Sooyaalkii Cumar Carte Qaalib ( 1930-2020)

Hordhac

Sannad buuro ah ayaa laga joogaa maalintii uu geeriyooday Alle ha u naxariistee halgamaa Cumar Carte Qaalib ( 1930-2020).  Maanta ayay ku beegantahay, hillaaddu waxa ay ahayd 18 Noofanbar, 2020kii. Cumar, waxa uu ahaa siyaasi ruugcaddaa ah, halgamaa muddo badan soo halgamayay, aqoonyahan aqoondhaadhi ah, iyo hoggaamiye ruuxi ah. Cumar, wanaagkasta iyo sifo kasta oo wanaagsan oo qof lagu sheego wuu lahaa. Waxa aynu ku qeexi karnaa; nin mabda’ lahaa, han sare lahaa, hoggaamiye saamayn leh, halgamaa, iyo oday ummadeed.

Qoraalkan kooban waxa aan isku dayi doonaan inaan waxyar ka taabto ama ka sheego taariikhdii facawaynayd ee halgamaa Cumar. Ma soo koobi karo, mana dhammayn karo taariikhda iyo sooyaalka halgamaa Cumar. Balse, si kooban oo dulmar ah ayaan isku dayayaa inaan nuxurka idina la wadaago.

Dhalashadii iyo Waxbarashadii Cumar

 

Cumar Carte Qaalib, waxa uu dhashay qiyaastii 1930kii. Waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa. Magaalada Hargeysa ayuu wax ka bartay oo Dugsiyada Hoose/Dhexe ka dhigtay magaalada Hargeysa. Waxa la xusaa inuu Dugsiga Sare ka dhammeeyay dalka Yemen. Ka dibna waxa uu Cumar waxbarashada Jaamacadeed u tagay dalka Ingiriiska.

Cumar, markii waxbarashada ka soo dhammeeyay dalka debaddiisa waxa uu isdareensiiyay inuu bulshadii uu ka dhashay wax ku celiyo, wuxuuna go’aansaday inuu dalka ku soo laabto oo dadkiisa iyo dalkiisa wax ku kordhiyo. Dalka ayuu ku soo laabtay. Waqtigaas waxa lagu qiyaasaa Kontomeeyadii. Magaalooyin badan ayuu macallin Dugsi ka noqday. Sidoo kale, Maamule Dugsi ayuu Dugsiyo badan oo Berbera, Hargeysa iyo maagaalooyin kalaba ku yaalla ka ahaa.

Waxa la xusaa in Cumar sannadkii 1956kii uu ku laabtay dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu ka sii watay waxbarashada heerka sare. Markan takhasus gaar ah ayuu ka diyaariyay dalka Ingiriiska. Muddo ka dib markii uu waxbarashadii takhasuska soo dhammeeyay waxa uu ku soo laabtay dalka, Dugsigii Hoose/Dhexe ee Boodhinka ah ee magaalada Gebilay ayuu maamule ka noqday.

Xilligii Gumeysiga iyo Cumar

 

Waqtigii dhulka Soomaalida gaar ahaanna Soomaalilaan uu gumeysigu haystay Cumar waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu cadcaddaa ee gumeystaha dhagartiisa ka hortagay. Waxa la xusaa inuuna Cumar ahayn qof u jajaban gumeystaha. Waxa uu ka mid ahaa dadkii xorriyadda doonay ee gumeysidiidka ahaa. Waxa uu safka hore kaga jiray dadkii gumeystaha ka saaray ee la diriray.

Siyaasadda iyo Cumar

 

Cumar, waxa uu ahaa siyaasi ruugcaddaa ah.  Waxa la xusaa inuu ahaa dadka mabda’a iyo isbeddelka ugu jiray siyaasadda, balse aan hunguriga iyo xilka ugu jirin. Taas waxa caddaynaysa Cumar isaga oo yar ayuu siyaasadda ku biiray. Waxa uu ka mid ahaa rukunnadii iyo odayadii Soomaalilaan markii ay SL xorriyadda qaadatay. Markii uu midawda Soomaalilaan iyo Soomaaliya uu dhacay waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii nusdanbeeka ahaa.

Sannadkii 1969kii markii Siyaad Barre dalka la wareegay Cumar waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya. Muddo badan ayuu hayay, laga bilaabo sannadkii 1969kii illaa 1976kii ayuu ahaa Wasiir. Waxa la xusaa intii uu Wasaaradda Arrimaha Debadda uu joogay inuu waxbadan qabtay, Wasaaraddana kiciyay oo meel la majiirto gaadhsiiyay. Intii uu Wasaaraddaas joogay waxyaabaha uu qabtay waxa aynu ka xusi karnaa, Qaramada Midoobay ayay Soomaaliya si heersare ah uga dhex muuqatay, oo Cumar waxaaba loo doortay Madaxweynaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. Sidoo kale, waqtigaas waxa uu Cumar qayb laxaad leh ka qaatay sidii Soomaaliya ugu biiri lahayd Jaamacadda Carabta oo waxa la yidhaahdaa “ Waa Wasiirkii Soomaaliya ku daray Jaamacadda Carabta.”

Sidoo kale, intii uu Wasaaradda Arrimaha Debadda hayay waxa uu dhexdhexaadiyay oo nabadeeyay dalka Yugaandha, iyo Tansaaniya ka dib markii uu ka dhex qarxay dagaalkii labadaas dal u dhexeeyay. Dagaal lagu hoobtay ayay labadaas dal iskaga horyimaaddeen. Cumar kaalin wayn oo muuqata ayuu waanwaantii labadaas dal ka qaatay.

