8-dan waxyaabood ha ku samayn lacagtaada
Xasilloonida dhaqaale ma aha inta lacaga ee aad macaashtid, balse waxa weeyi sida maangalka ah ee aad lacagtaada u adeegsatid.
1- Lacag ha amaahin ehelkaaga iyo asxaabtaada: Asxaabtaada iyo ehelkaaga in aad caawisaa waa sax, balse in aad lacag amaahisid xeer la’aani waxa ay dhaawici kartaa xidhiidhka idinka dhexeeya, adna waxa ay kaa dhigaysaa sabool. Ehelka ama asxaabta lacag amaahi haddii aad rabtid in aad lumisid xidhiidhkooda!
2- Wax u iibsan si aad dadka uga yaabisid ama uga naxsatid: In aad wax u iibsatid si aad dadka isku tustid waa farxad waqti kooban jiraysa, balse waxa ay kugu sababaysaa in aad waqti dheer daymaysnaatid. Hantida dhabta ahi si qunyar ah ayay u kobocdaa, iibso wax qiimo leh, se ha iibsan wax aad dadka uun kaga yaabsatid oo ay kuugu sacabbiyaan.
3- Ha kharash garayn lacag aanad haynsanin: In aad Kaadh daymaha ah isticmaashid ama in aad waxyaabaha qaar daynsatid waxa ay kugu sababaysaa werwer. Kaliya kharash garee oo bixi waxa aad haysatid. Marka hore naftaada wax ku kharashgaree.
4- Ha iska indho tirin kharashaadkaaga: Lacagtaada ilaali, haddii aanad garanayn halka lacagtaadu ku baxayso ma xakamayn kartid. Waxa aad samaysataa qoondo lacageed si aad xor u noqotid.
5- Weligaa ha isdhaafin kharashaadka kedis ah ee sida lamafilaanka ku yimaadda: Noloshu way kaa yaabinaysaa, gaadhi baa kaa kala jabaya, qof baa kaa xanuuunsanaya oo lacag caafimaad u baahanaya, shaqo la’aan ayaa dhici karta oo shaqada ayaa lagaa eryi karaa. Haddii aanad keyd lahayn hal dhibaato oo si kedisa kuugu soo dhacda ayaa ku burburin karta. Ugu yaraan keydso kharash aad ku noolaan kartid 3 bilood illaa lix bilood.
6- Lacagta ha ku bixin qorshe la’aan: Waa caadi in aad nolosha ku raaxaysatid qof ahaan, balse waa haddii ayna saamayn taban ama burbur u keenayn lacagtaada, keydkaaga, iyo yoolashaada.
7- Ha maalgashan wax aanad garanayn: In aad lacag gelisid wax aanad fahansanayn waa khatar. Marka hore waxa aad rabto horta baro, ka dibna baadh, ka dibna maalgeli.
8- Ha iska indhatirin in aad lacagta wax ka baratid: Lacagtu ma aha keliya wax la macaasho, balse waa sida loo maareeyo. Lacagta wax ka akhri, wax daawo, su’aalana iska wayddii lacagta. Barashada lacagtu waxa ay u kordhisaa hantida in ka badan inta ay kordhiso lacagta caddaanka ahi.
W/Q: The Dark Mentor 2.0
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
26 Maarij, 2026

Comments
Post a Comment