Posts

Showing posts from June 24, 2018

Markuu Qofku Waayo Hiddidiilo……!

Image
          Muxuu qofku naftiisa dhegta dhiigga ugu daraa? Muxuu qofku isku qudhbixiyaa? Se muxuu qofku nolosha uga huleelaa? Wayddiimahaa oo dhani waxa ay iskugu soo biyashubtaan hal jawaab oo qudha ahna: Hiddidiilo la’aan! Si kale aan u dhigo: Qofku markuu garanwaayo wuxuu u noolyahay, wuxuu noqonayaa bilaa arrin, dabadeed wuxuu goosanayaa in uu naftiisa qudhbixiyo! Balse, ma garanayo (ujeeddada) wax uu dilkan isugu gaysanayo! Galbeedka maanta waxa aynu ka aragnaa cid bixinaysa cashirro ku saabsan qaabka qofku naftiisa u qudhbixinayo; iyada oo ay jiraan kumannaan qaab oo qofku naftiisa u dili karaa. Qofka Diinta xooray ee Aakhiro in ay jirto aan rumeysnayn kana cabsanayn; sidoo kale aaminsan in noloshu iska bilaabantay iskana dhammaan doonto, naftiisa waa u halis. Waayo, noloshan adduunyo dabadeed nolol kale in ay ka danbayso ma oga! Barigaba maanta waxaynu ku argnaa cid bixinaysa cashirro ku saabsan qaabka qofku naftiisa u qudhbixinayo. Waxaad arki qof naftiisa u qudhbixin