Gorfeynta Buugga “ Rich Dad Poor Dad ~Aabbo Hodan ah, iyo Aabbo Sabool ah.”
Hordhac
Buuggan la yidhaa “ Rich Dad
Poor Dad ~Aabbo Hodan ah, iyo Aabbo Sabool ah” Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki, dhashay
1947kii, haddana nool. Oo ah qoraa, iyo Ganacsade Maraykan ah. Ah na aasaasaha
Rich Global LLC iyo the Rich Dad Company, iyo ganacsiyo kale oo gaar ahaaneed. Qoraagu wuxuu
caan ku yahay ka hadalka iyo waxka qoridda arrimaha Ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Wuxuu qoray buugaag badan oo sida la sheegay 26 sare u dhaafay. Buugta uu qoray
waxa ka mid ah buugga ‘ Why A students work for C Studenst, and B students for
Government.’ Sidoo kale, waxa uu qoray ‘ Rich Dad’s Increase Your Financial
IQ.’ Robert Kiyosaki’s Conspiracy of the Rich, The 8 New Rules of
Money.” “Rich Dad’s Success Stories”iyo ‘ The Businness of 21st Century.’
Buuggu wuxuu ka koobanyahay 220 bog. Wuxuu ka koobanyahay 9
Cutub, hordhaca, iyo hadalkooban oo uu buugga ku soo afmeerayo qoraagu. Luuqado
badan ayaa buugga loo turjumay. Aqoonyahanno badanna way falanqeeyeen oo in
badan ayaa falsafadda ku duugan laga dooday. Wargeyska Caalamiga ah ee US Today
oo faallo ka qoray ayaa ku tilmaamay “ Buugga Rich Dad
Poor Dad waa
barbilowga uu ka bilaabi karo qofkasta oo raba inuu helo, misana maammulo
dhaqaalaha mustaqbalkiisa.”
Buuggu si guud waxa uu isbarbardhig ku samaynayaa laba AABBO
oo laba xaaladood oo kaladuwan ku kala nool. Midi waa Sabool, oo nolol
maalmeedkiisa ayuu dirqi ku helaa. Ka kalana waa hodan oo lacagta ayaa ka
badatay. Waxa ay kala aaminsanyihiin, fekradda ay lacagta ka haystaan, iyo
sababta ay xaaladdan ugu kala suganyihiin ayuu qoraagu isbarbardhigayaa. Sidoo
kale, Aabbaha HODANKA ahi waxa uu carruurtiisa baro, iyo Aabbaha saboolka ah
iyo aabbayaasha dabaqadda dhexe waxa ay carruurtooda baran ayuu wax ka
taabanayaa, oo isbarbardhigayaa.
Nuxurka
Buugga
Lahaanshaha labo AABBO oo kala fekerro duwan waxa ay qofka
ku keenaysaa fiiro dheer, iyo inuu aad uga fekero fekradahan is hirdinaya ka uu
qaadanayo, ka saxan, iyo midkasta sababtiisa. Si kooban aynnu u dulmarno labada
Aabbo ee buuggu ku salaynsanyahay, waxa ay kala aaminsanyihiin, aabbo kasta
talada uu bixiyo, waxa ay ku salaysantahay, lacagta sida ay u arkaan, aqoonta
sida ay u arkaan, iyo guud ahaan habfekerkooga, gaar ahaanna fekerka ay lacagta
ka aaminsanyihiin, iyo talada ay ilmahooga siinayaan.
Qoraagu waxa uu xusayaa inuu laba aabbo lahaa: Aabbo Hodan
ah, iyo Aabbo Sabool ah. Aynnu sida uu u qoray u soo xiganno. Midi waxbuu
bartay, wuuna caqli badnaa. Shahaadaha Ph.D ayuu qaatay. Sidoo kale,
shahaadooyinka ka hooseeyana wuu qaatay. Jaamacadaha ay ka midka yihiin Stanford University, the University of Chicago, iyo Northwestern
University ayuu waxbarashadii sarana ka bartay. Aabbaha kale ma dhammaysan
Fasalka 8aad ee Dugsiga! Labaduba meel fiican ayay shaqadooda ka
gaadheen. Si adeg ayay noloshooda u shaqeeyeen. Dhaqaale fiican ayaa soo gala.
