15 xaqiiqo oo muhiima oo ku saabsan cilmi nafsiga iyo nolosha
1- Dadku intooda badan ma daneeyaan dhibaatooyinkaaga, waayo waxa ay ku mashquulsanyihiin dhibaatooyinka iyaga haysta oo qofkasta dhibaatadiisa ayuu la tacaalayaa.
2- Diidmadu qofka way xanuujisaa, balse inta badan waxay qofka ka ilaalisaa inuu jid qaldan raaco.
3- Anshax / nidaam joogta ah ayaa had iyo jeer ka xoog badan dhiirrigelin ku meelgaadh ah.
4- Kalinimada ayaa ka wanaagsan saaxiibtinimada beenta ah.
5- Dadku waxay xasuustaan sida aad u dareentay ee dareenkooda ula falgashay, balse ma xasuustaan hadallada aad tidhi.
6- Maskaxdaadu waxay rumaysataa sheekada aad marar badan ku celceliso, sidaas darteed si taxaddar leh u dooro fekerradaada.
7- Isbarbardhiggu waa dilaaga farxadda.
8- Qofkasta oo kuu dhoollacaddeeyaa maaha saaxiibkaa.
9- Horumarka waxa lagu dareemaa raaxo-darro, sababtoo ah qofku wuxuu rabaa inuu sida uu yahay iska ahaado.
10- Waxaad ka cararto ayaa caqabad kugu noqda in ka badan inta ay caqabadi kaaga timaaddo waxyabaha aad waajahdid ama qabatid.
11- Lacagtu ma hagaajin karto dabeecaddaada liidata.
12- Riiqda nafsadeed (Trauma) way kula socotaa oo dhammaan qaybaha jidhkaaga ayay saamaysaa haddii aanad la tacaalin oo aanad maarayn.
13- Aamusnaantu had iyo jeer iyadaa ka awood badan jawaabta.
14- Lacagtu waa hantida dhabta ah ee aad maalinkasta adeegsatid.
15- Maalin uun, waxa aad shallayn doontaa inaad hore u bilaabi wayday.
W/Q: Brotherhood Empire.
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
11 Febr. 2026
Comments
Post a Comment