Posts

Showing posts from November 14, 2021

Sookoobidda Buugga “The Leadership Challenge~ Caqabadaha Hoggaaminta”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ The Leadership Challenge~ Caqabadaha Hoggaaminta”   waxa qoray James Kouzes  iyo Barry Z. Posner . James, waa hoggaamiye hayin ah iyo khabiir ku xeeldheer arrimaha maamulka. Waana qoraa, cilmibaadhe, iyo tababbare. Barry Z. Posner , waa qoraa iyo Bare Sare oo Jaamacadeed. Wuxuu hoggaaminta ka dhigaa Santa Clara University . Labadan qoraa buugaag kale ayay wadaqoreen. Buugta ay wadaqoreen waxa ka mid ah: -        A Leader's Legacy. Hoboken: Jossey-Bass (2006).  ISBN   9780787982966 . -        The Student Leadership Challenge: Five Practices for Exemplary Leaders. Hoboken: Jossey-Bass (2009).  ISBN   0470177055 . -        The Truth about Leadership: The No-fads, Heart-of-the-Matter Facts You Need to Know. Hoboken: Jossey-Bass (2010).  ISBN   0470633549 . -        Encouraging the Heart: A Leader's Guide to Rewarding and Recognizing Others. Hoboken: Jossey-Bass (2003).  ISBN   9780787964634 . Buuggan waxa markii koowaad la daabacay sann

Sooyaalkii Cumar Carte Qaalib ( 1930-2020)

Image
Hordhac Sannad buuro ah ayaa laga joogaa maalintii uu geeriyooday Alle ha u naxariistee halgamaa Cumar Carte Qaalib ( 1930-2020).   Maanta ayay ku beegantahay, hillaaddu waxa ay ahayd 18 Noofanbar, 2020kii. Cumar, waxa uu ahaa siyaasi ruugcaddaa ah, halgamaa muddo badan soo halgamayay, aqoonyahan aqoondhaadhi ah, iyo hoggaamiye ruuxi ah. Cumar, wanaagkasta iyo sifo kasta oo wanaagsan oo qof lagu sheego wuu lahaa. Waxa aynu ku qeexi karnaa; nin mabda’ lahaa, han sare lahaa, hoggaamiye saamayn leh, halgamaa, iyo oday ummadeed. Qoraalkan kooban waxa aan isku dayi doonaan inaan waxyar ka taabto ama ka sheego taariikhdii facawaynayd ee halgamaa Cumar. Ma soo koobi karo, mana dhammayn karo taariikhda iyo sooyaalka halgamaa Cumar. Balse, si kooban oo dulmar ah ayaan isku dayayaa inaan nuxurka idina la wadaago. Dhalashadii iyo Waxbarashadii Cumar   Cumar Carte Qaalib, waxa uu dhashay qiyaastii 1930kii. Waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa. Magaalada Hargeysa ayuu wax ka bartay oo