Faallaynta Buugga “ Afric’s First Democracy” ee Prof. Abdi Isma'il Samatar




Hordhac

Buuggan la yidhaa “ Afric’s First Democracy”, waxa qoray Cabdi Ismaaciil Samatar. Cabdi, waa aqoonyahan Siyaasadda, dhaqaalaha, iyo taariikhda ka faallooda, kuna xeeldheer oo muddo badan baranayay.

Buuggu waxa uu ka koobanyahay 308 bog. Waxa uu kaga warramayaa in Soomaaliya waqtigii ay xornimada qaadatay ee Aadan Cabdulle Cismaan, iyo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen maamulayeen aya ahayd Waddankii Afrika ugu horreeyay ee Dimuqraaddiyad ku dhaqma. Dooddaas ayuu qoraagu ku soo bandhigayaa. Si guud ayaynu u tilmaami.

Nuxurka

Qeybta koowaad, Qoraagu waxa uu kaga warramayaa Afrika nidaamyadii maammul ee ka jiray waqtigii Gumeystuhu ka baxay, iyo wixii ka horreeyay. Afrika, markii gumeystuhu ka baxay dhawr nidaam oo kala duwan ayay qaateen. Waxa ka mid ah:

1-      Nidaamka Dumuqraaddiyadda.

2-    Boqortooyada.

3-     Diktaytarrada.

Qoraagu, halkan waxa uu ku dooddayaa in waddamo badan oo Afrikaan ah oo sheegtay inay Dimuqraaddiyihiin, oo nidaam dumuqraaddiyadeed qaateen ayna qaadan dhab ahaan.Muuqaalka guud ‘ Dimuqraaddi’ ayay ka sheeganayeen. Se marnaba Dimuqraaddiyadda kumay dhaqmayn.

Waxa uu qabaa hadda in waddankii ugu horreeyay ee ‘ Dimuqraddiyadda’ siday tahay ugu dhaqmay, kana runsheegay inuu SOOMAALIYA ahaa. Soomaaliya waqtigaa waxaa maamuli jiray Aadan Cabdulle Cismaan, iyo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen, oo iyaga  ayaa hormuud ka ahaa arrintaas.

 Qoraagu, waxa uu qabaa maadaama Aadan iyo Cabdirasaaq ka soo mid noqdeen Xisbigii SYL in ay ahaayeen laba nin oo xaaladda Soomaalida fahansan, oo garan kara caqabadaha Soomaalida haysta, iyo sida loola tacaali karo.

Qaybta 2aad, waxa uu kaga warramayaa Sooyaalka Aadan Cabdulle Cismaan. Afrika inta badan gaar ahaan, aqoonta ‘ African Studies’ marka hoggaamiyayaasha laga hadlayo aad baa Sooyaalka hoggaamiyaha loo daraaseeyaa ayuu qoraagu ku doodayaa.

Aadan, waxa uu ku dhashay meel la yidhaa Ceelqurun, oo Baladwaynta Gobolka Hiiraan  u dhaw. Waqti ahaan waxa lagu hillaadin karaa 1908kii ama 1909kii.  Waxa uu ahaa wiilka kaliya ee ay dhaleen Hooyadii iyo Aabbihii. Bilo ka dib dhalashadii Aadan Hooyadii iyo Aabbihii way isfureen. Ayaydii Hooyo ayaa xannaanaysay oo soo korisay, iyada ayaanna haysay illaa ay indhaha beeshay 4 sano ka dib.

Aadan Aabbihii Cismaan waxa uu tagay Taleex, oo waxa uu ku biiray Halgankii gobonnimodoonka ahaa ee Sayid Maxammed Cabdulle Xasan. Se muddo ka dib ayuu Hiiraan ku soo laabtay. Aadan Aabbihii halgan badan ayuu galay oo meelo badan ayuu maray. Waxa uu noqde xoolojire oo muddo ayuu xoolaha eegi jiray. Xoolaha ayuu qoysas badan u soo eegay. Dhacdooyinna wuu kala kulmay.

