Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"
Hordhac Buuggan la yidhaahdo waxa qoray qoraa David Brooks . Waa buugii 4aad ee uu qoray qoraagu. Mawduuca uu buugani ka warramayo qoraagu muddo badan ayuu dhigan jiray oo Jaamacadda YALE ka diyaariyay. Buugga waxa la daabacay sannadkii 2015kii, waqtigaas uu daabacay qoraagu wuxuu yidhi: “ Buuga waxa aan u qoray si aan u noqdo daacad, iyo si aan u badbaadiyo ruuxdayda. Qoraagu wuxuu buuga kaga warramayaa labada shay ee dabeecad ahaan qofka gudihiisa iyo debaddiisa ku hirdamaya. Nuxurka Buuga Waxa aynu kaga warrami doonaa cashirro ka mid ah kuwa buuga laga baran karo 1- Isdhuldhigu waa awood: Awoodda dhabta ahi maaha kibirka, balse waa in qofku aqoonsado oo garto xuduudaha uu leeyahay, iyo inuu hore u socday. Isdhuldhigu waa seeska habdhaqanka. 2- Muhiimadda deegaanka wanaagsan: Deegaanka wanaagsan ee qofka niyad ahaan taageerayaa wuxuu qaabeeyaa habdhaqanka. In aan nafaheenna ku hareerayno dadka wanaags...