kale oo aan ka lahaa,
marka laga reebo inaan dadka u faa’ideeyo oo waxa aan akhriyo isku hawlo sidii
aan bulshada ugu kordhin lahaa.
Maalintii aan bilaabay illaa maanta oo 2 sano laga joogo waxa
aan bulshada la wadaagay 66 buug. 66 kaas buug qaar baa xalqado ahaa, markaa
xalqo ahaan waxa ay noqonayaan 73 Xalqadood. Taasi waxa ay ka dhigantahay inaan
bishiiba celcelis ahaan 1 muuqaal soo gelin jiray. Waxaa ka dhex maqan waqti
kooban oo cillad farsamo jireen oo Kamaraddu nala meeraysatay. 66 kaas buug 9
buug ka mid ahi waxa ay asal ahaan ku qornaayeen Carabi, 5 buugna Soomaali,
halka 52 buugna ay ahaayeen Ingiriis.
Buugta aan faalleeyay waxa ay u badanyihiin Ingiriisi, iyo
Carabi- gaaar ahaanna Ingiriisi. Sababta aan sidaa u sameeyay waxa ay tahay in
dadkeennu fahmi karaan Soomaaliga, se sida ay Soomaaliga u wada fahmaan ayna
dhammaantood u wada akhrin karin, una fahmi karin luuqadaha qalaad ( Maaha
dadka oo dhan, se qaarkood). Si kuwa aan wada fahmi karin Ingiriisku wax uga
korodhsadaan kuwa yaqaannaana faa’ido kale ugu noqoto ayaan u sameeyay sidaas.
Bulshada daawatay waxa ay yihiin 155,000 qof ayaa daawaday oo
la socday.Waa dad kooban marka la eego inta daawata barnaaminka riwaayadaha,
qosolka, Baraankiga IWM. Se waxa aan rejo badan ka qabaa in waqti kale la fahmi
karo oo dad badan ku soo xidhmi doonaan.
Magacda
Buugta Xogkorodhsi Lagu Falanqeeyay?
Buugta Xogkorodhsi ku duuban, ee maqaal iyo muuqaal ba iyaga
oo Af Soomaali la heli karo waynu tixi; waana buugta uu Xogkorodhsi saddex sano
2019-2022 soo kordhiyay.
Waa kuwan Liiskoodu:
1-
‘ Essentials of Argument ~
Seeska Doodda.’ Waxaa qortay Nancy V. Wood, 2005. Maqaalka iyo muuqaalkaba dhammaadkii sannadkii
2019kii ayaa laga diyaariyay.
2-
The Language of Argument, waxa
qoray Daniel McDonald, iyo larry W. Burton, 1999.
3-
Buuggan la yidhaa “تعليم المتعلم طريق
التعلم.” Waxa qoray Sheekh Burhaan Islaam, oo ku magacdheeraa
As-Sarnuuji.
4-
Dead Aid, by Damiso Moya (
2009).
5-
Maxay Ardeyda‘ A’ keenaa
ugu shaqeeyaan Ardeyda ‘ C’ keenta, Ardeyda ‘ B’ keentaana dawladda ugu
shaqaysaa?” Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki.
6-
Art of War, waxa qoray Sun
Tzu.
7-
Buugga la yidhaa ‘ Writing
With a Purpose ~ Si ujeeddaysan in wax loo qoro’, waxaa qoray McMrimmon,
soosaaristiisii 5aad.
8-
The science of Getting
Rich, waxa qoray Wallace D. Wattles.
9-
Rich Dad and Poor Dad, by
Robert T. Kiyosaki.
10- Buugga
la yidhaahdo “اقرأ :
كيف تجعل القراءة جزءاً من حياتك.” Oo uu qoray Saajid Al Cabdali.
11- Buugga
la yidhaahdo ““حلية طالب العلم
~Quruxda Ardeyga.” Oo uu qoray Sh. Bakar Binu Cabdillaahi Abuu Sayd. Af Carabi
ayuu sheekhu ku qoray.
12- Buugga
la yidhaa “ Show Your Work.’
13- Buugga la yidhaahdo “ Sookoobidda buugga “Act Like
a Lady, Think Like a Man.”
14- Buugga
la yidhaahdo “ The Science of Getting Rich ~ Falsafadda Hodan noqoshada” Waxa
qoray Wallace Delois Wattles.
15- Buugga la yidhaa “The 29
Leadership Secrets ~ 29ka Sirood ee Hoggaaminta.”
16- Buugga la yidhaahdo “ Hammigaygu waa inaan nin
DILO” oo ay Qortay Sucaad Suldaan, luuqadda carabiga ayuu ku qornaa.
