Sida Maskaxdaada Dib Loogu Habeeyo
1- Jooji fekradaha taban: Garo oo beddel fekradaha waxyeellada leh. Mar kasta oo aad fekerkaaga beddesho waxa sii daciifaya caadooyinkii hore ee fekerka. 2- Ku bilow caadooyin fudud: Ku bilow tallaabooyin yaryar si aad uga fogaato culayska iyo isku dhex yaaca. Joogtayntu waxay dhistaa isbeddel waara. Tusaale ahaan akhriska halkii aad maalintii buug dhan akhrin lahayd, ku bilow 5–10 bog maalin kasta. Jimicsiga oo kale, halkii aad saacado badan jimicsan lahayd, ku bilow 15 daqiiqo maalintii. Dhaqaalaha oo kale halkii aad isku dayi lahayd inaad lacag badan kaydsato, ku bilow inaad maalin kasta wax yar dhinac dhigato. Barashada xirfad halkii aad isku dayi lahayd inaad wax walba hal toddobaad ku barato, maalin kasta 20 daqiiqo ku bixi barashada xirfaddaas. 3- Feejignaanta maskaxda: Waxay kordhisaa xakamaynta shucuurta iyo awoodda diiradda. Feejignaanta maskaxdu waxay xoojisaa qaybo muhiim ah oo maskaxda ka mid ah. 4- ...