Qaabkeed Wax u Dhegaysataa?

 



Maamulaha wanaagsan wuu garanayaa in dhegaysigu muhiimyahay, oo uu dheef leeyahay; base dad kooban ayaa ka warqaba sida wanaagsan ee wax loo dhegaysto.

Bal yar dhugo wadasheekaysigan:

Shaqaale: Anigu waan ka werwersanahay soojeedintayda aan wax ka hor jeedinayo Kulanka Guddida.

Kormeere: Cajiib, si fiican baad wax u qabanaysaa. Aniga sannado ayay igu qaadan jirtay ka hor inta aanan waxba ka hor jeedin, oo waan iskudhexyaaci jiray.

Saaxiibkiisa Shaqada 1: Waxa aan u baahanahay dalxiis kooban.

Saaxiibkiisa Shaqada 2: Waa inaad buuraha tagtid, waxa aan soo laaban doonaa aniga oo soo qaatay dalxiiskii ugu wacnaa ee aan sannadahan galo. Warbixintana waan kuu soo diri.

Bukaan: Anigu waan ka cabsi qabaa habkan.

Daweeye: Dhakhtarkan ku dawaynayaa/ku qalayaa boqollaal qof ayuu adeeggan hore ugu qabtay. Heerka khatartuna aad ayuu u yaryahay.

Jawaabaha xagga sare ku xusan maaha kuwo xun, balse ma aha kuwo qofka hadlaya ee looga jawaabayaa uu kala kulmayo ama ka dhex arkayo baahidiisii, ama wixii isaga khuseeyay. Shaqaalahani waxa uu ka werwersanyahay kulanka uu la yeelanayo boodhka shirkaddiisa.

Tusaalayaashani waxa ay sharraxayeen muhiimadda ay leedahay hoggaamintu. Inteenna badan waynu luminnaa fursadda aynu wax ku dhegaysanno, oo waxaa innaga xumaada hababka aynu wax u dhegaysanno. Sida xirfadaha kale ee xidhiidhka dhegaysiga wanaagsan wuxuu ku xidhanyahay wacyiga loo leeyahay ujeeddada, caadooyinka aynu leennahay, iyo doorashadeenna aynu dooranno habka aynu uga jawaabcelinayno. Warka wanaagsani wuxuu yahay inaan dhaqangelinno inaan si wanaagsan wax u dhegaysanno.

Xirfadaha Dhegaysiga

In aad baratid sida wax loo dhegaystaa waxa ay ka bilaabantaa in aad fahantid nooca uu yahay dhegaysigaagu. Dadka ku takhasusay aqoontani waxa ay u qaybiyaan afar nooc oo dhegaysi ah:

-         Dhegaysi Faallayneed: Dhegaysiga faallada ujeeddadiisu waxa weeyaan in la falanqeeyo dhibaatooyinka iyada oo laga bilaabayo meel dhexdhexaad ah.

-         Dhegaysi Xaqiiq ah: Dhegaysiga xaqiiqda ah ujeeddadiisu waxa ay tahay in la dhiso xidhiidh, iyo in la fahmo farriimaha caaddifadeed ee qofka ka imanaya.

-         Dhegaysi Naqdineed: Dhegaysiga naqdineed ujeeddadiisu waxa weeyaan in la xukumo qanaacada wadasheekaysiga iyo isku hallaynta qofka warramaya naf ahaantiisa.

-         Dhegaysiga Xoogga la Saarayo Hawsha: Dhegaysigani wuxuu qaabeeya wadasheekaysiga ku wajahan in xog muhiim ah oo filnaansho ah la isku gudbiyo.

In la horumariyo awoodda beddelidda ee keenta horumarku adiga oo raacaya hababkan, waxa ay kugu sababi kartaa inaad samaysid wadasheekaysi saamayn leh, adiga oo isku beegaya qofka hadlaya baahidiisa, taasi oo weliba ku habboon qaababka dhegaysiga. Tanina waa tallaabada koowaad ee aad ku horumarin kartid dhegaysigaaga.

