Taxanaha Buugga #Sirdoon Qaybta #3

 



Delilah: Basaasaddii Kitaabka Barakaysan


Shamshuun wuxuu seexday habeenbadhkii, dabadeed wuu kacay, wuxuuna u dhaqaaqay dhinaca labadii albaab ee magaalada. Albaabkii ayuu garaacay, dabadeed inta uu garbihiisii yara goday ayuu figta sare ee buurta fuulay. Buurtu waxa ay ku dhawayd magaalo Falasdiin ku taalla oo la yidhaahdo Al Khaliil (Hebron) . Intaas ka dib Shamshuun waxa uu jeclaaday gabadh ka soo jeedda Webiga ama tuulada Suuraq, oo magaceeda la odhan jiray Delilah.

Gabadhii waxaa u yimid madaxdii Falasdiiniyiinta, waxayna ku yidhaahdeen: “Ninkaaga khiyaan, oo ka dabashaqee oo ku dabajir illaa aad ka ogaanayso sirta ka danbaysa awooddiisa/xooggiisa, dabadeedna aannu annagu dilno; adigana aannu kuugu baddelno oo qofkasta oo annaga naga mid ahi uu ku siiyo Kun iyo Boqol lacagta Fiddada ah.” Markii uu Shamshuun gabadhaas jeclaaday waxkasta wuu u sheegi jiray, oo waxba kama qarin jirin. Balse, gabadha oo ah Delilah iyadu way khiyaamaysay, waxayna daacad u noqotay oo isku dhiibtay Falasdiiniyiinta.

Shamshuun, wuxuu Delilah khiyaamay bilowgii horaba markii ay wayddiisay: “ Ma ii sheegi kartaa halka ay ka timidday iyo waxa kuu suurtageliya awooddaadan badan, iyo waxa aad markasta u guulaysatid?” Wuxuuna ugu jawaabay: “ Waxa aan kuu sheegi doonaa kaliya haddii aad igu kalsoonaato oo toddoba xadhig isku duubto oo xadhkahaasi ay sidooda ahaadaan oo ayna isbeddelin intaas ka gadaal…” Dabadeed waxa ay adkaysay oo ay isku duubtay wax sirdoonku islayaqaanno, waxayna ku qarisay qolkiisa agtiisa. Gabadhii ayaa Shamshuun ku tidhi: “ Shamshuunoow, waxaa ku soo weeraray oo ku raadgoobaya Falasdiiniyiinta. “Shamshuun ayaa gooyay wixii ku hareeraysnaa sida xadhiga khaydku u go’o marka dabka la taabsiiyo oo kale. Falasdiiniyiintu may garannin sirta ka danbaysa awoodda Shamshuun. Delilah oo cadhaysan ayaa ku tidhi: “ Waad I khiyaantay, been ayaanad ii sheegtay, hadda ii sheeg waxa aad ku kalsoontahay?” Wuxuu ku yidhi: “ Haddii aad rabtaan inaad igu kalsoonaataan soo qaada xadhig duubi ah oo cusub oo aan hore loo isticmaalin, anna waan jilcin.” Delilah ayaa waxa ay soo qaadday xadhig duubi ah oo cusub, waxayna ku tidhi: “ Shamshuunoow, waxaa ku soo weeraray Falasdiiniyiinta.” Wax ay rabtay inay ku khiyaanto, oo kaarto iyo khad sirdoonku islayaqaanno ayay qolka ku qarisay. Balse, Shamshuun xusulladiisa ayuu ku googooyay xadhigii, sida khaydka loo googooyo oo kale. Delilah ayaa wayddiisay: “ Illaa iyo goorma ayaad I khiyaami oo been ii sheegaysaa, sidaa darteed ii sheeg waxa aad ku kalsoontahay?”

