Posts

Showing posts from October 9, 2022

Maalgelinta Nafta

Image
  Inta badan marka aynu maalgelin maqalno waxa maskaxdeenna ku soo dhaca maalgelinta la xidhiidha lacagta, ganacsiga, dhulka IWM. Ka soomaali ahaan maalgelin in aynu dhinaca nafta u qaadno waa yara ugub. Caalam ahaan, iyo eraybixin ahaan marka la sheegaba maalgelintu ma aha ta lacagaha iyo hantida muuqata la xidhiidha, ta ugu qaalisani waa maalgelinta nafta. Maalgelin la sheego waxa ugu manfac badan, uguna faa’ido iyo raandhiis badan maagelinta nafta. Qofku halkii uu ganacsi ama wax kale ka maalgashan lahaa waxa kun jeer uga faa’ido badan inuu naftiisa maalgashado. Sabab? Sababtu waxa weeyaan maalgelinta naftu waa mid aan qofka ka hadhin lagana xadi karin, balse haddii tusaale ahaan qofku ganacsi samaysto waxa suurtagala in lacagtii ganacsiga uu ka samaystay ka baabba’do, ganacsigiina ka kaco, balse qofka naftiisa wax geliya wax anftiisa uu geliyay ee maalgashi ah sida aqoon iyo xirfad ma kacaan, oo arki maysid aqoon la leeyahay way kacday sidii ganacsiga. Dhinac kale aan kaa t