Faa'idooyin laga qaadan karo buuga ' Ilme wax Akhriya' ee Dr Cabdikariin Bakaar.

  


- Ilmaha oo loo diido in ay ku daydo waxyaabaha ku hareeraysan waa qayb ka mid ah agoonnimadooda nafsadeed.
- Ardayga aan waxba akhriyin, kama duwana qofka aan waxba akhriyi karin.
-  Akhrinta buugta tayada leh macnaheedu waxa weeyi adiga oo la kulmay dad xula oo waqti hore ama waaya hore noolaa. 
-Ilmaha marka la nuujinayo wuxuu u baahanyahay: Caano, xanaanaynta hooyada iyo in loo sheekeeyo. 
- Aqoontu waa sidii ruux la noolaynayo camal, ma aha walxo la koobiyaynayo. 
-Dadka wax hal'abuuraa intooda badan yaraantoodii waxa ay ahaayeen akhristayaal wanaagsan. 
- Dal laguma tirin karo inuu ka midyahay waddamada horumaray haddii uu lacagta cuntada uu ku bixiyaa ay ka badantahay lacagta uu buugta ku bixiyay.
- Barakada Akhriska waxa ka mid ah in ay qofka ku baraarujiso inuu jeclaado inuu wax qoro. 
- Buugu marka uu yaallo khaanadda ( Shelf) waa sidii wax dhintay/mayd oo kale, waxa ay noloshu u bilaabantaa marka uu galo gacanta akhristaha.
- Buug ka ugu wanaagsani waa ka akhristaha ku qasba in uu dhammeeyo. 
-  Aqoonta waxa ugu wanaagsan ta addoonku ku barto Rabbigii. 
- Qol bilaa buug ahi waa sidii jidh bilaa ruuxa. 
- Haddii aanad carruurtaada ku mashquulin wax faa'ido u leh, waxa aad ku mashquuli dhibaatooyinkooda.
- Su'aaluhu waxa ay muujiyaan caqliga qofka wayddiinta keenaya, in ka badan inta ay muujiyaan caqliga qofka ka jawaabaya. 
- Akhris bilaa feker ahi waa sidii cunno bilaa dheefshiida. 
- In habdhaqannada la baddelaa way adagtahay, waxayna u baahantahay samir iyo ku celcelin. 
-Aqoonta tayada lihi waa qaali, balse aqoonta liidataa ayaa ka kharash badan oo waqti dheer kharash qaadata. 
- Tareenka akhrisku ma tago, markasta waxa jirta fursad aad ku gaadhi kartid tareenkaas. 
- In dadka waxqabad lagu soo dhawaystaa way ka fiicantahay in aad nacdid ama karahdid. 
- Akhrisku waa nolol iskeed u jirta. 
- Ha furin buug, haddii aanad ka qaniimaysanayn oo wax ka korodhsanayn. 
-Akhriska ha ka dhigin qayb ka mid ah ciqaabta.
- In aad buug wacan saddex jeer akhridid oo ku celisid way ka wacantahay in aad saddex buug akhridid. 
- Waa in aan ka fekerno waxa aan akhriyayno, waayo waa waxa innaga yeelaya kuwa aynu nahay. 
- Ugu danbayn qofku wuxuu ku soo koobmaa oo noqdaa akhlaaqdiisa, waxqabadkiisa iyo waxyaabaha uu xiiseeyo. 
- Caadadu akhrisku isma baddesho, waana caadada soo hadha marka caadooyinka oo kale baaba'aan ama qofku ka xiiso dhaco. 
- Buugu waa macallin aamusan. 
- Nimcooyinka Alle siiyay dadka waxa ka mid ah: Iimaanka, caqliga iyo in ay hadli karaan oo awoodda hadalka leeyihiin. 
- In qofku dareemo degganaan, waxa ay keentaa inuu qofku hal'abuur la yimaaddo. 
-  In aad wax akhridid macnaheedu waxa weeyaan in aad yeelatid saaxiib aan ku khiyaamayn. 
- Caqligu waa hubka cilmiga, caqli bilaa cilmi ahi waa sidii askari bilaa huba. 
- In aad naftaada baratid ayaa ka muhiimsan in aad caalamka baratid. 
-  Haddii uu daciifo xidhiidhka aad Alle la leedahay waxa aad gudahaaga ka dareemaysaa quus daran. 
-  Ummad horumarsan laguma dhiso bilaa aqoon iyo fidin la'aanta cilmiga. 
- In qofku meel diiradda saaraa waxa ay caqliga ku abuurtaa curin ama hal'abuur. 
-  Marka aynu dhammayno buug waxa aynu sagootinnay saaxiib ballan oofin badan. 
- Haddii aad doonaysid in aad ogaatid caqliga qofka wayddiin uun su'aalahan: Maxaad akhridaa? Sideed u akhridaa? 
- Buugu waa midhihii caqliga jiil illaa jiil kale, markaa muxuu macne leeyahay buug aan la akhriyayn?
-  Akhrinta buugtu way ka awood badantahay dagaallada waawayn. 
- Carruurteenna akhriska ayaynu barnaa, balse ma jeclaysiinno akhriska. 
-  waqtigu wuu inaga daacmayaa haddii aynaan lahayn hadafyo mustaqbal ama yoolal innoo qorshaysan mustaqalbalka. 
- Aqoondarradu waa meesha ay ka burqato cabsida aad xadka lahayn. 
- 70% xogaha waxa aynu ka helnaa akhriska. 
- Aqoontu waa awood. 

W/: Dr. Cabdikariin Bakaar. 
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"

Faallada buuga “ UNDERSTANDING YOUR POTENTIAL~ Garo karaankaaga”