Posts

Showing posts from May 1, 2022

Dalxiiska Buurta Gacanlibaax

Image
  Hordhac Maalintii ay bishu ahayd 03 May, 2022 waxa aan dalxiis ugu baxay buurta Gacan Libaax. Waxa ila socday asxaab qiimo leh. Waa markii koowaad ee aan buurtaas iyo deegaanka ay ku taallaba arko. In badan baan maqlayay buurtaas Gacanlibaax. Qoraalkan waxa aan kaga warrami doonaa dalxiiska aan buurtaas ku tegay iyo nooca uu ahaa, muuqaal guud ayaan ka bixin doonaa sida socdaalkayagii, jawiga goobta, dhirta goobta ka baxda, xayawaannada ku nool, sida loo xannaaneeyo deegaankaas iyo guud ahaan muuqaalka buurta Gacanlibaax. Muuqaalka Guud ee Socdaalka Abbaaro 6:30 ayaan Hargeysa dhinaca Bari uga baxnay. Waxa aan gaadhnay kantaroolka magaalada ka baxa. Waxa ay ahayd maalintii 2aad ee Ciidda Fidriga. Haddaba markii aanu Kaantaroolka gaadhnay ayay askartii noo sheegeen in dad dalxiis tegayaa ayna Kantaroolka dhaafi karin, oo aan la oggolayn safar maalmaha ciidda, waxa ayna noo sheegeen in amarkaa dawladdu soo rogtay, iyagana lagu amray. Waxa goobta joogay oo ku xannibnaa gawaadh