17- Buugga la yidhaahdo “The Rules
of Work.” Oo uu qoray Richard Templer.
18- Buugga
la yidhaahdo “ Masuuliyadda Ardeyga’ oo uu Cabdicasiis Ibn Baas qoray ayaan soo
koobay.
19- Buug la yidhaahdo “ Ego is the Enemy’ ayaan
soo koobay.
20-
Buugga la yidhaa “ How
Successful People Think’ ayaan soo koobay.
21- Buugga la yidhaahdo “How to Win Friends and
Influence People.” Oo uu qoray Dale
Carnegie.
22-
Buugga la yidhaahdo “ A
women of Firsts” oo ay qortay Dr. Edna Aadan Ismaaciil ayaan gorfeeyay. 3
Xalqadood ayuu ahaa.
23-
Buugga la yidhaahdo “
Atomic Habits” oo uu qoray James Cream ayaan soo koobay.
24-
Buugga la yidhaa “ 12
Rules of Life” oo uu qoray Jordan ayaan soo koobay.
25-
Buugga la yidhaahdo “Getting
Things Done ~ Hawshaada Qabso.” Waxa qoray David Allen ayaan
soo koobay.
26-
Buugga la yidhaahdo “ 21
Lessons of 21 Century’ oo uu qoray Yuval Harrari ayaan soo koobay.
27-
Buugga la yidhaahdo “From
Third World to First ~ Adduunyada Saddexaad illaa Ta Koowaad” oo uu qoray Lee
Yew ayaan sookoobay.
28-
Buugga la yidhaa “
Warxumatashiilka Soomaaliya – Getting Somalia Wrong” oo ay qortay Mary Harper
ayaan gorfeeyay. 2 xalqadood ayay ahayd.
29-
Buugga la yidhaa “ Istrategic Interest of
Turkey’s Foreign Policy in Somalia.’ Oo uu qoray Cumar Yuusuf Cabdulla ayaan
gorfeeyay.
30-
Buugga la yidhaa “ 7
Habits of Highly Effective People” ayaan sookoobay.
31- Buugga la yidhaa “ Maan Guursadeen” oo uu
qoray Axmed Deeq ayaan gorfeeyay.
32-
Buugga la yidhaa “
Masuuliyadda Indheergaradka’ oo uu qoray Cali Shariicatii ayaan soo koobay.
33-Buugga la
yidhaa “3 Sirood ee Waqtiga Looga Midhadhaliyo?’ oo uu qoray Cali Shariicatii
ayaan soo koobay.
34-
“ Dagaalladii Basaasiinta Qarnigan 21aad” oo
uu qoray Najdi Kaamil ayaan gorfeeyay.
35-Buugga la
yidhaahdo “ leadership Development~ Horumarinta Hoggaaminta.”
36-
Buugga la yidhaahdo “
Obstacles on the Way ~ Caqabadaa jira.” Ayaan soo koobay isna.
37-Buugga la
yidhaahdo “ U Samafalka labada Waalid.”
38-
Buugga la yidhaahdo “ Oral
Poetry and Somali Nationalism.” By
Saciid Sh. Samatar.
39-
Buugga la yidhaahdo “ 15
Secrets Successful People Know About the Time
Management.”
40-
Buugga la yidhaahdo “
Working With The Enemy.”
41- Buugga
la yidhaahdo “ Ku Raaxayso Noloshaada.”
42-
Buugga la yidhaahdo “
Before You Quit Your Job.”
43-
Buugga la yidhaahdo “
Think and Grew Rich.”
44-
Buugga la yidhaahdo “
Awoodda Bini’aadanka~ Daaqatul Bashariya.”
45-
Buugga la yidhaahdo “
Hilinka Guusha ~ Dariiqu Ilal Imtiyaas.”
46-
Buugga la yidhaahdo “ 13
Things Mentally People About Time Management.”
47-
Buugga la yidhaahdo “ The
Rules of Work.”
48-
Buugga la yidhaahdo “ The
Power of Positive Thinking.”
49-
Buugga la yidhaahdo “I
Know How She Does It.”
50-
Buugga la yidhaahdo “
Creating A World Without Poverty.”
51- Buugga la yidhaahdo “ Xasuusihii
Guwaantanaamo: Markhaatiga Maxbuus hore.”
52-
Buugga la yidhaahdo “
Layliga Suxufiga.”
53-Buugga la
yidhaahdo “ Samaha Islaamka.”
