Sidee Fekrad Ganacsi Loo Abuuraa?

 


Marka aad ganacsi abuuraysid, ama aad rabtid inaad ganacsi bilowdid waxa muhiim ah in aad haysid fekrad. Haddaba unkanka hore ama meesha ay ka bilaabmayso fekradu inaad heshaa waa waajib. Sida bandanna qofkasta maskaxdiisa fekrado ayaa markasta ku soo dhaca. Dadka xilliyo kala duduwan ayay fekraduhu ku soo dhacaan, qaar marka ay wax daawanayaan ayay fekradi ku soo dhacdaa, qaar iyaga oo safar ku jira ayay fekradi ku soo dhacdaa IWM.  Fekradahaasi waxa ay noqon karaan kuwo ganacsi, markaas waa waajib in loo fiirsado fekradaha imanaya.

Xaggee fekradaha cusubi ka yimaaddaan? Ma sidii Niyuuton ayaa geed tufaax ah la hoos fadhiistaa si tufaax madaxa kaaga dhaco, oo markaas fekrad cusubi kuugu soo daataan, mise waxaa jira siyaabo kale oo lagu curin karo fikrado cusub?  Sida Drucker (1988), Shaver iyo Scott (1991) iyo Ardichvili et al. (2003) ku doodaan, fekradda waxaa lagu helaa dadaal ku talagal ah, ama baadigoob. Nasiibdarro, dadka oo dhammi baadigoob buuxa ma samayn karaan. Dadka baadigoobka ku hela fkradaha ganacsigu waa kuwo hadh iyo habeen isha marinaya suuqa (scanning). Dadkaasi waa kuwo aqoon u leh suuqa iyo qaabka baahida suuqaas lagu dabooli karo. Waxa ay sidoo kale si fiican uga dheregsan yihiin dhibaatooyinka haysta macaamiisha. Sidoo kale dadkaasi waa kuwo dhiifoon, wax kasta oo ay arkaanna wax iska waydiiya. Ugu danbayn dadkaasi waxa ay ka tirsan yihiin shabakado fara badan ( Saciid Cali Shire).

Si aad fekrad u abuurtid raac taallaabooyinkan:

1-      In aad aragtid dhibaato xal u baahan: Meesha aad joogtid haddii ay ka jirto dhbaato xal u baahan, waxa kugu soo dhacaysa fekrad ganacsi, waayo marka ay dhibaato timaaddo ayaa xal la keenaa. Tusaale ahaan, haddii aad ku nooshahay magaalo, magaaladaas uu ka maqanyahay adeeg, taasi waxa ay kuu noqon kartaa fekrad aad adigu hirgelin kartid.

2-     Aad wax ugu fiirso: Waa inaad u fiirsataa ganacsiyada ka jira magaaladaada, noocyada ay yihiin, sida loo iibiyo, IWM, halkaas waxa kaaga soo bixi karta fekrad cusub.

3-     In aad adigu iswayddiisid maxaa cusub ee aad bulshada ku soo kordhin kartaa?: Marar badan waxa aad iswayddiin kartaa wayddiintan, markaas ayaad fekeri, ka dibna waxa kugu soo dhacaysa fekrad ganacsi, taasi waxa ay kugu sababaysaa in aad wax cusub soo kordhisid.

4-     In aad ka fekertid adeeg jiray inaad hab kale u cusboonaysiisid: Haddii aad ka fekertid adeeg ama wax jira in aad qaab cusub adigu soo kordhisid, sida tusaale ahaan haddii meesha aad joogtid ay ka jirto warshad dharka soo saartaa, oo ayna jirin meel dharka lagu habeeyo, waa inaad adigu ka fekertid inaad furtid meel dharka lagu jarjaro, laguna tolo, ama haddii deegaankaaga ay ka jirto meel heedda laga soo saaraa, waa inaad adigu ka fekertid sidii aad heedda wax kale ugu sii baddeli lahayd. Taasi waxa ay kugu abuuraysaa in aad fekrad ganacsi heshid.

5-     Bilow waxa aad adigu khibradda badan u leedahay: Waxa dhici karta inaad adigu taqaanid wax bulshada aad la nooshahay ku yar, haddii aad taas ka fekertid waxa aad ka heli karaysaa fekrad ganacsi.

6-     La sheekayso dadka ganacsiyada leh: Dadka fekradaha cusub abuuray la sheekayso oo waqti la qaado, waxa suurtagala inaad heshid fekrad cusub.

7-     Akhri buugta ganacsiga ka hadasha: In aad buugta akhridid waxa ay keenaysaa in aad fekrad cusub heshid.  

8-    Raadi fekrad, ka dib qaabee: Marka fekradi kugu soo dhacdo qaabee, siyaabaha aad fekradda ku heli kartidna waxa ka mid ah in aad wayddiimo iswayddiisid.

9-     Soo bandhig fekradda, oo qiimee: Marka aad xog badan heshid, ee aad si fiican wax u ururisid waxa muhiim ah in aad bandhigtid. Ka dibna qiimee.

10- Hirgeli fekradda aad haysid: Marka aad tallaabooyinkaas hore soo qaaddi fekrad ganacsi waad haysaa, ugu danbayn waxa kula gudboon in aad hirgelisid, oo ku dhaqaaqdid.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

20 Juun, 2022.

 

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?