Sida Maskaxdaada Dib Loogu Habeeyo
1- Jooji fekradaha taban: Garo oo beddel fekradaha waxyeellada leh. Mar kasta oo aad fekerkaaga beddesho waxa sii daciifaya caadooyinkii hore ee fekerka.
2- Ku bilow caadooyin fudud: Ku bilow tallaabooyin yaryar si aad uga fogaato culayska iyo isku dhex yaaca. Joogtayntu waxay dhistaa isbeddel waara. Tusaale ahaan akhriska halkii aad maalintii buug dhan akhrin lahayd, ku bilow 5–10 bog maalin kasta. Jimicsiga oo kale, halkii aad saacado badan jimicsan lahayd, ku bilow 15 daqiiqo maalintii. Dhaqaalaha oo kale halkii aad isku dayi lahayd inaad lacag badan kaydsato, ku bilow inaad maalin kasta wax yar dhinac dhigato. Barashada xirfad halkii aad isku dayi lahayd inaad wax walba hal toddobaad ku barato, maalin kasta 20 daqiiqo ku bixi barashada xirfaddaas.
3- Feejignaanta maskaxda: Waxay kordhisaa xakamaynta shucuurta iyo awoodda diiradda. Feejignaanta maskaxdu waxay xoojisaa qaybo muhiim ah oo maskaxda ka mid ah.
4- Hurdo wanaagsan: Hurdo wanaagsan waxay dhistaa oo xoojisaa isku xidhnaanta unugyada neerfaha ee maskaxda. Waxay muhiim u tahay xusuusta iyo koritaanka.
5- Caqabadaha u arag fursado horumarineed: Caqabadaha u arag fursado aad ku korto kuna horumarto. Habfekerkan wuxuu dhisaa adkaysiga. Caqabad kasta ma aha guuldarro; mararka qaarkood waxay kuu noqon kartaa cashar iyo fursad aad ku horumariso naftaada.
6- Dhaqaaji jidhkaaga oo jimicsi samee: Jimicsigu wuxuu soo daayaa borotiin la yidhaahdo BDNF, kaas oo ka caawiya maskaxda dayactirka iyo soo kabashada. Dhaqdhaqaaqu wuxuu dhiirrigeliyaa koritaanka iyo horumarka unugyada neerfaha.
7- U dabbaaldeg guulaha yaryar: Guul kasta waxay xoojisaa guusha. Aqoonsiga horumarka aad samayso wuxuu kobciyaa niyad wanaaga. Halkii aad ka odhan lahayd “Weli si fiican uma hadli karo,” waxaad odhan kartaa: “Waan horumaray, waana sii wadi doonaa dadaalkayga.”
8- Aqoonso saamaynta walbahaarka: Walbahaarka joogtada ahi wuxuu daciifiyaa isku-xirnaanta unugyada neerfaha ee maskaxda. Caadooyinka dejintuna waxay xoojiyaan maskaxda. Walbahaarku waa marka qofku dareemo culays, welwel ama cadaadis. Haddii uu muddo dheer socdo, wuxuu saamayn karaa: Xusuusta iyo feejignaanta, ayada hurdada, Degganaanshaha niyadda iyo Awoodda go’aan qaadashada.
9- Baro wax cusub: Xirfadaha cusub waxay abuuraan isku-xirnaano cusub oo unugyada neerfaha maskaxda ah. Barashadu waxay maskaxda ka caawisaa inay la qabsato isbeddellada. Markaad barato xirfad cusub, sida luqad ama farsamo, maskaxdu waxay samaysaa isku xidhnaansho cusub ama xoojisaa kuwii hore.
10- Dejiso yoolal cad: Yoolal cad ayaa maskaxdaada siiya jihada ay u socoto. Yoolalka si qeexan loo dejiyey waxay diiradda saaraan tamarta maskaxda. Qof aan garanayn halka uu u socdo way ku adkaan kartaa inuu doorto tallaabada saxda ah. Dejiso yool cad, samee qorshe, maalin kastana qaad tallaabo yar oo kuu dhoweynaysa guushaada.
11- Nafta ku hareeree waxyaabo wanaagsan: Deegaanka aad ku nooshahay iyo dadka kugu xeeran waxay qaabeeyaan habfikirka maskaxdaada. Saamaynta wanaagsan waxay dhistaa habfikir xooggan. Haddii aad rabto inaad ganacsi horumariso, la tasho dadka khibradda leh, baro casharrada ay soo mareen, kuna dadaal inaad ka faa’iidaysato taladooda halkii aad ka dhegaysan lahayd dadka mar kasta kaa niyadjebiya.
Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere
Oktoobba 22, 2026

Comments
Post a Comment