54-
Faallada buugga la
yidhaahdo “ 100 Way you Can Motivate your Self.”
55-Faallada
buugga la yidhaahdo “ Bloody Nations.”
56-
Faallada buugga la
yidhaahdo “ 100 Sheeko iyo Sheeko.”
57-Faallada
buugga la yidhaahdo “ What Successful People Do Before Breakfast.”
58-
Faallada buugga la
yidhaahdo “ First Africa Democracy.”
59-
Faallada buugga la
yidhaahdo “ 10 Times Happier.”
60-
Faallada buugga la
yidhaahdo “ When There was no Aid.”
61- Faallada
buugga la yidhaahdo “ Miracle Morning.”
62-
Faallada buugga la
yidhaahdo “ Everything you told me is true.”
63-
Faallada buugga la
yidhaahdo “ How will you Measure your Life.”
64-
Faallada buugga la
yidhaahdo “ Outliers.”
65-
Faallada buugga la
yidhaahdo “ the Man’s Search for Meaning.”
66-
Faallada buugga la
yidhaahdo “ 22 Immutable Rules for Marketing.”
Caqabadaha
Barnaamijka
Caqabadaha aan saddexdaas sano kala kulmay
Xogkorodhsi way badanyihiin. Mana soo koobi karo. Sababta u wayna waxa ay ahayd
maadaama uu ahaa barnaamij aan taageero helin, se kaliya uu ku socday jeebka
hal qof! Taasi waxa ay keenaysaan in culaysku hal qof kaliya fuulo. Dabcanna
way dhacday, oo aniga kaliya ayaa caqabadahaa iyo waxkasta la dabbaalanayay.
Caqabadaha waxa aan ka xusayaa:
1-
Waqti: Marka aan
diyaarinayo ee dib u qorayo, marka aan jeedinayo intuba waqti bay iiga
baahnayd.
2-
Dhaqaale: Soo iibsashada
Buugaagta, Kamaradda iyo waxyaabaha la midka ahi waxa ay u baahnaayeen dhaqaale
gaar ah oo u baahan in wax loo diyaarsho.
3-
Dadaal buu rabaa: Marka
aan buugga akhriyayo waa inaan aad ugu fiirsadaa oo dadaal geliyaa.
Maxaa
Laga Faa’iday?
Markii aan Barmaamijka bilaabayay u jeeddooyin ayaan u
aasaasay. U jeeddooyinkii aan u sameeyay waxa aan isleeyahay badankoodii
wuu haqabtiray, kuwa dhimanna wuu buuxin
doonaa. Waxyaabaha aan isleeyahay waa laga taransaday waxaa ka mid ah:
1-
In la helay madal faallada
buugaagta loogu soo hagaago.
2-
In dad badan buugaag ay
waayeen ay nuxurkooda heleen.
3-
In dad badan dhiirrigelin
ay buugta ku akhriyaan uu u noqday.
4-
Dad badan ayaa helay buug
diyaarsan oo la soo shiilay.
5-
Faallooyin kooban oo maqal
iyo muuqaal ah ayay dad badan wax ka taransadeen.
6-
Buugaag halkan lagu soo
bandhigay ayay dad badan xusheen oo intay dib u raadsadeen ka sii faa’ideystay.
Farriinta
Daawadayaasha iyo Akhristayaasha
Daawadayaasha iyo Akhristayaasha sharafta leh
marka koowaad waxa aan leeyahay waad mahadsantihiin. Marka labaad na waxa aan
leeyahay Alle ha idinku anfaco. Marka saddexaad waxa aan leeyahay weeleeya oo
ku dhaqma, asxaabtana sii gaadhsiiya si ay innoola soo eegaan buugaagta, ugana
faa’idaystaan.
Gebagebo
Muddo saddex sano ah ayuu Xogkorodhsi socday.
Barnaamij isxilqaan ah ayuu ahaa. Mana jirin cid si gaar ah ula socotay oo wax
ku taageeri jirtay, iyo cid maalgelin jirtay. Se nafhurid ayaan ku waday. Waxa
aan rejaynayaa inaan sii wado haddii duruuftu ii saamaxdo. Haddii se uu
joogsado in wuxuun uu taray bulshada ayaan qabaa. Cidda
dhegaysata/akhrisata/daawata ee la socota Alle ha ku anfaco. Iyaguna bulshada
ha sii gaadhsiiyaan.
Halkan
ayaad kala socon kartaa Xogkorodhsi: https://www.youtube.com/channel/UC-DTp2g1U0eiItbuLsNGFCA/videos
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Noofanbar, 2022
Comments
Post a Comment