Posts

Showing posts from February 8, 2026

15 xaqiiqo oo muhiima oo ku saabsan cilmi nafsiga iyo nolosha

Image
   1-       Dadku intooda badan ma daneeyaan dhibaatooyinkaaga, waayo waxa ay ku mashquulsanyihiin dhibaatooyinka iyaga haysta oo qofkasta dhibaatadiisa ayuu la tacaalayaa. 2-     Diidmadu qofka way xanuujisaa, balse inta badan waxay qofka ka ilaalisaa inuu jid qaldan raaco. 3-   Anshax / nidaam joogta ah ayaa had iyo jeer ka xoog badan dhiirrigelin ku meelgaadh ah. 4-     Kalinimada ayaa ka wanaagsan saaxiibtinimada beenta ah. 5-      Dadku waxay xasuustaan sida aad u dareentay ee dareenkooda ula falgashay, balse ma xasuustaan  hadallada aad tidhi. 6-     Maskaxdaadu waxay rumaysataa sheekada aad marar badan ku celceliso, sidaas darteed si taxaddar leh u dooro fekerradaada. 7-      Isbarbardhiggu waa dilaaga farxadda. 8-     Qofkasta oo kuu dhoollacaddeeyaa maaha saaxiibkaa. 9-     Horumarka waxa lagu dareemaa raaxo-darro, sabab...