Posts

Showing posts from September 13, 2020

Gorfeynta Buugga “ Warxumatashiilka Soomaaliya – Getting Somalia Wrong”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “Getting Somalia Wrong” oo Af Soomaali ku noqon kara ‘ Warxumatashiilka Soomaaliya’ sida uu Cabdicasiis Mahdi ku afceliyay. Buugga waxa qortay Maari Haarbar, oo ah gabadh ajnebi ah. Maari, waxa ay u shaqaysaa Idaacadda BBC. Waxa ay BBC uga soo warramaysay tan iyo markii dagaalkii sokeeye qarxay sannadkii 1991kii. Waxa ay shahaadooyin Jaamacadeed ka qaadatay Jaamacadda Cambridge, iyo School Oriental and African Studies. Meelo kaladuwan ayay wax ku daabacdaa sida ‘ The Times’ iyo ‘ The Washintong.’ Arrimaha Soomaalida muddo badan ayay ka hadlaysay, oo wax ka qoraysay. Maqaallo badan ayay ka qortay. Buug la yidhaa “ Everything I Told Is True” oo ay Al Shabaab ka qortay, ayay soo saartay kalhore 2019kii. Maari Haarbar, waxa ay ku hadashaa waxna ku qortaa afafka   Ingiriisiga iyo Faransiiska. Waxa kale oo ay ku   hadashaa af Boortaqiiska iyo afka loo yaqaan Wolof oo ah af Afrikaan, inta baddanna lagaga hadlo dalka   Senegal. Buuggu, waxa uu ka midy