Posts

Showing posts from June 9, 2019

Murtida Waqtiga

Image
Buuggu wax lala fadhiisto waa waxa ugu wanaaagsan, wax lala tashadana ugu weyn. Sidoo kale, waxla weheshadana waa waxa ugu dhaw. Dadka maankoogii ayaa ku qoran, Murtidii Falsafadyahannaduna way ku duugantahay. Sidoo kale, aragtidii khubarada, iyo miiddii tijaabooyinka ayaa ku xardhan. Dadka waxaa ugu wanaagsan qofka la noolaada buugaagta isaga oo fahmaya murtida waqtiga. Waxaanna dadka ugu shar badan qof ka madhan buugaagta ee ku qarqoomay waxa la yidhi, iyo wuxuu yidhi ‘ Yidhi baa la yidhi.’   Buugga waxaa ku qoran aqoon iyo murti. Aragti iyo khibrad. Tijaabo iyo werin. Dadka waxaa ugu haldoorsan qofka taga Maktabad si uu Kitaab faa’ido leh uga soo gato, ee khibradda ama tijaabada nolosha badiya.   Dadkana waxaa ugu liita qofka moloshiisa oo dhan ama inteeda badan aan waxba akhrin, ee la noolaadaa cid da’ ahaan, khibrad ahaan, iyo murti ahaan ka yar, ee qeyrkii la sinma. Oo markaa noloshu bilaa dhadhan u noqoto. Buuggu nolosha ayuu dib u cusboonaysiiyaa. Hiraalka qofkana s