Aadan, shaqooyin badan oo uu soo qabtay ka dib waxbarasho ayuu bilaabay. Waxbarashada ayuu sii watay, dhinacna wuu ka shaqaysan jiray. Kalkaasinnimo ayuu muddo ku shaqaynayay, Aadan.

Aadan, ganacsad ayuu noqday oo waxa uu ka shaqaysan jiray Magaalada Baledwayn. Sidoo kale, waxa uu ku biiray Ururkii SYL, oo xubin firfircoon ka ahaa. Qofkii 30naad ee ku biira ayuu noqday. Xoghaye ayuu Xisbiga ka noqday.

Sifooyinkiisa waxa ka mid ahaa:

1-      Waxa uu ahaa nin naxariis badan.

2-    Nin gobonnimo badan.

3-     Nin go’aan leh

Halgankii uu soo galay Aadan, waxa ay keentay inuu Soomaalida maamulo sannado badan, oo uu weliba si wanaagsan ugu adeego. Inuu Si wanaagsan wax u maamulo waxaa u saamaxday:

1-      Halgankii uu nolosha u soo galay, iyo sidii uu ugu guuleystay inuu ganacsi sameeyo.

2-    Waxa uu waxbadan ka yaqaannay maammulkii Faashiistaha, iyo bahalnimadiisii.

3-     Caddaaladda ayuu ku dadaali jiray oo ka go’nayd.

4-    Qabyaaladda ma aqoon.

Qeybta 3aad, qoraagu waxa uu kaga warramayaa sooyaalka Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Ladh waxa uu uga dhigay ‘ Geeljire illaa Xorudirirnimo.’ In Cabdirasaaq, dhawr sifo kaga duwanaa Aadan, kuwa kalana kala mid ahaa ayuu xusayaa.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, waxa uu ku dhashay Gobolka Nugaal. Meesha saxda ah ee uu ku dhashay, iyo taariikhda uu dhashay si wanaagsan looma garanayo. Xaaji Xuseen odey caana oo la yaqaannay ayuu ahaa. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Carruur badan ayay walaalo ahaayeen; 24 Wiil, iyo 13 hablood. Xaaji Xuseen, hooyadii waxa ay dhimatay isaga oo 6 sano jira. Dabadeedna, geeljire ayuu noqday. Magaalada Gaalkacayo ayuu tagay. Wuxuu ku biiray Madarasad. Quraanka ayuu ka dhigan jiray.

Magaalooyin badan ayuu isku maray. Sida Gaalkacayo, Baladwayn, Doollo, Wardheer, Muqdisho IWM. Shaqooyin kaladuwan ayuu ka hayay. Luuqadda Talyaaniga si wanaagsan ayuu u bartay.

Gumeystaha shaqooyin kaladuwan oo Qaranka u dana ayuu Cabdirasaaq la qabtay. Muddo ayuu la shaqaynayay.

Cabdirasaaq, waxa uu ku biiray oo xubin ka noqday Ururkii Gobonnimodoonka ahaa ee SYL.

Khibrad kaladuwan ayuu Cabdirasaaq hawllahaa  uu soo qabtay ka dhaxlay. Khibraddaas waxa ka mid ahaa:

1-      Waddannnimo: Macallinkiisii Quraanka ee Gaalkacayo ayaa su’aalo ay ka midtahay ‘ Maxaynu Caalamka uga hadhnay?’ waydiin jiray. Taasina waxa ay keentay inuu dalka jeclaado.

2-    Gumeystihii uu la shaqaynayay waxa uu ka faa’idey in Soomaalidu isxorayso oo iyadu ismaamusho inay u baahantahay.

3-     Maadaama uu muddo shaqaynayay, waxa uu bartay sida loo maamulo Xafiisyada dawladda.

4-    Wuxuu bartay marka Qaranka la dhisayo waxa loo baahanyahay, iyo in aan kaliya lagu dhisin dhaqan ay wadaagaan Qaranku.

5-     SYL shaqada wanaagsan ee ay ummadda u hayso ayuu gartay.

