Sookoobidda Buugga “ Creating A world Without Poverty ~ In Adduunyada Laga Dhigo/Loo Diyaariyo Mid Bilaa Sabool ah”
Hordhac
Buuggan la yidhaahdo “ Creating A world Without Poverty ~ In
Adduunyada Laga Dhigo/Loo Diyaariyo Mid Bilaa Sabool ah” waxa qoray Dr.
Muxammed Yuunus, oo ah dhaqaaleyahan iyo ganacsade. Muxammed, waxa uu aasaasay
Bangiga la yidhaa GRAMEEN BANK. Bangigu waxa uu bixiyaa adeeg loo yaqaan ‘ Daymaha
yaryar’ oo la siiyo, laguna maalgeliyo dadka danyarta ah- gaar ahaan haweenka.
Waxa loo sameeyay saboolnimada qoysas badan loogaga saaro. Adeegaas DAYMINTA
DAYMAHA YARYARI soddonkii sano ee la soo dhaafay adduunyada wuu ku sii fidayay,
waxaanna ka faa’ideystay in ka badan 100 Milyan oo qoys.
Dr. Maxammed, buug la yidhaahdo ‘ Banker to the Poor’ ayuu
qoray. Buuggu wuxuu ahaa buugaagta ugu iibsiga badan Caalamka ‘ Bestselling
Books.’
Dr. Maxammed, abaalmarinta adduunka ugu qaalisan Noble Peace
Price ayuu ku guuleystay. Waxa la siiyay sannadkii 2006dii.
Buuggu, waxa uu ka koobanyahay 297 bog. Saddex qaybood ayuu
qoraagu qaybiyay. Qaybaha waxaa soo hoosgala dhawr cashir oo kookooban.
Aragtidaa ganacsiga bulshada ku cusub Dr Yuunus ayaa
bilaabay, waxbadanna adduunka way ku soo kordhisay. Waxa xal u noqotay
dhibaatooyin badan oo adduunyada dhinacyda waxbarashada, caafimaadka IWM ah ka
haystay.
Buuggu waxa uu sharraxayaa sida Maxammed aragtiyaha bulshada
wax ugu darsaday, sida saboolnimada adduunyada looga tirtir karo IWM ah.
Nuxurka
Qeybta koowaad, waxa uu kaga warramayaa Kaalinta ganacsiga
bulshada, sida waddamadu ugu kaladuwanyihiin, waxyaabaha ganacsiga bulshada ka
mid ah, kuwa aan ka mid ahayn ganacsiga bulshada iyo waxyaabaha ka qaybqaata ee
saamaynta ku leh ganacsiga bulshada. Sidoo kale, saboolnimada.
Waxa qoraagu isku dayayaa SABOOLNIMADAN uu ka warramayo inuu
sharraxaad kooban ka bixiyo. Dhiraandhirin ka dib waxa uu ku sheegayaa waa
dadka ku nool 1 Doollar ama wax ka yar maalintii.
Ganacsiga bulshada waxa aynnu ka wadnaa ganacsiyada yaryar
ee ay sameeyaan bulshada meel ku nooli, gaar ahaan dabaqadaha hoose IWM. Waxa
uu xusayaa in ganacsiga bulshada ay waddamadu ku kaladuwanyihiin. Qoraagu waxa
uu tusaale u soo qaadanaya Waddamada sida Hindiya, Jayna IWM. Waxa uu leeyahay
dadka ku nool waddamadaasi qaar badan waa danyar dabaqadaha hoose ku nool.
Qoysas badan waxa ay maalintii helaan oo ku noolyihiin hal doolar wax ka yar.
Ganacsiga bulshadu maaha hay’ad samafaleed. Waa gancsi
faa’ido doon ah. Hal qof baa yeelan kara. Laba qof baa wadalahaan kara maahee
dad badan baa ku shuraakoobi kara.
Laba qaybood ayuu qoraagu u qaybinayaa ganacsiga bulshada.
Waxa ay kalayihiin:
1-
Shirkadaha waaweyn ee
adeegyada kaladuwan bixiya noocay doonaan ha ahaadaan, sida kuwa saboolnimada
yareeya, adeegyada caafimaadka bixiya IWM ah.
2-
Kuwo macaash badan laga
raaddinayo, waana kuwa loo aasaaso ama ay aasaastaan dadka danyarta ahi.