Waqtigii Dawladda Kacaantu talinaysay Wasiir Cumar Carte iyo 16 siyaasi oo kalaba inta xasaanaddii ay hayeen laga qaaday ayaa la xidhay. Cumar, muddo  7 sano ah ayuu jeel ku jiray bilaa xukun, haddana Maxkamad ayaa la taagay oo waxa lagu xukumay dil. Balse, dilkii ma dhicin oo waxa baajiyay cadaadis badan oo dawladda kaga yimid beesha caalamka iyo Hay’adaha u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Bini’aadanka. Dilkii waxa loogu baddelay xabsi iyo xadhig. Xabsi guri ayaa muddo lagu hayay.

Markii xabsiguri laba sano uu ku xidhnaa laga sii daayay waxa loo  magacaabay Raysalwasaarihii Dawladdii Dimuqraaddiga ee Soomaaliya, waxaana magacaabay Maxammed Siyaad Barre. Haddana marlabaad ayaa loo doortay oo Raysalwasaare. Muddadii kalaguurka ahayd ayuu Raysalwasaare ahaa.

Cumar Carte, muddo badan ayuu ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobbiya. Muddadii uu safiirka uu ahaa shaqooyin diblomaasiyadeed oo lagu xasuusto ayuu qabtay. Waxa la xusaa inuu ahaa ‘ Ninkii kelidii u babacdhigay dawladdii Itoobbiya.’  Danjire Cabdillaahi Axmed ( Koongo), oo ka tirsanaa safaaraddii Itoobbiya ee Cumar Carte Safiirka ka ahaa ayaa mar BBC da u sheegay intan: “ Cumar waxa uu ahaa nin waddaniyaddiisa iyo Diintiisaba ku dheggan. Cumar, waxa uu ahaa ninkii dawladda Itoobiya u babacdhigay isaga oo kelidii ah. Wuxuu ahaa ninkii kali ahaa ee diiday inuu u sujuudo Xayle Salaase. Marka Danjire kastaa qaabilayo waa inuu saddex jeer u sujuudo, ka dibna noqdaa. Balse, Cumar wuu diiday wuxuuna yidhi ‘ taasi ma dhacayso, anigu cid aan Alle ahayn u sujuudi maayo.’

Ka dib markii dawladdii Soomaaliya dhacday ee dalkii la wada lahaa burbur iyo barakac ku yimid Cumar Carte waxa uu ku soo laabtay Soomaalilaan, oo iyaduna madaxbannaanideedii dib ugala soo noqotay Soomaaliya. Cumar, waxa uu ka qaybqaatay dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalilaan, waxaa uuna ka qaybgalay shirarkii dibudhiska Soomaalilaan. Shirarka uu ka qaybgalay waxa aynu ka xusi karnaa shirkii Boorama lagu qabtay sannadkii 1993kii.

Cumar Carte, waxa uu isku dayay inuu Soomaalilaan hoggaamiyo oo horumar gaadhsiiyo. Waxa uu doonay inuu madaxwayne ka noqday. Cumar, sannadkii 1993kii waxa uu u tartamay madaxtinnimo. Waxa uu la tartamay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Calaf dartii Cumar Carte kuma guulaysan madaxtinnimada.

Dalka debaddiis ayuu muddo ku maqnaa. Sannadkii 2002dii ayuu soo laabtay. Markaas Soomaalilaan Xisbiyada Qaranka ayaa la furay. Cumar Carte, waxa uu furtay xisbi lagu magacaani jiray ‘ Hormuud.’ Xisbigii muddo ayuu shaqeeyay, balse kama mid noqon saddexdii Xisbi Qaran ee la rabay.

Noloshii danbe ee Cumar

 

Intii danbe ee noloshiisa Cumar Carte, waxa uu ahaa siyaasi ruugcaddaaya iyo oday nabadeed arrimaha masiiriga ah wax laga wayddiiyo. Waxa uu ahaa oday wax laga wayddiiyo arrimaha jira, oo nabadaynta, xallinta khilaafaadka, iyo arrimaha adkaada wax laga wayddiiyo. Sidoo kale, waxa uu ahaa siyaasi lafdhabar ah oo arrimaha Soomaalida oo dhan wax laga wayddiiyo. Dhinaca kale, waxa uu ahaa kayd iyo qaamuus taariikhda Soomaalida iyo sooyaalkii hore wax laga wayddiiyo. Hadalka oo kooban waxa uu ahaa oday nusdanbeed iyo lafdhabar u ah arrinkasta oo masiiri ah.

Ugu danbayn waxa uu Cumar Carte geeriyooday  Noofanbar 18, 2020. Waxa uuna ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo uu muddooyinkii danbe ku xanuunsanayay. Alle ha u naxariisto. Qaamuus dhan, Diblomaasi, iyo Macalliyad siyaasadeed ayaa maalintaas ummadda Soomaaliyeed ka baxay. Alle ha u naxariisto.

 

Xigashooyin

1-      Bbc Soomaali: https://www.bbc.com/somali/war-54988909

2-     https://en.wikipedia.org/wiki/Umar_Ghalib

 

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

Noofanbar 18, 2021.

Boorama, Somaliland.

 

 

 

 


Comments

  1. ustaad, Qoraalka waxaa ka maqnaa tifaftir badan, waxaana ka muuqatay degdegsiimo badan. xog way xambaarsanayd, balse taa daanka ka tuuraysay.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?