Midi dhaqaale inuu helo ayuu u halgamaa. Ka kalana waxa uu noqday NINKA UGU
HODANSAN HAWAAY. Midi markii uu dhintay waxa uu qoyskiisii uga tagay Tobannaan
Malyan oo Doollar. Ka kalana markii uu dhintay kaliya BIILKII xaafadda ayuu ka
tagay!
Labaduba cabqariyiin ayay ahaayeen. Talo ay LABADOODUBA
isiin jireen. Se taladoodu isku mid may ahayne way kala duwanayd. Labadooduba
waxbarashada way qirsanaayeen, se kamay sinnayn waxa la baranayo. HADDII aan
aabbo qudha/ kaliya lahaan lahaa taladiisa waan qaadan lahaa ama waan diidi
lahaa. Balse, lahaanshaha LABA AABBO waxa ay I bartay inaan fekerro ama
aragtiyo kaladuwan isbarbardhigo: Hodantinnimo, iyo saboolnimo. Halkii aan hal
talo ka aqbali lahaa ama diidi lahaa waxa ay noqotay inaan in badan fekero,
isbarbardhigo, ugu danbaynna naftayda mid u dooro.
Tusaale ahaan, midi waxa uu leeyahay “ Jaceylka lacagtu waa
dhammaan xididka sharka/ shayddaanka.”
Kalana waxa uu leeyahay: “ Lacagla’aantu waa xididka wax xun oo
kasta/sharka.” Marka aad ilmayar tahay oo aad leedahay laba aabbo oo awoodleh
oo ku saamaynayaa waa arrin adag. Waxa aan doonayay inaan noqdo dhagayste
wanaagsan, balse labada aabbo wax isku mid ah imay odhanayn. Gaar ahaan,
dhinaca lacagta aad bay ugu kala tagsanaayeen.
Maxaa mid Hodan ka dhigay, ka
kalana Sabool?
Intaa marka aynnu ka nimaadno, aynnu u galno arrinta u wayn
oo aynnu u soconno oo ah, sababta Aabbo hodan u noqday, mid kalana sabool?
Arrinta ugu wayni waa sida ay lacagta u arkaan ayuu qoraagu leeyahay. Lacagta
laguma barto Dugsiyada, se xaafadda ayaa lagu bartaa oo uga dhaw dugsiyada.
Innagu waalidkeen ayaynnu lacagta ka barannaa ayuu qoraagu leeyahay. Markaa
maxay Waalidka saboolka ahi u sheegaan carruurtooda? Kaliya waxa ay yidhaahdaan
“ Dugsiga tag, oo aad wax u baro!” Ugu danbaynna qofkii wuu qalinjebiyaa isaga oo
dhaqaale ahaan sabool ah, maskaxdana ka arradan oo ka sabool ah.
Dhinaca kale, waxa ay ku kala duwanyihiin erayada iyo waxa
afkooga ka soo baxaya, sida qoraagu ku doodayo. Aabbo waxa u caado ah inuu
yidhaahdo “ Ma awoodo sheygaa!” Aabbaha kalana, waxa u caado ah ama yidhaa “
Sideen shaygaa u awoodnaa/qabannaa?” Midi qaab hadal ah ayuu u odhanayaa, ka
kalana su’aal ayuu ka dhigayaa. Ta hore caajisnimo, iyo fadhikudirir ayay kugu
riixaysaa; ta danbana inaad fekertid ayay ku qasbaysaa. Ta hore, maskaxdu inay
shaqayso oo dhaqdhaaqdo ayay joojinaysaa, ta danbe maskaxdu way shaqaynaysaa.
Qoraagu waxa uu leeyahay labada aabbe mid ahaan maskaxdiisu way ka hurudday oo
kuma baraarugsanyna lacagta, kalana wuu baraarugsanaa, oo wuu soo jeeday. Waa
sababta kala tagsiiyay, ee midi hantiile lacagtiisu sii korto u noqday; ka
kalana sabool lacagtiisu sii daciifta u noqday.