4 Hab oo aad Xirfaddaada Dhegaysiga ku Horumarin kartid

In aad noqotid dhegayste wanaagsan macnaheedu kaliya maaha in aad fahantid sida aad wax u dhegaysatid, waxayna kaaga baahantahay inaad tallaabooyin kale qaaddid. Halkan waxa aan ku xusi doonnaa afar tallaabo oo muhiima oo kaa caawin kara in aad xirfaddaada dhegaysiga horumarisid:

1-    Garo ujeeddada aad wax u dhegaysanaysid

Waxa jira sababo badan oo aynu u dhegaysanno habka aynu wax u qabanno, waxa ka mid ah: In aad noqotid qof hufan oo aad waxqabad leedahay, in aad iska ilaalisid khilaafka/qaska, in aad heshid dareen, si aad qof wax ugu taageertid, ama in aad dadka maddadaalisid. Marka aynu ujeeddooyinkan kala horraysiinno, waxa aynu u gudbi karnaa ujeeddooyinka kale ee wax loo dhegaysto.

2-   Garo oo xaqiiqso sida aad inta badan wax u dhegaysatid

Habka aynu inta badan wax u dhegaysannaa waxa laga yaabaa inuu xumeeyo yoolasheenna. Waxa suurtagala inaan helno falcelinno togan haddii aynu si wanaagsan oo waxtar leh u dhegaysanno, ama kaftanno, ama si aftahannimo leh u hadalno ama si taageero ah u hadalno, balse habka aan fulin ee aan midhadhalka ahayn waxa laga yaabaa in loo isticmaalo si laga yaabo in ay ka hortagayso in la hawlgaliyo hababka kala duwan ee dhegaysiga si loo gaadho ujeeddooyin kale. Tusaale ahaan, haddii qofku uu cadaadis kala kulmo deegaanka ku hareeraysan inta badan waxa uu u baahanyahay inuu shaqo ku saleeyo, ama inuu si naqdin ah u dhegaysto si uu u sameeyo go’aan degdeg ah. Waxaa laga yaabaa in taasi shaqada waxtar u noqoto, ama inay dibudhac ku saamayso marka uu qofku u baahdo qoyska ama asxaabta, taasi oo laga yaabo inuu u baahanyahay go’aan taageere oo degdeg ah.

3-   Ka warhay yaa diirad saaridda dareenka

Marka laga yimaaddo hababka dhegaysiga, hababka aynu nafaheenna ku qaabilayno waxa ka mid ah inaan qofka hadlaya dhegaysanno oo dareenkiisa uu innoogu sheekaynayo diiradda saarno. Waana inaan sooyaalkeenna shakhsiyadeed dhexgelinnaa oo ka dhignaa kuwo horusocod leh oo xidhiidh horusocodnimo dhisa, waana in la joojiyaa dhegaysiga dhammaan dadka kale farriimahooda.

Marka dhegaystuhu ka warqabo saamaynta ay leedahay joojinta iyo joogtayna faduulnimada ku saabsan qofka hadalaya farriintiisu waa suurtagal inaan faafinno waxa diiradda la saarayo iyada oo aan la luminayn qofka hadlaya farriintiisa.

4-Qofka wayddii: Miyuu jiraa shay I seegay?

Waxa laga yaabaa inay adkaato in la hubiyo ujeeddada wada sheekaysiga haddii qofka hadlaya oo ah qofka curinaya hadalku uuna garanayn waxa laga rejaynayo ee uu ku hadlayo. Madmadawga gala ujeeddada, waxyaabaha hubanti la’aanta ah ee ah wadaagidda waxyaabaha nuglaanshaha, dareennada aan la iska tijaabin, iyo cadaadisyada suurtagal ahiba waxa laga yaabaa inay qayb ka noqdaan habka uu qofku wax u daahfurayo ee u sheegayo. Waayo, waxa laga yaabaa in aan habkan qaabayno, innaga oo hagaajinayna habka aan wax u dhegaysanno, waana inaan tixgelinno qofka hadalaya oo aan ogaanno in wada sheekaysigu yahay mid midhadhal ah, waana inaan ogaanno haddii wax inna seegaan.

In aan ilbidhiqsiyo kooban qofka hadalkiisa yara joojisid oo aad fekertid inta aanad si caadiya u jawaabin waxa laga yaabaa inay kaa caawiso inayna waxba ku dhaafin, fursadda muhiimka ahna aad ka faa’idaysatid.

Gunaanad

Waxa qoray: Rebecca D. Minehart, oo ah Barofaysar dhiga Jaamacadda Harvard Medical School, Benjamin B. Symon, oo Lataliye ka ah Queensland Children’s Hospital, iyo Laura K. Rock oo ah gabadh Kaaliye Barofaysar ka ah Harvard Medical School.

Waxa lagu daabacay Harvard Business Review (What’s Your Listening Style? (hbr.org) ), waxa la daabacay May 31, 2022.

 

Turjumid Cabdirisaaq Sandheere

29 Juun, 2022

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?