Murtida Waqtiga
Buuggu
wax lala fadhiisto waa waxa ugu wanaaagsan, wax lala tashadana ugu weyn. Sidoo
kale, waxla weheshadana waa waxa ugu dhaw. Dadka maankoogii ayaa ku qoran,
Murtidii Falsafadyahannaduna way ku duugantahay. Sidoo kale, aragtidii
khubarada, iyo miiddii tijaabooyinka ayaa ku xardhan. Dadka waxaa ugu wanaagsan
qofka la noolaada buugaagta isaga oo fahmaya murtida waqtiga. Waxaanna dadka
ugu shar badan qof ka madhan buugaagta ee ku qarqoomay waxa la yidhi, iyo wuxuu
yidhi ‘ Yidhi baa la yidhi.’
Buugga waxaa ku qoran aqoon iyo murti. Aragti iyo
khibrad. Tijaabo iyo werin. Dadka waxaa ugu haldoorsan qofka taga Maktabad si
uu Kitaab faa’ido leh uga soo gato, ee khibradda ama tijaabada nolosha
badiya. Dadkana waxaa ugu liita qofka
moloshiisa oo dhan ama inteeda badan aan waxba akhrin, ee la noolaadaa cid da’
ahaan, khibrad ahaan, iyo murti ahaan ka yar, ee qeyrkii la sinma. Oo markaa
noloshu bilaa dhadhan u noqoto.
Buuggu nolosha ayuu dib u
cusboonaysiiyaa. Hiraalka qofkana sare ayuu u qaadaa. Wuxuunna keenaa in qofku
dhinacyo cusub wax ka eego, oo horumar naf ahaaneed oo kalago’ lahayn sameeyo. Dadkana
waxaa ugu haldoorsan cidda nolosheeda ku cusboonaysiisa aragtiyo cusub, ee
hammigeeda wax akhrisna kor ugu qaada aragtiyo cusub, misana nolosha dhinacyo
badan oo cusub ka eega. Dadka waxaa ugu liita ama ugu shar badan qofka ka
joogsata cusboonaysiinta. Waayo, waxa uu ka istaagay wax’akhriska. Waayo,
noloshiisa oo dhani isbeddel la’aantaa ayay ku soconaysaa, oo uu la
noolaanayaa, illayn wax’akhris kuma
cusboonaysiinayee.
Wax’akhriska waxa aan ka helay la
saaxiibid dad qiimo leh. Sidoo kale, waxa waxa aan ka helay murtiyo maaneed.
Bini’aadankuna adduunyada in badan ma noolaanayo. Balse, Cimrigu sida la wada
yaqaanno aad buu u gaabanyahay (yaryahay). Noloshu waxa ay u baahantahay khibrad
iyo murti. Balse, halkee ayaynnu ka helaynaa khibraddaa iyo murtidaa?
Bini’aadanku marka uu ku jiro
loollan siyaasadeed, ka shaqayn dacwadeed, barbaarin Jiil soo kacaya iyo dadka
ladhaqankaba waxa uu u baahanyahay khibradda dadka khubarada ah, xikmadda dadka
xikmadyahannada ah, Falsafadda dadka Falsafadyahannada ah, hagidda siyaasiyiinta
iyo khibradda barbaariyayaasha. Intaana heli maysid adiga oo aan kuwaa la
saaxiibin (adiga oo kuwaa la saaxiibba mooyaane). Dhammaantood inaad markaliya
la saaxiibtaa way adkaanaysaa, se waxaa kuu fudud inaad tab fudud oo
ashqaraarle kula saaxiibto, tabtaasina
waa Wax’akhriska.’
Buugaagtu way kaladuwantahay. Ha
isku deyin inaad akhrido buugaagta jeldigoogu qurux badanyahay, gudahooguna
liito, waayo waqtigaaga ayay kaa luminayaan. Balse, isku day in aad akhrido
buugaagta aad wax ka korodhsan karayso. Tirada ha eegin, tayada eeg. Aqoonta ku
duugan eegoo ha eegin intuu buugga xajimigiisu le’egyahay. Gundheerida buugga
eeg, oo ha eegin dushiisa, iyo muuqaalkiisa.
