Posts

Haddii aad ku jirto da’dii Labaataneeyada…

Image
  Da’da labaataneedu waa da’aadda qofku waxbadan seego, ee arrimo badan hareer maro. Waa xilliga uu qofku ugu tamar iyo awood badanyahay. Waa muhiim in uu qofku habraac iyo hagid helo. Haddaba haddii aanad gaadhin labaatan jir ama aad ku jirtaba talooyinkani waa kuu muhiim: 1-       Yeelo jadwal hurdo oo joogto ah oo 24kii saac ugu yaraan 8 saacadood, hurdada wanaagsan ee jidhku helaa waxa ay leedahay waxoosaar wanaagsan. 2-     Caado ka dhigo in aad maalintii ugu yaraan 20 daqiiqo wax akhridid. 3-     Talo ha bixin adiga oo noloshaadu kala daadsantahay, shiid ah, aan waxba kuu saxnayn, horta noloshaada maaree. 4-     Jooji in aad si bilaa macni ah u isticmaasho baraha bulshada, u isticmal qaab ujeeddaysan oo wax ka faa’id ama wax ku qor. 5-      Si kasta oo noloshaadu tahay ha dayn jimicsiga, oo maalinkasta jimicso, waayo Waa mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan ee lagu daryeelo caafimaadka ma...

Cabdirisaaq Sandheere: Writer | Translator | Reader | Knowledge & Personal Development Content Creator

Image
  Cabdirisaaq Sandheere Writer | Translator | Reader | Knowledge & Personal Development Content Creator Overview Cabdirisaaq Sandheere is a Somali writer, translator, reader, and content creator whose work focuses on knowledge, books, personal development, finance, society, Islamic thought, history, and intellectual growth. Through his writing and digital platforms, Sandheere works to make useful ideas, books, and knowledge accessible to Somali-speaking audiences. His work combines original writing, translation, book commentary, educational content, and reflections on personal and social development. Writing and Intellectual Work Sandheere's writing covers a broad range of subjects, including: Personal development and self-discipline Reading and knowledge acquisition Financial literacy and wealth-building Leadership and personal responsibility Social relationships and human behavior Islamic thought and lessons from religious history History and biographies Books and literary c...

Sideed u ilaashan kartaa degganaantaada maskaxeed ( Peace of mind)?

Image
   Maadaama dunidu kharribantay oo waxyaabo badan oo aan hore u jirin soo kordheen waa muhiim in qofku degganaanshihiisa maskaxeed ilaashadaa. Dunida ka batay metelaadda beenta ah ( fake) ee shakhsiyaadka iyo waxkasta, waxa kale oo xadhkaha goostay isticmaalka aaladaha Baraha Bulshada oo waxkasta la soo geliyo, qofkii wuxuu arkayaa waxkasta oo dunida ka dhacaya, waxyaabaha uu arkayo waxa ka mid ah waxyaabo cabsi leh oo naftiisa cabsi iyo aragaggax ku keenaya, markaa waa muhiim in qofku ilaashado degannaanta maskaxdiisa. Haddaba sidee u ilaashan karaa degganaanta? -           Naftaada cidna u sharraxin, oo adigu hadday nolosha caadiga ah ama ta baraha bulshada noqoto cidna naftaada ha u sheegsheegin. -           saaxiibbadaa ha badin; dadka yar ee tayada leh ayaa ka qiimo badan dad badan oo aan faa’iido lahayn. Ha ku mashquulin inaad dad badan taqaan; dooro dad yar oo daacad ah, lagu kalso...

