Posts

Showing posts from February 14, 2021

Gorfeynta Buugga “Oral Poetry and Somali Nationalism ~ Gabayga iyo Wadanniyadda Soomaalida.”

Image
  Hordhac Buuggan magaciisa la yidhaa “Oral poetry and Somali nationalism: In Case of Sayid Mohamed Abdulle Xasan~ Gabayga iyo Wadanniyadda Soomaalida: Sayid Maxamed C. Xasan muunad ahaan.” Waxa qoray Siciid Sheekh Samatar. Siciid, waxa uu ahaa aqoonyahan, iyo sooyaalyahan Soomaaliyeed. Sannadkii 1943kii ayuu deegaanka Soomaalida ku dhashay. Yaraantii waxa uu ku soo kacaamay xooladhatannimo. Isaga oo muddakar ah ayuu waxbarashada bilaabay oo aabbihii u diray Magaalada Qallaafo. Halkaas ayuu muddo wax ka baranayay. Waxbarashada dugsiyada waxa uu ka dhammaystay Itoobbiya. Jaamacadda qaybta koowaad, waxa uu ka bartay ‘ Goshen College ’ oo Hindiya ku yaalla, wuxuu ka baxay Kulliyadda Taariikhda ‘history and literature.’ Shahaadada labaad ee Masterta waxa uu bartay Taariikhda Afrikaanka. Sannadkii 1979kii ayuu Shahaadada P.hD ka qaatay Jaamacadda ‘ Northwestern University ’ oo ku taalla   Evanston, Illinois . Wuxuunna ka bartay Taariikhda Afrika. Wuxuu caawiye Baroofaseer ka ahaa Ja

Sheekhul Baladkii Oogada/ Madarka: Sh Maxammed Cumar C. Tukaale

Image
  Awawgay Sh. Maxammed C Cabdillaahi Tukaale ( 1943?-2021), wuxuu sannadkii 1943kii ku dhashay Deegaanka Buushaale oo ka tirsan Ismaamulka Soomaali Galbeed. Waxaa dhalay Odey caan ah oo aad u tarmay oo lagu naanaysi jiray Cumar-Daranyo, magaciisuna ahaa Cumar C. Tukaale Samatar. Cumar, waxa uu lahaa dhul aad u ballaadhan oo ku yaalla deegaannada la isku yidhaahdo Madarka sida Qorijabka, Qaaliga Albaase, Caloolla iyo Qadawga oo ku yaalla Gobolka Gebilay. Deegaannadaas ayuu awoowo Aw Maxammed ku barbaaray oo yaraantiisii ku qaatay. Waxa ay walaalo ahaayeen rag aad u badan iyo hal gabadh. Hadda Ilma Cumar way tarmeen oo waa beel dhan, oo deegaanno badan oo gaar ah dega oo ku dhex doobiya. Kaymo badan, iyo dhul aad u badan ayay ka taliyaan oo dhinacay doonaan ugu galgashaan.   Isaga oo gaashaanqaad ah ayuu u baxsaday Jigjiga. Wuxuu aad u jeclaa inuu waxbarto, se Aabbihii Cumar lama fahmin. Waxa waxbarashada kaga horreeyay walaalkiisii ka waynaa ee Aw Cabdi Cumar, oo isna waxbartay. Sid