Posts

Showing posts from September 26, 2021

Sookoobidda buugga “ Awoodda Bini’aadanka ~ الطاقة البشرية والطريق إلى القمة.”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “Awoodda Bini’aadanka.” Waxan qoray Dr Ibraahin Al Fiqi. Ibraahin, waxa uu ahaa tababbare, iyo aqoonyahan wayn oo ku takhasusay aqoonta horumarinta Bini’aadanka.   Waxa uu u dhashay dalka Masar. Waqtigii hore waxa uu ka soo shaqeeyay Hudheello Kanada ku yaalla, oo markii danbe uu maamul ka noqday. Waxa uu qaatay 23 Diblooma ah, iyo 3 shahaadooyin sare ah oo ku saabsan horumarinta bini’aadanka.   Shahaadada sare ee Ph.D waxa uu ka qaatay Jaamacadda Loosanjalis ee dalka Maraykanka. Wuxuunna ku diyaariyay Metaphysics. Waxa uu aasaasay xarumo badan oo qaarkood lagu barto culuunta Horumarinta Bini’aadanka. Qaarna ka shaqeeyaan horumarinta bini’aadanka. Waxa uu ahaa qoraa qalinkiisa aad loo jecelyahay. Buugaag badan ayuu qoray. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaa “ Maaree Noloshaada.” Iyo “ 10ka Fure ee Guusha.” Buugtiisa waxaa lagu turjumay Shan Luuqadooda, oo kala ah: Faransiis, Carabi, Kurdi, Ingiriisi, iyo Induunisi. Sidoo kale, waxa uu a

Gabadh Yar oo 17 Jir ah!!

Image
  Gabadh yar oo da’a ahaan 17 jir ah ayaa ila soo xidhiidhay. Waxa ay ka mid tahay asxaabta Faysbuugga iga baratay ee qoraalladayda ku xidhan.   Luuqa ayay iga soo tidhi: “ Walaal, iisoo ducee. Murugo iyo werwer nololeed oo daran ayaan la noolahaye.” Inta aanan codsigeedaa ducada ah u gelin waxa aan isku dayay inaan waraysto oo waxa haysta bal ogaado inaan wax kala qaban karo iyo in kale. Waan waraystay, waxayna ii sheegtay xaalad aan laga aamusi karin oo ah ta igu kelliftay inaan qoraalkan qoro. Anigu shakhsiyan caawimada kaliya ee aan qaban karayaa waxa ay noqotay inaan qisadeeda Bulshada Soomaaliyeed la wadaago aniga oo oggolaanshaha iyo codsigaba xaggeeda iiga yimid oo ka haysaa, iyo aniga oo xuquuqdeeda qofnimaba ilaalinaya.   Magaceeda waxa la yidhaahdaa Samsam. Waxa ay ku nooshahay Kiiniya. Waa gabadh yar oo agoon ah. Hooyadeed oo hadda xanuunsanaysa ayaa agoonnimo iyo nolol adag ku soo korisay. Iyada oo korinteedii socoto oo ayna adkaan ayay hooyadeed xanuunsatay. Shaqadii iy