Dhinaca habfekera talada way ku kala duwanaayeen. Midi ‘ Aad
wax u baro, shirkad wanaagsan oo aad u shaqayso ayaad heli’ ayuu odhan jiray.
Ka kalana ‘ Aad wax u baro shirkad aad wax ka iibisid ayaad heli’ ayuu odhan
jiray.
Midi wuxuu odhan jiray “ Sababta aan hodan u noqon waayay
waa idinka ayaan dhalay ( carruurta isaga oo la hadlaya una jeeda).” Ka kalana,
wuxuu odhan jiray “ Sababta aan hodan u noqday, waayo idinka ayaan leeyahay (
carruurta isaga oo la hadlaya una jeeda).”
Midi waxa uu dhiirrigelinjiray in lacagta iyo ganacsiga
lagaga hadlo miiska cuntada dushiisa; Aabbaha kalana wuu mamnuuci jiray in
lacag iyo wax la xidhiidha lagaga hadlo oo lala yimaad cuntada dusheeda.
Midi waxa uu yidhi: “ Marka ay lacagta timaaddo, sideedaan
ku daayaa. Khatar ma qaato.” Ka kalan waxa uu yidhi: “ Khatarta sida loo
maareeyo ayaan bartaa.”
Midi waxa uu rumeysnaa “ Hantida ugu wayn, iyo
maalgashigayaga ugu wayni waa gurigayaga.” Aabbaha kalana waxa uu aaminsanaa “
Gurigaygu waa qaan. Haddii gurigaagu yahay hantidaada ugu wayn waxa aad tahay
rabshadoole.”
Labaduba biilka waqtigiisa ayay bixin jireen. Balse, mid
ayaa biilka horbixin jiray, ka kalana wuu la habsaami jiray.
Midi waxoogaa lacag ah ayuu kaydsan jiray, ka kalana waxbuu
maalgashan jiray. Qoraagu waxa uu leeyahay, labada Aabbo midi waxa uu I bari
jiray sida loo qorto Waraaqad shaqo codsi oo quruxbadan si aan shaqo ugu helo;
Halka ka kale I bari jiray sidii aan u qoran lahaa waraaqad tilmaamaysa qorshe
ganacsi si aan shaqo u abuurto.
Aabbaha Saboolka ahi waxa uu odhan jiray “ Hodan waligay ma
noqon karo” si u araggiisii ayay noqotay sabool ayuu weligii ahaa; Hodannimana
ma urin. Halka Aabbaha hodanka ahi uu odhan jiray ““ Hodan ayaan ahay!” Xataa
isaga oo kacay oo wixii uu lahaa ka burburay ayuu odhan jiray “ Farqi ayaa u
dhexeeya inaad sabool noqotid, iyo inaad Kacdid (ganacsi kaa burburo), waayo
kiciddu waa waqtiyar, se saboolnimadu waa joogto.”
Aabbahayga saboolka ahi waxa uu odhan jiray “ Lacagta ma
xiiseeyo’ ama ‘lacagtu macno malaha.’ Aabbaha hodanka ahina waxa uu odhan jiray
‘ Lacagtu waa awood.’
Labada Aabbaba aqoonta way tixgelin jireen. Se waxa la
baranayo iyo qaabka ayay ku kaladuwanaayeen. Midi waxa uu aaminsanaa; aad wax u
baro, shahaado qaado, shaqo fiican hel, lacag fiican baad faa’idiye. Inaan
shahaado qaato ayuu rabay. Ka kalana wuxuu rabay inaan barto sida hodan loo
noqdo, inaan fahmo sida lacagtu u shaqayso. Wuxuunna ku soo celcelin jiray “
Waa inay lacagtu aniga ii shaqaysaa.”
Inaan labadaa Aabbo yeeshay, fekerradoodaa kaladuwani
mustaqbalkayga ayay qurxiyeen oo qaabeeyeen ayuu qoraagu leeyahay.
Se ugu danbayn markii uu qoraagu ahaa 9 sano jir inuu
doortay inuu dhagaysto oo wax ka barto aabbihii hodanka ahaa ayuu xusayaa. Waanan
joojiyay buu leeyahay inaan wax ka dhagaysto aabbihii saboolkii.
