Posts

Showing posts from March 6, 2022

Faallaynta Buugga “ Afric’s First Democracy” ee Prof. Abdi Isma'il Samatar

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ Afric’s First Democracy”, waxa qoray Cabdi Ismaaciil Samatar. Cabdi, waa aqoonyahan Siyaasadda, dhaqaalaha, iyo taariikhda ka faallooda, kuna xeeldheer oo muddo badan baranayay. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 308 bog. Waxa uu kaga warramayaa in Soomaaliya waqtigii ay xornimada qaadatay ee Aadan Cabdulle Cismaan, iyo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen maamulayeen aya ahayd Waddankii Afrika ugu horreeyay ee Dimuqraaddiyad ku dhaqma. Dooddaas ayuu qoraagu ku soo bandhigayaa. Si guud ayaynu u tilmaami. Nuxurka Qeybta koowaad, Qoraagu waxa uu kaga warramayaa Afrika nidaamyadii maammul ee ka jiray waqtigii Gumeystuhu ka baxay, iyo wixii ka horreeyay. Afrika, markii gumeystuhu ka baxay dhawr nidaam oo kala duwan ayay qaateen. Waxa ka mid ah: 1-       Nidaamka Dumuqraaddiyadda. 2-     Boqortooyada. 3-      Diktaytarrada. Qoraagu, halkan waxa uu ku dooddayaa in waddamo badan oo Afrikaan ah oo sheegtay inay Dimuqraaddiyihiin, oo nidaam dumuqraaddiyadeed qaateen