Sheekhul Baladkii Oogada/ Madarka: Sh Maxammed Cumar C. Tukaale

 


Awawgay Sh. Maxammed C Cabdillaahi Tukaale ( 1943?-2021), wuxuu sannadkii 1943kii ku dhashay Deegaanka Buushaale oo ka tirsan Ismaamulka Soomaali Galbeed. Waxaa dhalay Odey caan ah oo aad u tarmay oo lagu naanaysi jiray Cumar-Daranyo, magaciisuna ahaa Cumar C. Tukaale Samatar. Cumar, waxa uu lahaa dhul aad u ballaadhan oo ku yaalla deegaannada la isku yidhaahdo Madarka sida Qorijabka, Qaaliga Albaase, Caloolla iyo Qadawga oo ku yaalla Gobolka Gebilay. Deegaannadaas ayuu awoowo Aw Maxammed ku barbaaray oo yaraantiisii ku qaatay. Waxa ay walaalo ahaayeen rag aad u badan iyo hal gabadh. Hadda Ilma Cumar way tarmeen oo waa beel dhan, oo deegaanno badan oo gaar ah dega oo ku dhex doobiya. Kaymo badan, iyo dhul aad u badan ayay ka taliyaan oo dhinacay doonaan ugu galgashaan.  

Isaga oo gaashaanqaad ah ayuu u baxsaday Jigjiga. Wuxuu aad u jeclaa inuu waxbarto, se Aabbihii Cumar lama fahmin. Waxa waxbarashada kaga horreeyay walaalkiisii ka waynaa ee Aw Cabdi Cumar, oo isna waxbartay. Sida uu ii sheegay berigii uu waxbarasha Herer iyo meelo kale ka waday wuxuu la kulmay duruuf adag, oo mararka qaar waxaa dhici jirtay inuu cuntada xaafado aanu garanayn u doonto ama dawarsado, waqtiyadaas uu waxbaranayay in qofka ardeyga ahi duruuf adag wax ku barto oo dawarsadaa wax jira oo dabiici ah ayay ahayd.

Wuxuu bartay oo waqti badan geliyay Culuumta Quraanka ee kaladuwan. Sidoo kale, waxa uu bartay Xadiista, Fiqiga, Caqiidada IWM. Aad ayuu uga dhisnaa culuumtaa kaladuwan. Wuxuu ka mid ahaa wadaaddadii waxbarashada u dhuyaalay ee meelo badan u tagay, culimmo kala duwanna kala kulmay ee ka soo qaatay. Sida uu ii sheegay meelaha uu wax ka bartay waxaa ka mid ahaa; Addis’ababa, Herer, Jigjiga, Jabuuti, Hargeysa IWM.

Markii uu waxbarashada soo dhammaystay wuxuu isku dayay inuu dadka waxbaro. Waxa uu isaga oo dhallinyaro ah tagay magaalada Hargeysa. Wuxuu ka furay Maddarasad Quraanka uu ku dhigo oo dadka Diinta ku baro. Waqtiyadaas uu furay qiyaas ahaan waxa ay ahayd markii Xorriyadda la qaatay. Sida odayaal ay walaaloyihiin ii sheegeen wuxuu Hargeysa joogay oo dadka Quraanka ku barayay muddo gaadhaysa 9-10 sano.  Awawgay sida uu intii aannu dhiman ka hor iiga warramay waxa ka mid ahaa ardeydii uu wax u dhigay Xildhibaan Cabdillaahi Balaak oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Soomaalilaan, iyo rag badan oo kale.

Nasiibxumo, markii uu curadkii koowaad oo ahaa Aabbahay Rashiid ku dhashay Hargeysa ayuu Awoowo ka guuray Hargeysa. Wuxuuna degay meeshii aan anigu ( Sandheere ahaan) ku dhashay oo ah deegaannada Madarka la isku yidhaahdo. Halkaas ayuu Awoowo ku dhaqmay, awlaad badan oo ciidda ka badan na ku dhalay.  

 

Awoowo AHUN waxa uu ahaa bare, Dabiib, Mufti, Imaam, odey, Nabaddoon, iyo Wadaad. Wuxuu  hage iyo hoggaan ba sannado badan u ahaa bulshada ku dhaqan Tuulooyinka Durya, Eegato, Dabarddullalay, Siyaarada, Eegato, Gobyarta Awnuurka, Caloolla, Qaaliga Albaase, Dhumucyare, Biciidlaa, Qorijabka IWM, oo dhammaan hoostaga Degmada Qabribayax ee Gobolka Faafan.  Wuxuu gacanta u qabtay oo uu Qur'aanka baray kumannaan qof. Wuxuu Qur'aanka xifdisiiyay kumannaan kale. Wuxuu waxbaray bulsho dhan. Isaga oo waxdhigaya oo macallin ah ayaan anigu garaadsaday.

