Posts

Showing posts from January 1, 2023

Taxanaha Buugga #Sirdoon Qisada #2 Mata Hari: Xiddigtii Waabbari

Image
Qaybta 1 Mata Hari, waxa ay ahayd dheddigii ama gabadhii ugu caansanayd ee laga aqoonsanaa taariikhda basaasnimada. Mihnaddan halista badan ee basaasnimada si fiican ayay u baratay, waxaana loo yaqaannay ‘Xiddigtii Arooryaad/Waabbari’ ama ‘ Mata Hari.’ Qalanjadan Jaasta ( Qoob ka ciyaarka) ee Hoolaandiiska ah ee Holand u dhalatay waxa ay isku dayi jirtay inay xaqiiqada qariso, marka dib loo eego sheekooyinka mala’awaalka ah ee laga soo wariyay tagtadeedii. Waxa ay sheegtay inay ka soo jeeddo oo uu dhalay amiir ka mid ah amiirradii Hindidu, ama awlaaddii boqortooyadii Mihraajaad . Balse, dhabnimada iyo xaqiiqdu sidaas way ka duwanayd. Run ahaantii Mata Hari waxa ay dhalatay 7dii bisha Ogosto Sannadkii 1876kii, waxayna ku dhalatay magaalada Leeuwarden oo ku taalla dalka Netherland ama Holland. Waxa dhalay oo ay inantiisii ahayd aabbe la odhan jiray Adam Zelle—Aabbaheed Adam waxa uu Mulkiile ka ahaa warshad soo saarta Koofiyadaha oo ku taallay magaalada Leeuwarden ee dalka Netherland. Aab

Taxanaha Buugga #Sirdoon Qaybta #3

Image
  Delilah: Basaasaddii Kitaabka Barakaysan Shamshuun wuxuu seexday habeenbadhkii, dabadeed wuu kacay, wuxuuna u dhaqaaqay dhinaca labadii albaab ee magaalada. Albaabkii ayuu garaacay, dabadeed inta uu garbihiisii yara goday ayuu figta sare ee buurta fuulay. Buurtu waxa ay ku dhawayd magaalo Falasdiin ku taalla oo la yidhaahdo Al Khaliil (Hebron) . Intaas ka dib Shamshuun waxa uu jeclaaday gabadh ka soo jeedda Webiga ama tuulada Suuraq, oo magaceeda la odhan jiray Delilah. Gabadhii waxaa u yimid madaxdii Falasdiiniyiinta, waxayna ku yidhaahdeen: “Ninkaaga khiyaan, oo ka dabashaqee oo ku dabajir illaa aad ka ogaanayso sirta ka danbaysa awooddiisa/xooggiisa, dabadeedna aannu annagu dilno; adigana aannu kuugu baddelno oo qofkasta oo annaga naga mid ahi uu ku siiyo Kun iyo Boqol lacagta Fiddada ah.” Markii uu Shamshuun gabadhaas jeclaaday waxkasta wuu u sheegi jiray, oo waxba kama qarin jirin. Balse, gabadha oo ah Delilah iyadu way khiyaamaysay, waxayna daacad u noqotay oo isku dhiibtay Fal

Taxanaha Buugga #Sirdoon Qaybta #2

Image
Delilah: Basaasaddii Kitaabka Barakaysan […] Ugama aannu warramin oo uma sheegin in Malabkan uu ka keenay caloosha Libaaxa. Dhammaantood waxa ay isku raaceen inay u tagaan oo uu guursado gabadhii Falasdiiniyadda ahayd, halkaas ayuuna Shamshuum toddoba cisho oo casuumaad ah u joogay. Falasdiiniyiintii ayaa arkay, se way ka cabsadeen, waxayna u soo direen soddon nin si ay ula joogaan. Shamshuun ayaa ku yidhi: “ Halxidhaale ayaan idinku tuurayaa oo aan idin wayddiinayaa, haddii aad si fiican u falanqaysaan inta ayna toddobadaas cisho ee casuumaaddu dhammaanin ka hor waxa aan idin siinayaa soddon Khamiis, iyo soddon lebbis oo dhar ah. Haddii aad awoodi waydaan furfuridda halxidhaalahan aniga waxa aad I siin doontaan soddon Khamiis, iyo soddon lebbis oo dhar ah.” Waxa ay ku yidhaahdeen: “ Sheeg halxidhaalahaaga, aannu ku dhegaysannee?” Wuxuu ku yidhi: “ Waxa cune (libaax) gudihiisa ka soo baxay cunno ( Malab), wax awood badanna ( libaax) wax macaan baa ka soo baxay ( Malab)~ خرج من الاكل ا

Taxanaha Buugga #Sirdoon Delilah: Basaasaddii Kitaabka Barakaysan

Image
  Qaybta #1 Delilah waxa ay ahayd barbaar Falasdiiniyad ah oo ka mid ah madaxweynta tolkeed. Tolkeed ayay ku caawisay inay helaan siraha ugu muhiimsan markii loollanka adag ka dhexeeyay Falasdiiniyiinta iyo Israa’iil. Sheekada Delilah waxa ay ku soo aroortay Kitaabka Barakaysan ee Yuhuudda (Tawraad). Laga bilaabo cutubbada 13-16 ayaa ka warramaya. Dhacdooyinka qisadu waxa ay ku wareegayaan waqtigii taaha ee ay Reer Banii Israa’iil noolaayeen dhimashadii Muuse SCW ka dib. Shar iyo dhibaatooyin ayaa ku habsaday oo Alle ayaa ciqaabay, oo wuxuu ku salliday Falasdiiniyiinta oo wuxuu dhadhansiiyay cadaab iyo ciqaab ta ugu daran. Isla waqtigaas waxaa noolaa nin qabiilka Daan ee Reer Israa’iil ah oo magaciisa la odhan jiray Manuux. Ninkaas Manuux wuxuu qabay gabadh madhalays ah oo aan dhalin. Alle ayaa waxa ay ka baryi jirtay inuu siiyo ilmo wanaagsan oo dadnimo leh sida uu ka warramayo Kitaabkooda barakaysani. Malagii nafta ku afuufayay waxa uu ugu bishaareeyay in ay dhali doonto ilmo aan tim