Intaa ka dib qoraagu waxa uu toos cashirro uga baranayaa
aabbihiisii HODANKA AHAA. Muddo badan ayuu aqoonta dhaqaalaha, lacagta iyo sida
ay u shaqeeyaan barayay. Qoraagu waxa uu sheegayaa 30 sano inuu baranayay oo
hoosfadhiyay aabbihiisii hodanka ahaa. 9 jir isaga oo ah ayuu ku bilaabay illaa
39 na wuu waday. Cashirro kooban ayuu baray. Cashirradaa uu baray ayuu buugga
intiisa danbe kaga warramayaaa. Xabbad xabbad ayuu soo qaadanayaa. Aynnu soo
koobno:
1-
Dadka
Hodanka ahi Lacag uma shaqeeyaan
Cashirrada uu baray Aabbihiisii hodanka ahaa qodobkan ayaa
ugu horreeyay. Qoraagu waxa uu wayddiiyay
ma ii sheegi kartaa sida hodan loo noqdo? Aabbihii qalinkii ayuu dhigay,
wuxuunna wayddiiyay: “ Inankaygiiyoow, maxaad u doonaysaa in aad hodan
noqotid?” “ Waayo, maanta Jiim hooyadii ayaa noo wadday meesheedii cusbayd
waxayna doonayeen inay guri badda ah tagaan fasaxa toddobaadka. Saddex
saaxiibbadii ka mid ah ayay kaxaysay. Balse, aniga iyo Mike nalama casuumin.
Waxaynna ii sheegeen inaan sabool ah nahay.” “ Ma sidaasay sameeyeen?” ayuu
yidhi aabbihii isaga oo yaabban. “ Haa. Sidaasay sameeyeen” ayuu ugu jawaabay.
Aabbihii isaga oo aamusan ayuu madaxa lulay. Muraayaddii ayuu sanqaroorka
saaray, wuxuunna ku noqday waraaqaddii uu akhriyayay. Anna jawaab ayaan ka
sugayaa.
Ugu danbayn aabbihii waraaqaddii ayuu dhigay.
Feker ayuu bilaabay. “ Waa si fiican inankaygiiyoow” ayuu si hoose u yidhi.
Wuxuu ku sii daray “ Haddii aad doonaysid inaad hodan noqotid, waa inaad
barataa sida lacag loo abuurto.”
Waxa kale oo uu aabbihii hodanka ahaa ugu
daray arrin kale oo muhiim ah. waxa uu sheegay in nolosha bini’aadanka laba
shey ayaa maammula: Waa cabsida iyo cirwaynida. Qofku marka hore waxa uu ka
cabsadaa inay lacagla’aani ku dhacdo, markuu helana waxa uu rabaa inuu sii
badiyo.
Fursadaha aynna dadka kale helin ama seegaan ka faa’ideyso,
oo inta badan fursad gaade, iyo ka faa’ideyste marka ay timaad noqo. Aabbaha
Hodanka ahi waxa uu inankiisa kula taliyay inuu eego oo ka faa’ideysto waxa ay
dadka kale seegaan.
2-
Maxaynnu
aqoonla’aan uga nahay Dhaqaalaha?
Cashirkii labaad ee uu qoraagu Aabbihiisii hodanka ahaa ka
qaatay waxa uu ahaa kan sare. Cinwaan hoosaad waxa uu qoraagu qodobkan 2aad uga
dhigay “ Maaha immisa lacag ah ayaad samaysay; se waxa weeyi immisa lacag ah
ayaad kaydisay.” Waxa uu tilmaamayaa lacagtu in aynna ahayn inta la shaqeeyay,
ee qarashaad loo isticmaalay. Se ay tahay inta la shaqeeyay ee kayd ahaan loo
dhigay.
Xeerka koowaad, baro farqiga u dhexeeya hantida iyo qaanta
ayuu Aabbihii hantiilaha ahaa inankiisa ku yidhi. Aabbihii hodanka ahaa waxa uu
yidhi: “ Dadka hodanka ahi waxa ay u baahanyihiin hanti; halka kuwa saboolka ah
iyo dabaqadda dhexe ay u baahanyihiin qaan ay u malaynayaan inay hantitahay.”