Ganacsiga bulshada waxa wax ku darsada hay’adaha samafalka
bixiya. Qoysas badan, iyo shakhsiyado tirabeel ah ayay caawiyaan. Waxa ay
ganacsiyo yaryar u furaan danyar badan. Waxa ay maalgeliyaan ganacsiyo sannado
badan madaxa la kici waayay. Dad badan oo duruufi dadka kale ka reebtay ayay
gaadhsiiyaan. Samayn wanaagsan ayay ganacsiga bulshada ku leeyihiin ayuu
qoraagu leeyahay.
Waxa kale oo saamayn wayn ku leh ganacsiga bulshada,
bangiyada ayuu leeyahay. Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa Bangiga uu isagu
aasaasay ee Grameen Bank. Sidoo kale waxa uu isbardhig ku samaynayaa bangigiisa
iyo ka adduunka. Waxbadan waa iskaga mid, waxna way ku kala duwanyihiin ayuu
leeyahay. Bangiga adduunku isna saamayn wuu ku leeyahay ganacsiga bulshada oo
waxa uu leeyahay laamo ama qaybo hoose oo u sii qaabbilsan ganacsiga iyo caawinta
shicibka, meeshii doonaba ha loo soo dhexmariyee.
Qaybta 2aad, qoraagu waxa uu kaga warramayaa tijaabooyin uu
sameeyay Bangigiisa Grameen tijaabooyinku waxa ay u badanyihiin kuwo hirgalay
oo waayadan caalamka aad uga shaqeeya, si wanaagsanna loogu dhaqmo. Ka Bangi
ahaan markii hore way tijaabinayeen illaa wax macquula oo lagu dhaqmi karo uu
noqday.
Tijaabooyinka hirgalay, ee markii danbana caadi hab lagu
shaqeeyo noqday waxa loo yaqaan “ Amaahinta daymaha yaryar.’ Amaahda waxa la siin jiray qoysaska
danyarta yar, gaar ahaan dumarka. Sababta ay dumarka ugu badiyeen ama u
wadasiin jireen waxa uu Dr. Maxammed Yuunus, ku sheegay ‘ Waayo dumarku waa
lafdhabarta qoyska.” Waxa uu sii raaciyay ninka haddii la siiyo lacag oo ku
shaqee lagu yidhaa waxa ay u badantahay inuu kelidii iska cuno; se haweenku
xaafadda oo dhan ayay siinaysaa, gaar ahaan ubadka ayay ku korinaysaa.
Aragtidaas “ Waxa ay ka bilaabantay Jabra oo ah tuulo ku
taalla Bangaladheesh, waxa aynna gaadhay caalamka oo dhan” ayuu Dr Maxammed
yidhi. Waddamo ayaa hadda ku dhaqma oo aragtidaas adeegsada.
Soddon ka hor markii aan Tuulada Jabra ka bilaabay
dadaallada aan ku caawinayo masaakiinta waxa aan ahaa Bare sare oo jaamacadda
ka dhiga dhaqaalaha, se ma ahayn bangiyaqaan, ayuu Dr. Muxammed leeyahay. Aqoon
gaaban ayaan u lahaa Bangiyada, se khibrad toos ah uma lahayn Fiilkaas, ayuu ku
sii daray. Sidoo kale, waxa uu xusayaa markii uu dadka masaakiinta ah albaabka
ku xiga Kambaska Jaamacadda eek u yaallay tuulada uu ku amaahin jiray inuuna
wax fekrada ka haysan halka ay arrintani gayn doonto.
Waxaanna jira kulan lagaga arrinsado
aragtidaa oo la yidhaahd “Microcredit Summit
Campaign” Waa kulan la iskugu yimaad. Kulanku markii 1aad waxa uu bilaabmay
sannadkii 1997kii. Waxa uu ka dhacay magaalada Waashitoon. Waxaa ka qaybgalay
30,000 Marti ah oo ka kala socday 137 waddan oo Caalamka ah, sida qoraagu
xusayo.
Bangigu kumanaan ardey ah ayuu deeqo waxbarasho oo noockasta
iskugu jirta ka bixiyaa, qaarna waddadama debadda ugu diraa. Heerkasta way
leeyihin. Wuxuu doonayaa inuu SABOOLNIMADA tirtiro, oo bulshada ayuu u
dadaalayaa. Qaadhaan badan ayuu bulshadiisa ku darsadaa.
