Posts

Showing posts from March 22, 2026

8-dan waxyaabood ha ku samayn lacagtaada

Image
   Xasilloonida dhaqaale ma aha inta lacaga ee aad macaashtid, balse waxa weeyi sida maangalka ah ee aad lacagtaada u adeegsatid. 1- Lacag ha amaahin ehelkaaga iyo asxaabtaada: Asxaabtaada iyo ehelkaaga in aad caawisaa waa sax, balse in aad lacag amaahisid xeer la’aani waxa ay dhaawici kartaa xidhiidhka idinka dhexeeya, adna waxa ay kaa dhigaysaa sabool. Ehelka ama asxaabta lacag amaahi haddii aad rabtid in aad lumisid xidhiidhkooda! 2- Wax u iibsan si aad dadka uga yaabisid ama uga naxsatid: In aad wax u iibsatid si aad dadka isku tustid waa farxad waqti kooban jiraysa, balse waxa ay kugu sababaysaa in aad waqti dheer daymaysnaatid. Hantida dhabta ahi si qunyar ah ayay u kobocdaa, iibso wax qiimo leh, se ha iibsan wax aad dadka uun kaga yaabsatid oo ay kuugu sacabbiyaan. 3- Ha kharash garayn lacag aanad haynsanin: In aad Kaadh daymaha ah isticmaashid ama in aad waxyaabaha qaar daynsatid waxa ay kugu sababaysaa werwer. Kaliya kharash garee oo bixi waxa aad haysatid. Marka hore...