Sidoo kale, ogsoonoow hantidu wax ay kuu sii kordhiso mooyee waxba kaa dhimi
mayso; halka qaantu kolba wax kaa sii dhimayso, ee hantidaada cunayso. Sidoo
kale, dad badan kharashaad ayay lacagtu kaga baxdaa. Kiro, cashuur, dayn, iyo
waxyaabo kale ayaa lacagtii ay shaqaysteen ba ka cuna. Taasina in la maareeyo
ayay u baahantahay. Waana halka uu Aabbaha hodanka ahi ka leeyahay ‘ maynaan
baran dhaqaalaha ama lacagta!’ Waayo, haddaan barannayn waxaan shaqaysannayba
kharash innagagama baxeen.
3-
Shaqo
aad gaar u leedahay abuuro
Aabbaha hodankaa ahi waxa uu leeyahay “ Dadka hodanka ahi
waxa ay xooggasaaraan nooca raasamaalkooga; halka dadka kale ay xooggasaaraan
wixii macaash soo galay kaliya.”
Qoraagu halkan waxa uu kaga warramayaa talada uu aabbihii ka
helay ee ku saabsan ganacsi abuurashada. Aabbaha hodanka ahi waxa uu ku
dhiirrigeliyay, kuna tirtirsiiyay inuu abuurto ganacsi uu gaar u leeyahay
haddii uu doonayo inuu hodan noqdo. Cidkale oo aad u shaqaysid hantiile kuma
noqonaysid. Haddii se aad ganacsi abuuratid hantiile waad noqon kartaa. Waayo
hantidaada ayaad korinaysaa. Halka haddii aad cidkale u shaqaysid aad hanta qofkale
korinaysid.
Qoraagu halkan waxa uu isbarbardhig kooban ku samaynayaa
labadiisii aabbo: Kii saboolka ahaa, iyo kan hodanka ah. Ka saboolka ahi waxa
uu I amri jiray inaan shaqo raadsado, oo cidkale u shaqeeyo ayuu leeyahay.
Halka ka hodanka ahi I amri jiray inaan shaqo abuurto.
4-
Dadka
hodanka ahi lacagta ayay maalgashadaan
Halkan aabbaha hantida lihi inankiisa waxa uu kula talinayaa
inuu lacagtiisa meel uu ku maalgashado. Waliba meesha uu ku maalgashanayaa ay
noqoto meel uu hubo inay wax u soo kordhinayso, oo khasaaraheegu yaryahay. Lacagta
inuuna meel dhigane inuu meel manfacle galiyo ayuu u soo jeedinayaa.
Tusaalayaal badan ayuu u soo qaadanayaa. Dadka uu u soo qaadanayo waxa ka mid
ah Ninkii Telefoonka soo saaray Mudane Alexander Graham Bell. Ninkaasi
maalgelin fiican ayuu sameeyay. Waxna wuu hal’abuuray. Haddii aad lacagta meel
aad garanaysid aad gelisid, khammaar maaha, ayuu leeyahay. Se haddii aad iskaga
tuurto meel aanad garanayn waa khammaar ayuu qabaa. Sidoo kale, aad uga fiirso
ayuu leeyahay. Waayo “ Fursadaha waaweyn indhaha laguma arkee maskaxda ayaa
lagu arkaa” ayuu qabaa.
Qodobbadan hoose ayuu soo jeediyay:
B) Hel fursadaha ay dadka kale seegeen.
T) Lacagtaada kobci/ koruqaad.
J) Dadka caqliga wanaagsan ururso/habee.
5-
U
shaqee si aad wax u baratid, ha u shaqayn si aad lacag u heshid
Aabbaha hodanka ahi halkan waxa uu kula talinayaa in uuna
kaliya u shaqayn lacag. Se u isaga oo lacagta u shaqaynaya uu ujeeddooyin
kalana ka yeeloo shaqada. Ujeeddooyinkaa waxa ugu horreysa inuu qofku wax ka
korodhsado shaqada. Waxa uu qabaa oo leeyahay dadka waxa aan kula talinayaa
lacagta ay macaashka ka helayaan in ka badan inay aqoon ahaan shaqada bartaan.
