Posts

Showing posts from June 26, 2022

Qaabkeed Wax u Dhegaysataa?

Image
  Maamulaha wanaagsan wuu garanayaa in dhegaysigu muhiimyahay, oo uu dheef leeyahay; base dad kooban ayaa ka warqaba sida wanaagsan ee wax loo dhegaysto. Bal yar dhugo wadasheekaysigan: Shaqaale: Anigu waan ka werwersanahay soojeedintayda aan wax ka hor jeedinayo Kulanka Guddida. Kormeere: Cajiib, si fiican baad wax u qabanaysaa. Aniga sannado ayay igu qaadan jirtay ka hor inta aanan waxba ka hor jeedin, oo waan iskudhexyaaci jiray. Saaxiibkiisa Shaqada 1: Waxa aan u baahanahay dalxiis kooban. Saaxiibkiisa Shaqada 2: Waa inaad buuraha tagtid, waxa aan soo laaban doonaa aniga oo soo qaatay dalxiiskii ugu wacnaa ee aan sannadahan galo. Warbixintana waan kuu soo diri. Bukaan: Anigu waan ka cabsi qabaa habkan. Daweeye: Dhakhtarkan ku dawaynayaa/ku qalayaa boqollaal qof ayuu adeeggan hore ugu qabtay. Heerka khatartuna aad ayuu u yaryahay. Jawaabaha xagga sare ku xusan maaha kuwo xun, balse ma aha kuwo qofka hadlaya ee looga jawaabayaa uu kala kulmayo ama ka dhex arkayo b