Cidkasta waxbaa ka maqan

Image
  Dunidu waa sagaal oo ma tobnawdo, bal inyar ila eeg tusaalayaashan: -          Dadka saboolka ahi waxa ay u baahanyihiin oo raadinayaan lacag. -          Dadka hantiilayaasha ah waxa ka maqan o ay rabaan degganaan iyo xasilloohi. -          Dadka yaryari waxa ay u rabaan inay koraan oo waynaadaan. -          Halka dadka waawayni ay doonayaan inay mar labaad ku noqdaan yaraantoodii. -          Dadka guursaday waxa ay rabaan inay xorriyad helaan, oo waxa ay danaynayaan xorriyadii kelinnimada. -          Dadka kelida ah ee aan weli guursan waxa ay rabaan inay helaan jaceyl. -          Dadka niyadjabay waxa ay rabaan inay soo kabtaan oo xanuunkii iyo niyadjabkii ka soo kabtaan. Xaqiiqadu waa in qofkasta wax k...

Sidee dadka qaar u arkaan awoodda iyo dabeecadaha dadka?

Image
   Qoraalkan wuxuu gudbinayaa farriin ku saabsan sida dadka qaarkood u arkaan awoodda iyo dabeecadda dadka: -           Qofka macaan ee wanaagsan waxa la isku dayaa in la adeegsado, Laguna danaysto, oo la isticmaalo, lana iska soo horraysiiyo. -           Qofka    xishoodka badan waa la iska indhatiraa, oo waa la isdhaafiyaa. -           Dadka daciifka ah waa lagu tagrifalaa oo tacaddiyaa. -           Dadka adag ee aan naxariista badan lahayn waa la ixtiraamaa oo la qiimeeyaa. Waxaa ka fiican inaad noqoto YEY uu qof walba ka cabsado, halkii aad noqon lahayd dameer uu qof walba fuulo. Noqo qof adag oo aan si fudud looga faa'iidaysan karin.   W/Q: Dark Mentor 2.0 Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

Waxyaabo ay waajibtahay In aad ku dhaqanto:

Image
   -           Hadalka yaree: Dhaawaca ugu badan ee ku soo gaadha afkaaga ayaa kuu sababaya. -           Kelidaa faraxsanow: Haddii aad farxaddaada cid ku xidhid la’aanteedna aanad farxi karin marka horaba daciif baad ahayd. -           Kelidaa la daalaadhac hawlahaaga: Qofna uma baahna inuu ogaado halgankaaga iyo hawlahaaga. -           Ha ku ciyaarin meesha aad dakhliga ka heshid: Qofka shiidka ah cidna ma jecla. -           Sir yeelo: Inaad si xad-dhaaf ah u wadaagto arrimahaaga gaarka ah waxay noqon kartaa inaad naftaada waxyeellaynayso ama caqabad kugu keento. -           Xasilloonidaada ilaali: Baro in aad socotid oo hawlahaaga ku fooftid adiga oo aan sharraxaad ka bixin ama faahfaahin. -   ...

5 ta Tiir ee ay tahay in ninkastaa la noolaado

Image
   1-       Ha isku hallayn hal il dhaqaale oo kaliya: In aad hal meel oo kaliya ka heshid dhaqaale bishii, toddobaadkii ama maalintii waa khatar wayn, waxa aad qarka u saarantahay saboolnimo, waayo noloshaadu waxa ay ku tiirsantahay halkaas il, haddii ishaasi go’do geeddisocodka noloshaadu way istaagaysaa. Sidaa darteed, ha isku hallayn hal il dhaqaale oo kaliya, samayso dhawr il oo dhaqaale kaa soo galo maalintii, toddobaadkii ama bishii. 2-     Keydso lacag ka hor inta aanad waxba kharashgarayn: Dad badan waxa ay wax keydsadaan marka ay kharashaadka bixiyaan wixii soo hadha, haddaba waxa muhiima in qofku keydsado marka wax soo galaan, ka dibna kharash gareeyo wixii keydka ka soo hadha. 3-     Maalgashi samee inta ayna aanad baddelin habnololeedkaaga: Marka dakhligaagu kordho, lacagtaada ha ku bixin raaxo iyo kharash badan markiiba; marka hore maalgashi ku samee wax kuu soo celinaya faa'iido mustaqbalka. Maalgashi sam...