Sheekhan ayaa Magacayga Kitaabka iiga Eegay

 


Waxa aan caado ahaan u soo gaadhay in marka Ilmo dhasho, ilmaha dhashay waalidkii Sheekh u tagaan si uu ugu magacbixiyo. Anigu markii aan dhashay, waxa maqnaa Awawgay Sh. Maxamed Cumar C. Tukaale ( Ina Cumar Daranyo) oo ahaa Sheekhul Balad iyo oday wayn oo la qaddariyo. Inta uu isagu joogo la’aantii Wadaad kale looma baahan jirin. Haddaba markii aan dhashay Awoowo AHUN wuu maqnaa oo halka aan ku dhashay oo ahayd halkii isaga iyo inankiisa ( oo aabbahay) ahiba ay degganaayeen wuu ka maqnaa. Waxa meesha taalla in la ii magacbixiyo oo sida ay dadka DEEGAANKU aaminsanyihiin ilmaha dhashay loo kitaab dayo oo magac loo bixiyo, Sheekh la’aantiina magac looma bixin jirin ilmaha oo waxa la aaminsanaa in Wadaadka magaca bixinayaa kitaabka ka eego Kitaabka. Waa arrin berigii aan dhashay caado ka ahayd Miyiga ballaadhan ee aan ku dhashay eek u barbaaray ee Madarka loo yaqaanno ( Inta u dhexaysa Wajaale iyo Harta Sheekha).
Maadaama ilmo dhashay, Sheekhii meesha oo ah Sh. Maxamed maqanyahay waxa ay noqotay in la raadiyo Sheekh kale, waxa isla meesha nala degganaa Wadaad Wayn oo Awoowo marka uu joogo isagu isgaabiya, se haddii uu maqanyahay Sh. Maxamed isagu meesha ka Wadaad ah. Waxa la yidhaahdaa Sh. Aw Cabdi Xuseen Faarax. Sh. Cabdi ayaa la iigu yeedhay, waxaa lagu yidhi: “ Rashiid waxa u dhashay ilmihiisii curad, ilmaha awawgiina wuu maqanyahayee Sh. Cabdiyoow kaalay ilmaha magac kitaabka uga eeg.” Sh. Cabdi xaafaddii ayuu yimid, meel ayaa loo diyaariyay, xoolana waa loo qalay. Wuxuu ii bixiyay magaca ah ‘ CABDIRISAAQ.’ Sida ay Hooyaday marar badan oo aan waraystay ii sheegtay waxa ay tidhi berigaad dhalatay awawgaa wuu yara maqnaa, Magacaaga Cabdirisaaqna waxa kuu bixiyay Sh. Cabdi Xuseen.
Sh. Cabdi waa Wadaad wayn oo diinta bartay, imikana wuu noolyahay, Alle cimriga ha u dheereeyee. Sh. Cabdi waxa ay ilma’adeer rumaad ahaayeen Ninkii la odhan Jiray Mahdi Cali Faarax ( Mahdi Cali Bidhiidh) AHUN oo ahaa saraakiishii ugu sarraysay SNM, gaar ahaanna jiidda Geedballaadh. Sh. Cabdi waxa ay saaxiib dhaw ahaayeen Awawgay Sh. Maxamed Cumar. Laba wadaad oo deegaannadaa ballaadhan Diinta bara Wadaaddana u ah ayay ahaayeen. Markii Awawgay Sh. Maxamed C. Tukaale geeriyooday oo ahayd Febraayo 2021 na Sh. Cabdi ayaa booskiisii bulshada qayb ahaan u daboolay.
Awawgay Sh. Maxamed iyo Sh. Cabdi waxa ay wada fadhiisan jireen Maqaan gaar ah oo ku yaalla Gobyarta Aw Nuurka. Halkaas ayay Quraanka ku wada akhrisan jireen, taxliisha ku wada dhigi jireen, fooxa iyo shaahana ku tuuran jireen.
Inkasta oo aanan garanayn waqtigii saxdii ee aan dhashay, maadaama Miyi aan ku dhashay, haddana waan ku farxaa inaan sawrac ( Identity) iyo meel aan ku arooro oo taariikh cad oo qoran leeyahay, uuna I dhalay Sh. Maxamed AHUN, awawna uu ii yahay Cumar- Daranyo AHUN, ahayna tafiirtii Tukaale.
Sh. Cabdi waan u ducaynayaa in Alle u barakeeyo Cimriga, Awawgay Sh. Maxamed Cumar oo waqti dhaw naga geeriyoodayna Waan u ducaynayaa in Alle naxariis janno siiyo.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?