Shamshuun ayaa ugu jawaabay: “ Waxa aan kuu sheegayaa marka aad isku dartid baraha toddobada ah ee madaxayga ku yaalla sida Webiga, adiga oo isticmaalaya dubbe. Markaas ayaan daciifayaa waxaanan noqon doonaa qof caadi ah.” Isaga oo Shamshuun hurda ayay Delilah bilawday inay isku darto barihii ama astaamihii toddobada ahaa ee madaxiisa ka muuqday, dubbe ayayna la dhacday, waxayna ku tidhi: “ Shamshuunoow waxaa ku soo weeraray Falasdiiniyiintii.” Hurdadii ayuu ka kacay Shamshuun, wuxuuna iska qabtay dubbihii lala dhacayay ee baraha la isku darayay. Delilah, ayaa tidhi: “ Sideed u odhan kartaa waan ku jecelahay ama sideed ii jeclaan kartaa adiga oo igu kalsoonaan waayay oo markii saddexaad I khiyaameeyay, iina sheegi waayay halka ay ka timid awooddaadan wayni?” Markasta oo ay hadalkeeda ku adkayso, cidhiidhi ayuu dareemi jiray illaa uu u dhawaanayay geeri. Ugu danbayn wuu u sheegay sirta ka danbaysa awooddiisa badan, wuxuuna ku yidhi: “ Weligay maalinna timahayga ma xiirin, waayo waxa aan ahay dige/hage xagga Alle kala yimid markii uu caloosha hooyadii ka soo baxay. Timaha oo la iga xiiraa waxa ay ka dhigantahay inay awooddaydii daciiftay, oo xooggayga ayaa isdhimaya waxaanan noqonayaa qof dadka kale la mid ah.”

Delilah, ayaa waxa ay dareentay inuu waxkasta oo qalbigiisa ku jiray u sheegay oo uga warramay Shamshuun. Farriin ayay u dirtay Madaxdii Falasdiiniyiinta, wayna u yeedhay madaxdii Falasdiiniyiinta. Waxa kale oo ay u yeedhay nin, ninkiina bartii toddobaad ee madaxiisa ku hadhsanayd ayuu xiiray. Gabadhii waxa ay bilowday inay ninkii cadaabto ka dib markii ay awooddiisii dhammaysay, goljilicdiisiina ay ogaatay, waxayna ku tidhi: “Shamshuunoow waxaa ku soo weeraray Falasdiiniyiintii, hurdadiisii ayuu ka kacay, wuxuuna u maleeyay sidii markii hore inuu iska celin doono, oo naftiisa ka badbaadsan doono. Markan muu ogayn in awooddiisii dhammaatay! Falasdiiniyiintii ayaa qabtay, indhaha ayay ka xidheen, waxayna u kexeeyaan dhinacaas iyo Qasa. Dabadeed, waxa ay ku xidhxidheen laba silsiladooda oo birta nuxaasta ah, Jeel na way dhigeen. Dabadeed, waxa ay qaadeen timihiisii si ay qof cusub oo kale ugu beeraan.

Madaxdii Falasdiiniyiintu waxa ay dareemeen inay ugu danbayn cadawgoodii ka guulaysteen, waxayna gawraceen neef wayn, iyaga oo waynaynaya Ilaahooda—waxayna caabudayeen Sanam la yidhaahdo Daajuun. Waxa ayna yidhaahdeen: “ Shamshuun innoogu yeedha, si aynu ugu QOSOLNO. Shamshuun ayay Jeelka ugu tageen, wayna soo kexeeyeen oo inta ay laba tiir dhexdood ku xidheen ayay ku qosqosleen. Shamshuun ayaa wiil yar oo gacmaha hayay ku yidhi: “ Iidaa tiirarka gurigan, si aan u irkado oo u qabsado tiirarka.” Aqalka rag iyo dumar ba way buuxeen. Waxaana halkaa joogay intii ugu badnayd madaxdii Falasdiiniyiinta, qiyaas ahaan waxa ay gaadhayeen saddex kun oo rag iyo dumar ba leh si ay u daawadaan oo ugu qosqoslaan Shamshuun.

Qisada oo dhammaystiran buugga ‘ Sirdoon’ ka akhriso.

Waa innoo Qisada xigta.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?