Posts

Showing posts from June 19, 2022

3 Ganacsade oo Guulaystay

Image
Sawirkan waxa ka muuqda saddex Ganacsade oo saamayn bulshada ku leh, horumar ballaadhanna gaadhay, marka hore nafahooda ayay meel hoose ka soo qaadeen, halgan adag ayay soo galeen, oo way isasoo saareen, ka dibna bulshada iyo qaranka ayay qaadhaan horumarineed oo la taaban karo ku darsadeen oo hal'abuurkooda iyo hantidooda uga faa'ideeyeen. Qofka koowaad waa Ismaaciil Axmed. Ismaaciil, waa Mulkiilaha Shirkadda Dirista Lacagaha ee World Remit, Sahamiye Foundation IWM. Ismaaciil, wuxuu halganka nolosha ka soo bilaabay meel hoose. Markii hore shaqaale ayuu ahaa, oo sida uu Waraysiyo badan ku sheegay Istaroowbariga ayuu guri jiray, wuu ka dallacay, illaa uu UN ta ka shaqeeyay. Ugu danbayn wuxuu isku dayay inuu hal'abuur cusub la yimaaddo, wuxuuna abuuray shirkad cusub oo diridda lacagaha ka shaqaysa. Hadda waa Mulkiilaha Shirkadda Work Remit. Wuxuu Somaliland ka fuliyay mashaariic badan oo horumarineed. Wuxuu bilaabay inuu ka shaqeeyo waxbarashada, caafimaadka, waddooyinka, sha

Faallada Buugga “ Qummane”

Image
Hordhac Buuggan magaciisa waxa la yidhaahdaa “ Qummane.” Cinwaan hoosaadkiisuna waa ‘ Godlinta Garaadka iyo Garwaaqsiga Waqtiga.’ Waxa Af Carabi ku qoray Qoraa Suldaan Muue Al Muusaa, oo ah qoraa wayn oo cabqariya. Waxa Af Soomaali u turjumay Cabdixakiin Obsiiye, oo ah wiil dhallinyaro oo waayadan danbe buug manfac leh turjuma. Si guud buuggu waxa uu ka warramayaa oo si togan u lafagurayaa, ugana warcelinayaa wayddiimo kakan iyo mas’alooyin murugsan oo dhib ku haya da’yarta muslimiinta. Waayo, waxa aynu ku noolnahay duni isku furan oo ay bateen ilaha laga helo xoguhu.   Arrinta layaabka lihi waxa weeyaan buugga xogta sidaas ah sida ee mawduuca muhiimka ah ka warramaya in muddo la xannibay isaga iyo turjumaagiisii, iyo madbacaddii daabacday ba. Dalka debaddiisa ayaa lagu daabacay buugga, markii dalka la keenay ee uu yimid Eeriboodka ayaa la xannibay, turjumaagii markii uu doonayna isla isagii ayaa la xidhay. Warxumotashiil ayaa sheegay in buuggu diimo kale faafinayo oo mawduuca

Sidee Fekrad Ganacsi Loo Abuuraa?

Image
  Marka aad ganacsi abuuraysid, ama aad rabtid inaad ganacsi bilowdid waxa muhiim ah in aad haysid fekrad. Haddaba unkanka hore ama meesha ay ka bilaabmayso fekradu inaad heshaa waa waajib. Sida bandanna qofkasta maskaxdiisa fekrado ayaa markasta ku soo dhaca. Dadka xilliyo kala duduwan ayay fekraduhu ku soo dhacaan, qaar marka ay wax daawanayaan ayay fekradi ku soo dhacdaa, qaar iyaga oo safar ku jira ayay fekradi ku soo dhacdaa IWM.   Fekradahaasi waxa ay noqon karaan kuwo ganacsi, markaas waa waajib in loo fiirsado fekradaha imanaya. Xaggee fekradaha cusubi ka yimaaddaan? Ma sidii Niyuuton ayaa geed tufaax ah la hoos fadhiistaa si tufaax madaxa kaaga dhaco, oo markaas fekrad cusubi kuugu soo daataan, mise waxaa jira siyaabo kale oo lagu curin karo fikrado cusub?   Sida Drucker (1988), Shaver iyo Scott (1991) iyo Ardichvili et al. (2003) ku doodaan, fekradda waxaa lagu helaa dadaal ku talagal ah, ama baadigoob. Nasiibdarro, dadka oo dhammi baadigoob buuxa ma samayn karaan. Dadka