Qeybta 4aad, qoraagu waxa uu kaga warramayaa Ururkii SYL iyo sidii uu ahaa. Markii hore Ururka waxaa aasaasay 13 dhallinyaro ah. Se markii danbe dad badan ayaa ku soo biiray, oo ururkii wuu ballaadhay.

Ugu horrayn qoraagu waxa uu xusayaa in Ajandayaasha ugu waaweyn ee SYL ay ka mid ahayd Waddaniyadda iyo in Qaranka la xoreeyo, oo gumeystaha laga saaro. Markii hore urur Siyaasadeed muu ahayn, oo looma samayn siyaasad. Se markii danbe Urur Siyaasadeed caadiya ayuu noqday.

Soomaalidu gumeystaha inay dalkeeda ka saarto waxa ay ku baraarugtay sannadii 1940meeyadii. Ururro  kale dalka way ka jireen. Se Ururka ugu dhaqdhaqaaqa iyo saamaynta badan ayuu ahaa SYL. Aadan, iyo Cabdirasaaq xubno Firfircoon ayay ka ahaayeen. Aadan, waxa uu xalliyay dhibaatooyin iyo qalalaase SYL ah. Waxa uu xalliyay waxa ka mid ahayd:

1-      Dhibaato dhinaca hoggaaminta Ururka ah wuu xalliyay.

2-    Dhibaato u dhexaysay SYL iyo Ururradii Mucaaradka ahaa ee dalka ka jiray, oo ku saabsanaa doorashooyinka door muhiima ayuu Aadan Cabdulle Cismaan ka qaatay.

Qoraagu, waxa uu xusayaa in Ururkaa SYL qayb laxaadle ka qaatay Midayntii labada gobo lee Soomaalilaan, iyo Soomaaliya Julaay, 1960kii.

Qeybta 5aad, qoraagu waxa uu ku tilmaamayaa In Dimuqraaddiyaddii ugu horraysay uu sameeyay Aadan Cabdulle Cismaan oo dalka ku dhaqay. Ka dib markii midawgu dhacay intii u dhexaysay 1960kii illaa 1964kii, waxa uu salka u dhigay Dimuqraaddiyadda, oo uu fadhiisiyay ayuu qoraagu qabaa.Waqtigan waxa dalka Raysalwasaare ka ahaa  Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Aadan waxa uu dhisay Hay’ado dawladeed oo shaqeeya. Dadku way u sinnaayeen oo dhaqanka iyo waayaha ayuu ku saleeyay. Se isaga laftiisa caqabado ayaa soo wajahay. Caqabadaha waxa ka mid ahaa:

1-      Dalkan midoobay ee Soomaaliya loo bixiyay, waxa soo kala gumeystay laba Maammul oo kaladuwan Ingiriis iyo Talyaani. Taasi caqabad waxa ay ku noqotay isdhexgalkii dadkal, iyo maamuliddii. Markaa isdhxegal iyo is oggalaysiin ayay u baahnaayeen.

2-    Dalka dadka ku nooli 90% sida qoraagu xusayo dad aan waxna Akhrin, waxna qorin ayay ahaayeen.

3-     Dadku may fahansanayd sida ay u shaqayso Dimuqraaddiyadda casriga ahi.

Qoraagu, waxa uu xusayaa in Aadan qaab wanaagsan dawladda u dhisay, oo xulashada wanaajiyay. Haddii ay noqoto xulashada Raysalwasaaraha, iyo kuwa kalaba. Rag kale oo Miisaan lahaa oo booskaas u qalmayay ayaa jiray sida Cabdullaahi Ciise, iyo Maxammed Xaaji Ibraahin Cigaal. Sababta uu u dooranwaayay labadaas nin Madaxweyne Aadan, waxa ay ahayd:

1-      Cabdullaahi Ciise, iyo Aadan isku gobolka Hiiraan ayay ka soo wadajeedeen, oo haddii uu Cabdullaahi Raysalwasaare ka dhigayso dimuqraaddiyadda ayay foolxumaynaysaa.

2-    Cabdullaahi marhore ayuu Raysalwasaare soo noqday, oo waa inuu dadka kale fursad siiyaa.

