Posts

Showing posts from February 9, 2020

Gorfeynta Buugga “ Rich Dad Poor Dad ~Aabbo Hodan ah, iyo Aabbo Sabool ah.”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ Rich Dad Poor Dad ~Aabbo Hodan ah, iyo Aabbo Sabool ah” Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki, dhashay 1947kii, haddana nool. Oo ah qoraa, iyo Ganacsade Maraykan ah. Ah na aasaasaha Rich Global LLC iyo the  Rich Dad Company , iyo ganacsiyo kale oo gaar ahaaneed. Qoraagu wuxuu caan ku yahay ka hadalka iyo waxka qoridda arrimaha Ganacsiga iyo dhaqaalaha. Wuxuu qoray buugaag badan oo sida la sheegay 26 sare u dhaafay. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga ‘ Why A students work for C Studenst, and B students for Government.’ Sidoo kale, waxa uu qoray ‘ Rich Dad’s Increase Your Financial IQ.’ Robert Kiyosaki’s Conspiracy of the Rich, The 8 New Rules of Money .” “ Rich Dad’s Success Stories” iyo ‘ The Businness of 21 st   Century.’ Buuggu wuxuu ka koobanyahay 220 bog. Wuxuu ka koobanyahay 9 Cutub, hordhaca, iyo hadalkooban oo uu buugga ku soo afmeerayo qoraagu. Luuqado badan ayaa buugga loo turjumay. Aqoonyahanno badanna way falanqeeyeen oo in bad