Posts

Showing posts from October 24, 2021

Sookoobidda Buugga “ Creating A world Without Poverty ~ In Adduunyada Laga Dhigo/Loo Diyaariyo Mid Bilaa Sabool ah”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaahdo “ Creating A world Without Poverty ~ In Adduunyada Laga Dhigo/Loo Diyaariyo Mid Bilaa Sabool ah” waxa qoray Dr. Muxammed Yuunus, oo ah dhaqaaleyahan iyo ganacsade. Muxammed, waxa uu aasaasay Bangiga la yidhaa GRAMEEN BANK. Bangigu waxa uu bixiyaa adeeg loo yaqaan ‘ Daymaha yaryar’ oo la siiyo, laguna maalgeliyo dadka danyarta ah- gaar ahaan haweenka. Waxa loo sameeyay saboolnimada qoysas badan loogaga saaro. Adeegaas DAYMINTA DAYMAHA YARYARI soddonkii sano ee la soo dhaafay adduunyada wuu ku sii fidayay, waxaanna ka faa’ideystay in ka badan 100 Milyan oo qoys. Dr. Maxammed, buug la yidhaahdo ‘ Banker to the Poor’ ayuu qoray. Buuggu wuxuu ahaa buugaagta ugu iibsiga badan Caalamka ‘ Bestselling Books.’ Dr. Maxammed, abaalmarinta adduunka ugu qaalisan Noble Peace Price ayuu ku guuleystay. Waxa la siiyay sannadkii 2006dii. Buuggu, waxa uu ka koobanyahay 297 bog. Saddex qaybood ayuu qoraagu qaybiyay. Qaybaha waxaa soo hoosgala dhawr cashir oo kookoob