Talooyin Muhiima oo Khuseeya Qofka akhriska ku cusub
1- Akhri waxa aad jeceshay, ha akhriyin waxa uun waxa laguu ammaano ee lagu yidhaahdo waa muhiim akhriskiisu, akhri mawaadiicda aad xiisayso sida jacaylka, Falsafadda, taariikhda, horumarinta 2- Ku bilow akhriska buugta fudud, ha ku bilaabin buugta waawayn ee culculus. 3- Samayso hadafyo yaryar. 4- Naftaada ha dhibin, maalintii akhri 10 bog ama hal cutub. 5- Si joogto ah wax u akhri, se si badan ama wayn ha u akhriyin. 6- Dooro waqti ku habboon sida aroorta hore ama hurdada ka hor, sidoo kale dooro meel ku habboon. 7- Qor waxyaabaha aad ka heshid: Diiwaangeli waxa ku xiiso geliya sida fekrado ku soo jiita ama waxyaabo aad dareentid inay muhiim yihiin akhriska ka dib. 8- Ha werwerin haddii aanad waxa aad akhriyaysid wada fahmin markaas, waxa dhismaya luuqaddaada iyo fahankaaga- muhiimaddu waa joogtaynta. 9- Kala saar buugta sheekooyinka ama khiyaaliga ah iyo buugta aan sheekooyinka ahayn: Buugta sheekooyinku waxa ay ballaadhinayaan m...