3-     Aadan aqoon badan iskumay lahayn Maxamed X. Cigaal, walow ay laba jeer Hargeysa iyo Muqdisho ku kulmeen, haddan barasho la sheego ismay aqoon.

Qeybta 6aad, qoraagu waxa uu kaga warramayaa sannadihii u dhexeeyay 1964-1967dii. Waqtigan waxa Raysalwasaare ahaa Cabdirasaaq Xaaji. Cabdirasaaq waxa uu hore u ahaa Wasiirkii Ariimaha Gudaha ee dalk, oo caqabado badan oo ay ka mid ahayd iskudaygii afganbi ee Hargeysa ka dhacay ayaa soo wajahay. Cabdirasaaq, waxa uu soo magacaabay Golaha Wasiirrada cusub.  Sidan ayuu u kala magacaabay 1964tii:

1-      Wasiirka Arrimaha Debadda: Axmed Yuusuf Ducaale.

2-    Wasiirka Difaaca: Aadan Isaaq.

3-     Wasiirka Arrimaha Gudaha: Cabdiqaaddir Maxamed Aaden.

4-    Wasiirka Maaliyadda: Cawil Xaaji Cabdillaahi.

5-     Wasiirka Waxbarashada: Keenadiid Axmed Yuusuf.

6-    Wasiirka Hawllaha Guud iyo Isgaadhsinta: Sh. Cabdillaahi Maxammuud.

7-     Wasiirka Beeraha: Ismaaciil Ducaale Warsame.

8-    Wasiirka Caddaaladda: Cabdiraxmaan Xaaji Muumin.

Sharmaake, waxa uu u soo koobay oo ku dul akhriyay mabaadi’da guud ee laga rabo. Waxaa ka mid ahaa:

1-      Midnimada Soomaaliya, iyo inay difaacdo xuduuddaheeda.

2-    In la bilaabo dawlad Dimuqraaddiyadeed oo shaqaynaysa.

3-     In la ilaaliyo xaqa iyo xornimada uu Dastuurku Dammaanadqaaday.

4-    In la haagaajiyo maamulka guud,

5-     In meel looga soo wadajeesto musuqmaasuqa.

6-    In ilaaliyo, la faafiyo, lana tixgeliyo Shareecada Islaamka.

7-     In kor loo qaado heernololeedka dadka dhinaca dhaqaalaha, arrimaha bulshada dhaqanka IWM.

Sannadahaa, waxa uu qoraagu ku doodayaa in Dimuqraaddiyaddii Soomaaliya liicday oo hoos u dhacday. Sidii ay sannadihii hore aya ahayd maaha. Waxbadan baa isbeddelay. Waxyaabaha keenay waxa ka mid ah, doorashooyinka golaha deegaanka oo hoos u dhacay, ragga qaar awood siyaasadeed isticmaalayay IWM.

Qeybta 7aad, oo ah qaybta ugu danbeysa qoraagu, waxa uu kaga warramayaa sidii wanaagsanayd ee sannadkii 1967kii Aadan, iyo Cabdirasaaq u wareejiyeen madaxnimada. Doorasho ayaa dhacday. Rag badan oo Cabdirashiid C. Sharmaake ka mid ahaa ayaa galay. Cabdirashiid, oo mar Raysalwasaare u ahaa Aadan, ayay tartan adag wadagaleen. Cabdirashiid ayaa guuleystay. Aadan, markii laga helay madaxnimada ee doorashadii qanacday, aayar ayuu ku qancay, xilkiinna iska wareejiyay. Aadan, waxa uu ahaa madaxweyne si nabdoon u wareejiyay xilka, iyo masuuliyaddii uu Qaranka u hayay isaga oo aan ‘ Waa la igaga shubtay’ Iyo ‘ Ma yeelayo’ odhan.

Gebagebo

Qoraagu intaas ayuu buugga ku soo koobayaa Nuxurkana waxa aad mooddaa inuu intaas ku wareegayo. Si guud ayaynu u dulmarnay. Intaas ayaan ku soo xidhayaa. Nabadeey.

 

Halkan ka daawo: https://www.youtube.com/watch?v=6JyIOSVzdhE

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Juun 03, 2020.

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?