Shaqada waqtiga lagu jiro waxbadan oo maammul u horreeyo ayaa laga bartaa.
Maammulkuba waa aqoon. Maammulka saddex shey ayaa ugu muhiimsan. Waxa ay kala
yihiin:
B) Maammulka lacagta caddaanka ah.
T) Maammulka nidaamka ama habka
J) Maammulka Dadka.
Sidoo kale, shaqada waxa laga barto waxa ka mid ah
xidhiidhka dadka, iyo dad ladhaqanka, iyo dabeecadda.
6) Ka takhallus Caqabadaha
Caqabado badan oo u baahan in laga takhalluso ayaa jira.
Caqabadaha uu aabbuhu kula taliyay inankiisa inuu iska ilaaliyo waxa ka mid ah:
cabsida, caajisnimada, caadooyinka xunxun, iyo cawaannimada. Waa caqabado qofka
horumar badan ka horjoogsada, kana leexiya. Inuu horumar badan gaadhiwaayo
marar badan iyagaa u sabab ah. Qofku inuu ka hortago ayaa muhiim ah.
7) Gudagal oo bilow
Shaqooyinkaagaa maalinlaha ah, iyo wixii aad rabto inaad
bilowdaba hore u bilow ayay talada aabbaha hodanka ahi ahayd. Halka aad ka
bilaabaysid waxa ugu horreysa inaad nafta/ruuxda ka dhaadhicisid, haddana aad
dookh yeelatid oo ay kaa soo go’do, haddana aad iska ilaalisid waxyaabaha ku
saamaynaya ee asxaabtu ugun horreeyaan, haddana naftaada wax wanaagsan u quudh.
Alxaasil, hore u bilow. Waqtiga aad joogto iyo
waxa aad haysato ku bilow. Bilow. Bilow. Bilow.
8) Waxyaabo aad u baantahay inaad qabatid
Intaa marka laga yimaaddo talooyin dhawr ah ayuu siinayaa.
Waxa ka mid ah:
B)
Fekrado cusub raadi.
T)
Waxa aad doonayso in aad
qabatid raadi qof hortaa qabtay.
J)
Fasallo xaadir, wax
akhri, seminnaarrada ka qaybgal.
X)
Dhinaca wanaagsan wax ka
eeg.
Ugu danbayn qoraagu buugga wuu soo gebagebaynayaa 9kaa cutub
ee aynnu soo guudmarnay marka laga yimaaddo ‘ Cinwaankii u danbeeyay oo
gebagebo ah’ ayuu ku soo afmeerayaa. Sababta uu buugga u qoray ayuu gebagebada
ku sheegayaa, waxa uu leeyahay sababta ugu wayn ee aan buugga u qoray, tan iyo
2000 ka dhigtay ka ugu IIBSIGA badani waxa weeyi waxa aan doonayay in aad dadka
la wadaago sida ay garaadkooga dhaqaale u kobcin lahaayeen ee ugu adeegsan
lahaayeen inay dhibaatooyinka nolosha ee caanka ah ku xalliyaan.
Gebagebo
Buugga arrimo muhiim ah ayuu taataabanayaa. Isbarbardhig
ayuu marka koowaad ku bilaabayaa. Aabbaha hodanka ah, iyo aabbaha saboolka ahi
waxa ay kala aaminsanyihii ayuu qaadaadhigayaa. Midi sida lacagta loo sameeyo,
loo ilaaliyo, loo kaydiyo, loo maalgeliyo IWM ayuu garanayaa. Ka kalana sida
loo helo, sida loo kaydiyo iyo sida loo maalgeliya waxbadan kama garanayo.Kaliya
nololmaalmeedkiisa ayuu ku filanyahay.
Intaa ka gadaal, dhawr qodob oo buuggu ku dhisanyahay
ayaynnu soo taxnay. Intaas ka dib waynnu soo xidhnay. Waa buug ashqaraarleh.
Mahasanidiin.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Febraayo 01, 2020.
Comments
Post a Comment