Awoowo Sh. Maxamed, waxa aan ku garaadsaday isaga oo Wadaad ah, dadkana dabiiba. Oo waxa aan garanayaa uun isaga oo qofkii meelyar xanuuntaba loogu yeedho si uu u daweeyo. Isaguna daacad buu ahaayoo qofka halka uu ku xanuunsaday ayuu ugu tagi jiray oo uu ku soo dawayn jiray. Marka laga maarmi waayo; mararka qaar waxaan xasuusata in seqda dhexe loo iman jiray si qofka xanuunsada uu udaweeyo. Aqoonta daweynta aad buu u yaqaannay oo uu takhasus gaar ah ayuu u lahaa. Illaa haddana isagaa daweeya. Xanuunno dhakhtarro waaweyn waxba ka garan waayeen ayuu isagu u babbacdhigaa oo daweeyaa. Inta badanna Qur’aanka ayuu dadka ku dabiibaa oo ku akhriyaa.

 Wuxuu lahaa meel Malcaamad ah oo ku taallay meel in yar ka u jirta tuulada aan deggannahay, waxayna ku dhextaallay beertayada oo u dhexaysa labo tuullo. Malcaamadda waxaa laga dhisay qoryo, waxaana lagu dhigan jiray khad iyo loox. Malcaamadda waxaa looga iman jiray tuulooyin badan oo aannu jaarnahay, waxayna ahayd ta kaliya ee ku taal. Awoowana wuxuu ahaa wadaadka kaliya ee Qur'aanka aaggaa ku dhiga, aadna loogu kalsoonyahay. Anigu wax badan kama dhigan oo nasiib uma helin, waqtigaa waan yaraa, qalqaallina waan ahaa; Qur'aankana magaalada markaan yimid ayaan ku xifdiyey.

Awoowo Ax Maxammed, waxa uu ummad dhan waxbarayay, hagana u ahaa cimrigiisa intii ugu badnayn. Qiyaas ahaan waxa uu dadka waxbarayay muddo ku dhaw 50 sano, haddiina ayna ka badnayn ba. Wuxuu ahaa Wadaad Alle yaqaan oo Diintu daacad ka tahay.

Dariiqo Diineed oo gaar ah oo aan ku sheego afkiisa kama hayo. Kuna shaabbadayn maayo mid gaar ah. Se sifooyinka aan ku aqaannay waxaa ka mid ahaa, wuxuu jeclaa wanaaga oo idil, wuxuu u ducayn jiray dadka xanuunsanaya, iyo kuwa dhintay. Qof dhintay haddii loo duceeyo oo Allabari lagu xasuusto caadi bay la ahayd. Dhegaysiga heesuhu wax wayn lama ahayn. Mawliidka Nebiga ayuu akhriyi jiray, oo aad ayuu uga salliyi jiray, kalgacayl uu u qabo Nebiga NNKH ayuu ammaantiisa ku luuqayn jiray. Mas’alooyinkan aad ayay culimadu ugu kaladuwantahay. Waqtigii aan yaraa ayaan fududaa oo mas’alooyinkan hal dhinac ka joogay, se in badan oo aan awawgay la sheekaystay waxa aan ogaaday inay khilaafi yihiin. Awawgay dhinaca uu istaagay aad ayaan ugu ixtiraami jiray, haddana ugu ixtiraamayaa. Sidii aanan agtiisa inaan hadal taagan kugu celiyo aan uga xishoon jiray ayaan haddana uga xishoonayaan. Maadaama ay yihiin mas’alooyin fudud oo aan kaladuwanaanshahooda wax wayn ahayn waxa aan in dhawayd oo awoowaba noolaa goostay inaan tixgeliyo, aad na ugu xaqdhawro, oo haddii awawgay aniga oo la jooga Mawliidka akhriyo ama hees shito wax wayn uma arkayn sannadahan ba.

Wuxuu ahaa dhaqanyaqaan aad ugu xeeldheer dhaqanka. Wadaadnimada iyo Aqoonta diinta waxaa u dheerayd sidii uu dhaqanka Soomaalida u yaqaannay, una ilaalin jiray.

Nin rageedkii sidaa ahaa wuxuu geeriyooday Khamiistii dhawayd oo taariikhu ku beegnayd 11kii Febraayo, 2021kii. Wuxuu ahaa qof qaaliya. Xusuus gaar ah, iyo kuwa guudba wuu igu leeyahay.

 

Sawirka waxaa igula jiro Awoowo Al Waalid al Muxtarim Sh. Maxamed Cumar, waxa aanan la galay sannadkii 2018kii, aniga ayaa gacantayda ku qaaday sawirka. 


Cabdirasaaq R. Aw Maxamed ( Sandheere)

15 Febraayo, 2021

 

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?