Daymahaa yaryari waddanka badankiisa way gaadheen oo qoysas
tirabeel ah ayaa helay. Qoraagu sida uu xusayo 80% dadka reer Bangaladheesh way
heleen, oo waxaa ku caawiyay Bangiga Grameen, halkay sidoo kale gacan ka
gaysteen hay’ado sida hay’adaha Bangladesh Rural Advancement Committee ( BRAC),
iyo ASA.
Bangigan Grameen, masiibooyin badan oo waddanka uu ka
aasaasanyahay ee Bangaladheesh ka qarxay
ayuu dadka uga gargaaray. Qoraagu waxa uu meelo badan buugga ku xusayaa
in waqtiyo kaladuwan dalka Bangaladheesh ay abaaro ka dhaceen, in markale
daadad ay qaadeen dad badan. Daadadka maray, iyo fatahaadda waxa ugu darnaa tii
dhacday 1998kii, sida qoraagu xusayo, wuxuunna leeyahay “ Jiilalka soo socda ee
Bangaladheeshiyaanku wuu xasuusan doonaa daadkaa dhacay!” 30 kun ayaa
barakacay, halka kumanaanna ay dhinteen. Shaqaale badan oo Bangiga ka shaqeeya
ayaa waxyeelloobay ayuu qoraagu leeyahay. Sidoo kale, kalabadh in ka badan oo
ah dadkii aannu wax amaahinnay way dhinteen. Waxa sidoo kale, daadku baabbiyay
guryo, beero, hanti, xoolo IWM ah.
Caqabadaha ugu waaweyn ee soo wajahay “ Daymaha yaryar”
muddooyinkii uu Bangigu bixinayay waxa ka mid ah:
1-
Lacagta oo ku yarayd, oo
dadka aan wada gaadhayn.
Waxa kale, oo uu waxoogaa ka warramayaa waaxyaha waaweyn ee
bangiga Grameen uu ka koobanyahay. Waxa ka mid ah:
1-
Grameen Fund, waxa la
aasaasay 1994kii, wuxuunna caawiyaa ganacsiyada soo kacaya.
2-
Grameen Telecom, waxaa
la aasaasay sannadkii 1995kii. Waxayna ka shaqaysaa adeegga isgaadhsiinta dadka
danyarta ah
3-
Grameen Shakri (
Energy), waxaa la aasaasay 1996kii. Waxa ay masaakiinta ka haqabtirtaa tamaro
badan sida laydhka, wax ku karinta IWM.
4-
Grameen Shikka (
waxbarashada), waxa la aasaasay 1997kii. Waxa ay danyarta ka caawisaa
waxbarashada IWM.
5-
Grameen Health Care,
waxa la aasaasay sannadkii 2006dii. Waxa ay masaakiinta ka caawisaa adeegyada
caafimaadka.
Qeybta 3aad, waxa uu kaga warramayaa in adduunyada saboolka
laga tirtiro. Si ballaadhan ayuu ugu aaraaranayaa, aynnu si kooban usoo koobno
qodobbada:
1-
In suuqyada la
ballaadhiyo: Macne ahaan in ganacsiga la badiyo, oo dadku isgacanqabtaan,
dadkuna shaqaystaan.
2-
In dawladdu cashuuraha dadka wax ugu qabato, oo kuwa
taagtadaran ka caawiso.
Waxa kale oo uu tilmaamayaa adduunyadu hadda sida ay
waxkastaa u fududaadeen ee ay u noqotay hal qol kaliya. In arrintaasi aaladaha
casriga ahi sahleen ayuu xusayaa. Aaluduhu waxa ay keeneen inay carra’edagayn (
Globalization) dhaco. Sidoo kale tiknoolajiyaddu waxa ay saamayn ku yeelatay:
1-
Ganacsiga.
2-
Dimuqraaddiyaddii. ‘
Gebagebo
Buuggu si guud waa intaa. Waxaa
ku hoosjira mawduucyo dhawr ah, se mucdoodii waynnu soo tilmaannay. Intaas
ayaan ku soo koobayaa anigu. Qofkii u baahan ha sii akhriyo.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
24-25 Maarij, 2020.
Comments
Post a Comment