Su’aasha iswayddiinta mudani, waxa ay tahay Jiilka hadda nooli maxay akhrinayaa? Maxay yihiin Buugaagta hadda Maktabadaha taallaa?
Maktabadaha Buugaag badan ayaa
yaalla. Basle, caqli soo jeeda ayay u baahtahay si loo doorto buugga faa’idada
leh. Buugaagta ugu wacan ee waqtigan arkay waxaa ka mid ah; Mudaakarooyinka
Mufakeriinta, Siirada Culimada iyo dadka calculus, iyo taariikhda caqliga Bini’aadanka.
Ha ka noqnoqon in aad akhrido buugaagtaa. Waa ilbidhiqsiyo aan innaba caadi ahayn
oo ay suurtageltahay in aad waxbadan ka korodhsataa. Alla, immisa ayaan akhriyay Mudaakarooyinka Nelsan Mendela; halyaygii ama
halgamaagii Afrika! Alla, maxaan ku celceliyay Mudaakarooyinka Mufakerkii
waynaa Cabdiwahaab Al Masiiri. Immisaan ku celceliyay Mudaaraadka Cali
Bayjuufiitash. Waxa aan kala kulmay aqoon, xikmad iyo Falsafad.
Qofka in badan wax akhriyaa,
wuxuu ka xoroobaa inuu aragti kaliya la keliyoobo, iyo inuu addoon u noqdo
feker kali ah. Wuxuuna ka baxaa deyrka adeg ee ku hareeraysan caqlihgiisa ee uu
inta badan la noolaa. Sidaa umuu arkayn kaladuwanaanshaha fekerku inuu
quruxleeyahay weligii. Balse, akhriska badan wuxuu kaga baxaa shabagga
fekereed, iyo jeelka fahanka. Wuxuunnak caqligiisa ka xoreeyaa inuu cid u
xidhxidhnaado.
Daldalka fekereed iyo adkaanta fahaneed, waxaa
lagaga bixi karaa uun wax’akhriska. Wax akhri. Haddii aad tahay aqoonyahan,
daaci, musaqaf, ama Fannaan, xataa haddii aad tahay Siyaasi, wax’akriska waxba
ha ku baddelan. Qofka aan waxba akhriyini kelidii ayuu noolaadaa, qof ka se wax
akhriyaa dadka ayuu la noolaadaa meelkasta iyo xilli kasta oo ay joogaan ba.
Wixii uu wanaag u arko ee anfaca ayuu ka qaataa, wicxii aan la jaanqaadi karayn
waqtigiisa iyo meesha uu joogana wuu iska daayaa. Wax lamataabtaan ahi ma jiro, marka laga
reebo Kitaabka Ilaahay iyo Waxyiga keliya.
Wax’akhrisku waa xalka ammintan.
Balse, su’aash iswayddiinta mudani wax ay tahay; maxay tahay, waase noocee wax’akhriska
la iska rabaa? Ma waxaynnu wax u akhrinaa akhrin kaliya? Markaa wax’akhriskani
wuxuu noqonayaa dhibaato. Wuxuu u eegyahay adiga oo wax u baranaya barasho uun
kaliya.
Qof baa wax akhriyaya, waliba
waxbadan ayuu akhriyayaa. Balse, akhriskii qofkiiwaxba kama baddelayo muddo
badan. Sababtu waxa ay tahay qaabka wax’akhriska, oo qofka wax akhriyaya ayaa
iska dhigaya inuu wax akhriyayo isaga oo aan sidii la rabay wax u akhriyayn.
Goormaynnu xoroobaynnaa? Xalku waa wax’akhriska wata naqdinta, dhegaysiga, iskudheellitiran ee
waxbadan koobsanaya, ee deggan.
W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir
W/T: Cabdirasaaq Sandheere
Juun 14, 2019.
Comments
Post a Comment